Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa Maanta Kormeeray Xarunta CID ee Ciidanka Boliiska oo horay uu Ummadda Soomaaliyeed ugu balanqaaday kormeer joogto ah oo la xariira adeega Bulshada inuu ku sameyn doono.
[DAAWO+SAWIRO] Ciidanka Booliska saldhigga degaanka Garasbaaleey oo dilay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab
Ciidanka booliska saldhigga degaanka Garasbaaley ayaa saakay toogtay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab oo doonayay inuu dilo askari ka tirsan ciidanka dowladda, isgoyska xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa lagu dilay dhagarqabahaas oo qorsheynayay inuu dilo askari ka tirsan ciidanka aruuriya canshuuraha, sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyey taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir
Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 20-aad ee Golaha Shacabka BJFS
Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 20-aad ee Golaha Shacabka BJFS Oo Ajandihiisu ahaa;
1)Akhrinta 3-aad iyo U codeynta Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa.
2)Akhrinta 3-aad iyo U codeynta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed.
3)Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga.
4)Akhrinta 1aad Handise Sharciyeedka
Socdaalka.
5)Qeybinta Hindise Sharciyeedyada Kala ah
A)Dhowrista Xogta
B)Maareynta Deegaanka
Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa xildhibaanada u sheegay in latashiyo aysoo sameeyeen guddoomiyaha Golaha shacbaka mudane Sheikh aadan maxamed nuur sheikh aadan madoowe Ayna isku soo Afgarteen in gurmadka walaalaheen turkiga aan qeyb ka noqono maaddaama hay’adaha kale ee dowladda mid mid ugu istaageen arrintaas xildhibaanada ayaana soodhaweeyay soo jeedinta Guddoomiyaha waxa ayna sheegeen in codlagiliyo waxana Haa u codeysay150 xildhibaan ee maanta soo xaadirtay Guddoomiyaha ayaana sheegay in %20 Gunada xildhibaanada ee bishaan loojari doono gurmadka walaalaheena turkiga.
Intaasi kadib Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shir guddoominayay kulnka maanta ayaa cod giliyay labada Sharci ee kala ah Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa.iyo Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed Ugu horeeyn waxaa cod lagiliyay hindise sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka dhulka Hoostiisa waxaana haa ugu codeysay 148 xildhibaan waxaa diiday 2 xildhibaan wax ka aamusiyna majiro Dhanka kale waxaa cod lagiliyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed waxaa haa ugu codeeyay 149 xildhibaan waxaana diiday 1 xildhibaan wax ka aamusiyna majiro
Intaasi kadib guddoomiyaha ayaa sheegay in ay ansax yahiin labdaan sharci ee kala ah Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa iyo Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Xil. Maxamuud Cabdiraxmaan ‘Beenabeene’ ayaa Golaha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga sidoo kale Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Xil. Maxamed Cali Xagaa ayaa Golaha ka hor akhriyay Handise Sharciyeedka Socdaalka.
Ugu danbeyntii, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo xiray kulanka maanta Asigoona faray kusimaha Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Ahana Xoghaye ku xigeenka Mudane.Maxamed cabdulahi cabdi(ciyow) in Guddiyada Arrimaha Gudaha & Amniga iyo Guddiga Dhaqalaha Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka BJFS u ku wareejiyo labada Hindise Sharciyeed,

Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo sheegtay inay ka shaqeynayaan sidii loo dhiirigelin lahaa ganacsatada Kalluunka
Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulluuga ah ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cali Ifiye Cali ayaa maanta booqday Suuqa Kawaanka ee degmada C/casiis iyo Suuqa Kawaanka ee degmada Xamar Weyne.
Wasiirka ayaa booqday qeybaha kala duwan ee Suuqa, isagoo warbixin ka dhageystay madaxda Iskaashatooyinka dan kulmis iyo Alla aamin.
Masuuliyiintii uu la kulmay wasiirka ayaa ka codsaday in Wasaaradda Kalluumeysiga kala shaqeyso sidii ay u heli lahaayeen Suuq casri ah, goobo ay kalluunka ku keydsadaan iyo furista wadooyinka soo gala labada Suuq.
Wasiir Cali Ifiye ayaa sheegay in ka shaqeynayaan sidii loo dhiirigelin lahaa ganacsatada Kalluunka, isla markaana kor loogu qaadi lahaa xirfadahooda.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Wasaaradda Kalluumeysiga ay ka go’an tahay in la kordhiyo wax soo-saarka badda, si looga faa’ideysto dhaqaalaha bulluuga ah.
Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulluuga ah ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cali Ifiye Cali waxaa koormeerka ku wehlinaayay agaasimaha Waaxda horumarinta Kalluumeysiga mudane Xasan Faarax Xaamud iyo agaasimaha waaxda ilaalinta deegaanka badda mudane C/qaadir C/nuur Yuusuf (Bakool).

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo kulamo iyo Shirar kala gooni gooni ah kawada Dalka Talyaaniga
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aaden ayaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga kula kulmay madaxda Iskaashatada Kaluumeysatada ee Federpesca, ganacsatada hoggaamisa shirkadaha ugu waaweyn dalka Talyaaniga iyo hay’adaha daneeya arrimaha kalluumeysiga.
Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo deeq xoolo ah oo ciidanka loogu talagalay kala wareegay waxgaradka mid kamid ah beelaha dega Xarardheere
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta deeq xoolo ah oo ciidanka loogu talagalay wuxuu kala wareegay waxgaradka mid kamid ah beelaha dega magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta.
Kooxda Taliban-ta Pakistan oo sheegatay weerar lagu qaaday xarunta booliska Karachi
Koox dabley ah oo ku hubeysan hubka darandooriga u dhaca iyo bambooyin ayaa weerar ku qaaday xarunta booliska ee magaalada Karachi ee ugu weyn dalka Pakistan fiidnimadii Jimcaha. Goobta weerarku ka dhacay ayaa laga maqlay is-rasaasayn xooggan oo saacado qaadatay, taas oo dhex martay kooxda weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka, waxaana halkaas ku dhintay ugu yaraan afar qof.
Maxkamadda Ciidamada oo Saakay Dil toogasho ah ku fulisay Askar Dad shacab ah dilay
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybtayda Darajada Koobaad ayaa Maanta Xukun Toogasho ah ku fulisay Qaasim Ducaalle Cabdi & Xasan Juulle Shaakir oo 10kii Janaayo ee sanadkaan 2023 si bareer ah u dilay Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abirimo) oo ah Ganacsade & Cali Taliye Cariif oo Wade Bajaaj ah.
[DAAWO] Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Dalka Itoobiya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qayb galayo meertada 36-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo la kulmay Masuuliyin katirsan dalka Talyaaniga
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aaden oo safar shaqo ku jooga dalka Talyaaniga ayaa shir layeeshay dhiggiisa dalkaas Mudane Francesco Lollobrigida oo ay kawadahadleen arrimo qodobo muhiim u ah dalkeena.
