Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Khalafallah Mustafa Babakar Abdullahi, isaga oo kala hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Jaamacadda Carabta
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ahna Madaxa Ergada Ururka ee Soomaaliya, Mudane Salah Ahmed Al-Salah Elguneid, waxa uu kala hadlay xoojinta iskaashiga heerarkiisa kala duwan iyo fulinta heeshiisyadii horey uga dhexeeyey Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta.
Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo magaaladda Baledweyne gaarsiisay gargaar deg deg ah
Ciidamada Qaranka oo la wareegay deegaanka Quracle oo qiyaastii 10 km u jirta degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool
Ciidanka xoogga dalka ayaa galabta la wareegay deegaanka Quracle oo qiyaastii 10 km u jirta degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool oo kooxaha Khawaarijta ah ay dadka shacabka ah ku dhibaateyn jireen.
??????? ?????? ?? ?? ???????? ???????? ?? ????? ????????? ?? ?????? H??’????? ????????? ????????? ?? ?? ?????????? ????? ??
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta magaalada London kulan ballaaran kula yeeshay hay’adaha garagaarka caalamiga ah ee xaruntoodu tahay Ingiriiska.
Guluf ka dhan ah Al-SHabaab oo maanta ka socda gobolka Shabeellada Dhexe
Saacadihii la soo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho ka ambabaxay Ciidamo aad u farabadan oo kamid ah Millateriga Soomaaliya, kuwaas oo gaaray degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan casho iyo mahadcelin ah kula yeeshay magaalada Nairobi xubno sare oo ka socda saaxiibada Caalamka
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xalay kulan casho iyo mahadcelin ah kula yeeshay magaalada Nairobi xubno sare oo ka socda saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ka taageera horumarka iyo dhaqaalaha.
Kulanka ayaa looga hadlay dadaalada Dowladda Federaalka ee ku aadan dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
Wasiirka ayaa la wadaagay Saaxiibadda Soomaaliya sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya kordhinta dakhliga gudaha, horumarinta Maamulka Maaliyadda Guud iyo nidaamka hufan ee Dowlad Wanaagga.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya oo xulka 17 jirrada ee dalkeenna oo natiijo ah (1-0) kaga adkaaday xulka Ethiopia ugu hambalyeeyay guushaas ay ka gareen
Guddoomiye Sheekh Aadan madoobe oo maanta shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya
Muqdisho Oktoober 03,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka u magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ka dib markii uu xilka iska casilay Xog-hayihi hore ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux, Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa xog-hayaha cusub cod gacantaag ah ku ansixiyey.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xoghayahii hore Golaha Shacabka is casilaadiisa ka aqbalay isagoona sheegay in Cabdikariim Buux uu ahaa nin aqoon u leh shaqada Baarlamaanka islamarkaana taladiisa iyo waayo aragnimadiisa ku biiriyo Golaha Shacabka.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa xoghayaha cusub kula dardaarmay in uu dardar geliyo shaqada baaxada leh ee hortaala isla markaana looga baahan yahay in masuuliyada culus ee loo igmaday uu u guto si hufan oo daacadnimo ku jirto.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo guddoomiyey shir looga hadlayay amniga oo si gaar ah loogu lafaguray xaaladda magaalada Beledweyne
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay amniga oo si gaar ah loogu lafaguray xaaladda magaalada Beledweyne oo maanta argagixisadu ka gaysteen qaraxyo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.
