[DAAWO] ๐—ฅ๐—ฎ’๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ: โ€œ๐—–๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐˜‚ ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐—ฎ๐˜† ๐—น๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—บ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐—ถ๐—ป ๐—ต๐—ฎ๐—น ๐—บ๐—ฎ๐—ฟ ๐—ฎ๐—ต ๐—น๐—ฎ ๐—ถ๐˜€๐—น๐—ฎ ๐˜€๐—ฎ๐˜…๐—ผโ€

Date:

Muqdisho, Feberaayo 20, 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa furay Shir Sanadeedka 5aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay wixii u qabsoomay iyo waajibaadka horyaalla.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Caddaaladdu ay tahay unug isku xiran oo ay lagama maarmaan tahay in hal mar ah la isla saxo, isla markaana aan waxba laga qaban karin amniga, dhaqaalahaย  iyo adeegyada bulshada haddii aan la hagaajin.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku baaqay in bulshada Soomaaliyeed laga wacyigeliyo dhaqamada ku saleysan laaluushka iyo musuq-maasuqa, cid walba oo lagu helana sharciga la horkeeno.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hoosta ka xariiqay in aan la aqbali karin xilligaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah in maalin walba muwaadin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan lagu dilo jidadka, isagoo faray hay’adaha caddaaladda in ay qaadaan tallaabooyin lagula xisaabtamayo kooxaha dilalka geysanaya.

Shir Sanadeedka Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xeer Ilaaliyeyaasha dowlad goboleedyada, Safiirro iyo marti sharaf kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Shirka maalgashiga qurbejoogta oo Muqdisho ka furmay

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta...

DHAMAYSTIRKA DASTUURKA WAA FURAHA XASILOONIDA DOWLADNIMADA

Qareen Mohamed Hassan Nur ayaa waxa uu ka qoray...