[DAAWO] 𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲: “𝗖𝗮𝗱𝗱𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗯𝗮𝗸𝗮𝗱 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻 𝗼𝗼 𝗮𝘆 𝗹𝗮𝗴𝗮𝗺𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗿𝗺𝗮𝗮𝗻 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗶𝗻 𝗵𝗮𝗹 𝗺𝗮𝗿 𝗮𝗵 𝗹𝗮 𝗶𝘀𝗹𝗮 𝘀𝗮𝘅𝗼”

Date:

Muqdisho, Feberaayo 20, 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa furay Shir Sanadeedka 5aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay wixii u qabsoomay iyo waajibaadka horyaalla.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Caddaaladdu ay tahay unug isku xiran oo ay lagama maarmaan tahay in hal mar ah la isla saxo, isla markaana aan waxba laga qaban karin amniga, dhaqaalaha  iyo adeegyada bulshada haddii aan la hagaajin.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku baaqay in bulshada Soomaaliyeed laga wacyigeliyo dhaqamada ku saleysan laaluushka iyo musuq-maasuqa, cid walba oo lagu helana sharciga la horkeeno.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hoosta ka xariiqay in aan la aqbali karin xilligaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah in maalin walba muwaadin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan lagu dilo jidadka, isagoo faray hay’adaha caddaaladda in ay qaadaan tallaabooyin lagula xisaabtamayo kooxaha dilalka geysanaya.

Shir Sanadeedka Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xeer Ilaaliyeyaasha dowlad goboleedyada, Safiirro iyo marti sharaf kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Difaaca XFS oo shacabka Ceeldheer ku dhiirigeliyay in ay ka qeyb qaataan isdiiwaangelinta doorashada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...

GUDDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA OO SI WEYN LOOGU DHOWEEYEY MAGAALADA BAYDHABO

Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Gaashaandhigga oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Axmed...