Home Blog Page 51

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa Turkiga 

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Wasiirka Warshadaha Difaaca ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Vugar Valeh oglu Mustafayev.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca, gaar ahaan sidii Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd waaya-aragnimada iyo khibradaha Azerbaijan ee dhanka warshadaha milatari iyo horumarinta awoodda difaaca qaranka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay dowladda Azerbaijan taageerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caqabadda ku ah nabadda iyo xasilloonida dalka.

Taliyaha Ciidanka Badda CXDS oo Istanbul kula kulmay Madaxa Shirkadda Difaaca Aselsan

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee CXDS Jeneraal Cabduwahab Cabdullahi Cumar, oo ka qeybgalay bandhigga caalamiga ah ee Hubka iyo Tignoolajiyada Milatariga ee IDEF 2025, kaas oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay madaxa shirkada difaaca tignoolajiyada sare ee dowladda Turkiga Aselsan Ahmet Akyol.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada Dal, sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay hormarinta iyo tayeenta Ciidanka Badda Soomaaliya si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo Difaacan kara badiisa.

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho mar kale kulan wadatashi ah kula yeeshay siyaasiyiinta mucaaradka ah, iyagoo ka wadahadley geeddi socodka mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

2- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane, Abdalla Cuteybi,iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac gaar ahaan, dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in qurbajoogta Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin horumarka dalkooda, loogana fadhiyo in ay xoojiyaan doorka kaga aaddan garab istaagga Ciidanka Qalabka Sida iyo hirgelinta doorashooyinka awoodda dib loogu celinayo shacabka.

4- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay munaasabad lagu soo bandhigayey waxbixinta sanadeedka horumarka maaliyada dowladda ,oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda .

5- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeyay dalalka Soomaaliya iyo Indonesia, oo ku saabsan in ay ka dhaafaan shuruudaha dal-ku galka dadka sita baasaboorrada diblumaasiga iyo kuwa shaqada.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi ayaa guddoomiyey kulan ay yeesheen guddiga loo xilsaaray gurmadka dadka ay abaartu ku saameysay gobolka Awdal.

7- Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagula kacay markabka lagu magacaabo SEA WORLD ee wata calanka Jasiiradda Comoros.

8- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Istanbul uga qeyb galey Bandhigga Caalamiga ah ee Warshadaha Difaaca (IDEF 2025) oo lagu soo bandhigayay hubka difaaca taknoolijiyadda ee casriga ee dalka Turkiga.

9- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa qaabilay Ku-Simaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Nasar Maxamed Al Sanuusi .

10- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa magaalada Jowhar kulan kula yeeshay Ku-Simaha Madaxa Naser Sayid.

11- Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga (SOMINVEST) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Dhuubo ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Danjire Ahmed bin Mohammed Al-Muwalad.

12- Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Maxamed Xassan Maxamed ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka ku qaabilay Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed (SMA) oo dhawaan loo doortay hoggaanka ururka .

13- Ciidamada dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa Khawaarijta ku weeraray goob ay isku uruursanayeen oo u dhaxeysa degmada Maxaas iyo degaanka Wabxo, halkaas oo lagu jebiyey cadowga Khawaarijta ah.

14- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan.

15- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yusuf Maxamed Aadan ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Muqdisho mashruuc cusub oo lagu horumarinayo dhaqaalaha qoysaska danyarta ah.

16- Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan Dahabo Susow Maxamuud ayaa si’ rasmi ah u furtay aqoon korarsi ah loo qabtay 34 garsoore oo dumar ah .

17- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mustafa Dhuxulow ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay Madaxda Laamaha Socdaalka iyo Amniga ee Switzerland iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan hay’adaha cadaaladda iyo kuwo kale.

18- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa si’ rasmi ah xariga uga jaray dhismayaal cusub oo Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Wasaaradda Cadaaladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

19- Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa cambaareysay colaadii uu dhowaan magaalada Beled Xaawo ka huriyay Axmed Maxamed Islaam.

20- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan soo dhaweyn iyo kala warqaadasho ah la qaatay Mr .Hideki Matsunaga oo ah Maamulaha cusub ee Xafiiska Bangiga Adduunka Soomaaliya

21- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa warbixino ku saabsan xaladda amni ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka dhageystay saraakiisha booliska amniga ee maamulka.

22- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Axmed Xasan Aadan ayaa qaabilay ganacsato isuga jirta Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, oo ka qayb-galay munaasabad lagu soo bandhigay fursadaha ballaaran ee ka jira kalluumeysiga dalka.

23- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee qurba-joogta Soomaaliyeed ka qaadanayeen dowlad-dhiska soddonkii sano ee la soo dhaafay.

24- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali– Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Ergooyinka ee Dhameystirka Dhismaha Dowlad Goboleedka SSC.

25- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kormeer ku tagay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, si looga jawaabo cabasho kasoo yeertay ganacsatada suuqa, oo ku aaddanayd shaqsiyaad dhul-boob ka waday qaybo kamid ah suuqa.

26- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Istanbul kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Xasan Cumar Maxamed.

27- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Sheekh Mukhtar Roobow Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda DIYANET-ka ee Dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Diinta.

28- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Ahmed Moallim Fiqi, iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Yaşar Güler, ayaa magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiiska wax-ka-beddelka habraaca fulinta ee kaalmada maaliyadeed ee 17-kii Luulyo 2019 dhexmaray labada dal.

29- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, ahna Guddoomiyaha sannadlaha ah ee Wasiirrada Gaashaandhigga ee wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirka 34-aad ee Hay’adaha Sare ee EASF, oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

30- Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada G/Sare. Muxudiin Axmed Cusmaan ayaa magalaada Amaan ee dalka Urdun uga qeyb-galey shir looga hadlaayay dagaalanka socdaalka sharcidarada, dembiyada tahriibinta iyo sidii laamaha dembi baaristu ugu hortagi lahaayeen.

31- Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa si hab maamuus sare leh u sagootiyay Wasiirka Gaashaandhigga ee Jasiiradda Komoros, Mudane Yousoufa Mohamed Ali.

32- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi.

33- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta argagixisada ah ka wada qeybo ka mid ah dalka.

34- Guddiga Qaran ee Ka-Hortagga Lacag Dhaqidda iyo La Dagaalanka Maalgalinta Argagaxisadda ayaa yeeshay kulan looga dooday sidii loo dardar gelin lahaa la-dagaalanka maalgelinta argagixisada.

35- Taliyaha Ciidanka Badda iyo DIfaaca Xeebaha ee Soomaaliya S/Guuto Cabdiwahaab Cumar oo dalka Turkiga kulan kula yeeshay Taliyaha Ciidanka Badda Turkiga, Admiral Ercument Tatliouglu.

36- War bayaan oo kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in ay hay’addu ay baaris ku heyso hantida iyo dhaqaqaaqyada maaliyadeed ee argagaxisada.

37- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo deeganka Dhanaane ee gobalka Shabeellaha ka fuliyay hawgallo qorsheysan ayaa lagu burburiyey guriga ay khawaarijta u adeegsan jireen keydinta waxyaabaha qarxa.

 

Ciidanka XDS oo fashiliyey weerar ay Khawaarijta kusoo qaadeen Sabiib iyo Canoole

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya ciidamada Difaaca Dadka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, ayaa saaka aroortii abbaaraha 6:20 subaxnimo si geesinimo leh uga hortagay weerar ay Khawaarijta kusoo qaadeen deegaannada Sabiib iyo Canoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Qaranka oo ku jiray heegan buuxa iyo feejignaan sare ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka, waxayna ku guuleysteen inay fashiliyaan damaca maleeshiyaadka argagixisada ah ee doonayay inay gudaha u galaan deegaanka. Intii uu dagaalku socday, waxaa lagu dilay 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, iyadoo weli ay socdaan howlgallo lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyaadkaas.

Afar askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku shahiiday dagaalka, halka ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen toddoba kale. Dhaawacyadaas waxaa si degdeg ah loogu sameeyay gurmad caafimaad oo dhammeystiran.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay si buuxda u bogaadineysaa geesinimada iyo dhabar-adaygga ay muujiyeen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee difaacay shacabka kuna guuleystay inay jabiyaan weerarkii cadowga.

Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadineysaa kaalinta saaxiibada Soomaaliya, kuwaas oo maanta duqeymo dhanka cirka ah ku beegsaday Khawaarijta, kuna dhaliyey dhaawac culus.

Wasaaraddu waxay mar kale ku celinaysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay la dagaallanka argagixisada, sugidda amniga dalka, iyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan nolol nabdoon oo karaamo leh.

Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo cambaareysay dagaalka uu sii waddo eedeeysane Axmed Madoobe

Wasaaradda Amniga Guduha ee Dawladda Federaalka ah waxeey markale cambaaraynaysaa daadinta Dhiigga Dadka Soomaaliyeed ee uu sii wado Eedaysane Axmed.

Eedaysanuhu wuxuu markale colaad ka huriyay Gobalka Gedo isaga oo Maleeshiyaad ka amarqaata faray in ay weeraraan xaruumo Cidanka Qaranka iyo goobo shacbi ah Magaalada Balad-xaawa ee Gobalka Gedo Maanta oo Jimce ah.

Weerarkaan oo sababay in ay Naftooda si mino darro ah ku waayaan muwadiniin Soomaaliyeed waa mid uu doonayo eedaysanuhu in uu ku balaariyo danbiyada uu faraha kula jiro kuna sii kala dilo Dadka reer Jubaland guud ahaan gaar ahaan Shacabka Gobalka Gedo oo uu muddo dheer ku hayay falal xadgudub ah.

Dawladda Federaalka ah waxaa ka go’an in lala xisaabtamo danbiilayaasha uu ugu horeeyo Eedaysane Madoobe iyo inta kala qayb-qaadata fal-danbiyeedkiisa.

Waxaan ugu baaqaynaa Shacabka reer Jubaland gaar ahaan reer Gedo in ay meel uga soo wada jeestan kana digtoonaadaan falalka Eedaysanaha oo isku dayaya in uu balaariyo Danbiyada uu faraha kula jiro.

Wasaaradda Amniga iyada oo kaashanaysa Hay’adaha Sharciga waxeey la socotaa cidkasta oo ku lug yeelata danbiyada oo ku galayo magaca Shacaba Jubaland Eedaysanuhu iyada oo la diwaangaliyay shaqsiyaad kale oo qayb ka ah daadinta Dhiigga Muwaadininta iyo ku xadgudubka xuquugdooda.

Dawladda o gudanaysa waajabaadkeeda Dasturiga ah, waxaa ka go’an in laga hortago xadgudubyada nuucaan ah isla markaana aan fursad loosiin danbilayaashu in ay sii wadaan danbiyadooda.

Ciidanka XDS oo Shabellaha hoose ku dilay xubno ka tisan Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka si geesinimo leh u fashiliyey weerar naf la caari ah oo ay Khawaarijtu kusoo qaadeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaaladaan ayaa ka dhacay duleedka deegaanada Sabiid iyo Caanoole,halkaasi oo lagu jabiyey koox khawaarij ah ee isku dayey in ay weeraraan fariisimo ciidan oo ku yiillay halkaasi.

Ciidamada Xoogga ayaa la xaqoojiyay in ay Khawaarijta gaarsiiyeen khasaare culus, iyadoo maydad badan la sheegayo in ay daadsan yihiin halkii lagu dagaalamay .

Ciidamada Xoogga ee ka howlgala Gobolka Sh/Hoose ayaa dagaalkaasi ku jabiyay kooxaha nabad-diidka ah ,iyagoo bilaabay howlgal lagu sii baacsanayo khawaarijta.

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Indonesia

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Indonesia, oo ku saabsan in ay ka dhaafaan shuruudaha dal-ku galka dadka sita Baasaboorrada diblumaasiga iyo shaqada, si loo fududeeyo arrimaha socdaalka ee labada dal.

Kulanka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku- xigeenka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa warbixin lagaga dhageystay guddiga xal u helidda saxmadda waddooyinka caasimadda, taas oo ku saabsan caqabadaha keenay saxmadda iyo sidii xal waara looga heli lahaa culeyska saxmadda iyo saameynta ay ku yeelatay isku socodka waddooyinka caasimadda.

Golaha Wasiirrada, ayaa ka dhagaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, warbixinno ku saabsan amniga, dib-u-xoreynta iyo xasillinta dalka.

Axmed Diiriye ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug

Axmed Diiriye Raadgoob oo ka tirsanaa Khawaarijta arxan laaweyaasha ah ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ee ku sugan koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan difaaca Wisil.

Axmed Diiriye oo lagu magacaabo Axmed Diiriye Raadgoob (Kala-foge) ayaa muddo ka tirsanaa Khawaarijta, isagoo si toos ah uga shaqaynayay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Isu soo dhiibistiisa ayaa imaaneysa, iyadoo maalmahan ay ciidamada deegaanka ee Wisil iyo Baxdo kordhiyeen gulufka ay ku baacsanayaan Khawaarijta, ayna burburiyeen saldhigyo ay ku lahaayeen koonfurta gobolka Mudug.

Ku dhawaad 10 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka dhacay Hirshabeelle iyo Galmudug

Howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Khawaarijta ayaa ka dhacay deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu beegsaday dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayey aaggaas.

Khasaare culus ayaa lagu gaarsiiyey howlgalkan cadowga, iyadoo la burburiyey gaadiidkii ay wateen iyo goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Dhinaca kale, howlgal lagu laayay horjogayaal iyo malleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, iskana kaa shadeen ciidamada deegaanka magaalooyinka Baxdo iyo Wisil ayaa saacadahii ugu dambeeyay ka saldhig ay Khawaarijta ku lahayd deegaanka Cadaleey ee duleedka magaalada Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Howlgalkan ayaa lagu dilay ku dhawaad 10 xubnood oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira, waxaana howlgalku uu u dhacay sidii loo qorsheeyey.

Wasiirka Caddaaladda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Yuusuf Cali Caynte.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Wasaaradda iyo Majmaca Culimada Soomaaliyeed, iyadoo la isku dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu horumarinayo cadaaladda dalka, wacyigelinta bulshada iyo la dagaallanka afkaaraha xagjirka ah ee ay faafiyaan kooxaha Khawaarijta.

Wasiir Xasan Macalin ayaa tilmaamay in wada shaqeyn dhow oo lala yeesho culimada Soomaaliyeed ay muhiim u tahay kobcinta wacyiga bulshada iyo ilaalinta qiyamka diinta, si gaar ahna loo wajaho caqabadaha amni iyo bulsho ee ka dhasha faafinta afkaaraha xagjirka ah.

Dhankiisa, Sheekh Yuusuf Cali Caynte ayaa caddeeyay in Majmaca Culimada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay door weyn ka qaataan barnaamijyada wacyigelinta, taageeridda cadaaladda, iyo la dagaallanka fikirka gurracan ee kooxaha Khawaarijta ah. Kulanka ayaa ku dhammaaday isfaham iyo ballanqaad ku aaddan sii xoojinta wada shaqaynta labada dhinac.