Home Blog Page 52

MADAXWEYNAHA JFS OO GAARAY MAGAALADA DOHA EE DALKA QATAR

0

Doha, Febaraayo, 06,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qatar, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu jooga dalka Qatar, waxa uu kulamo la yeelan doonaa Mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaasi, isaga oo kala hadli doono xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Safarka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, isaga oo diiradda saaraya adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan, horumarinta danaha qaranka iyo taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo horkacayay olole nadaafadeed oo maanta laga sameeyay Xeebta Liido

0

Muqdisho, Febraayo 06, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa saaka hoggaamiyay olole ballaaran oo nadaafadeed oo laga fuliyay Xeebta Liido. Ololahan waxaa ka qayb galay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, iyo dhallinyaro mutadawiciin ah oo ka shaqeeya nadaafadda caasimadda.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulka uu ka go’an yahay sii xoojinta ololayaasha nadaafadda, ilaalinta deegaanka, iyo qurxinta magaalada, si Muqdisho u noqoto caasimad ku dayasho mudan.

Danjiraha Dowladda Turkiga, Mudane Alper Aktaş, ayaa sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta caasimadda Muqdisho. Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday qorshe lagu mataanaynayo magaalada Konya ee dalka Turkiga iyo magaalada Muqdisho, si ay labada magaalo u yeeshaan iskaashi dhinacyada horumarinta magaalooyinka, dhaqanka, iyo is-weydaarsiga khibradaha maamulka.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa bogaadiyay dadaalka muuqda ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu ku bixinayo hagaajinta nadaafadda iyo bilicda caasimadda, isagoo xusay in tallaabooyinkani ay kor u qaadi doonaan sumcadda Muqdisho iyo tayada nolosha shacabka.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga garab-istaagga joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in mataanaynta Muqdisho iyo Konya ay fure u noqon doonto iskaashi cusub iyo barnaamijyo horumarineed oo ay caasimaddu ka faa’iidaysan doonto.

NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay horjoogihii Maaliyadda Khawaarijta ee Gobolka Banaadir

0

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, February 05, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa ku guuleystay in ay shacabka Soomaaliyeed shartiisa dhaafiyaan Horjooge Axmed Dhubad Xidig oo magaciisa afgarashadu ahaa Sheekh Aadan Dheere, kaas Khawaarijta u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Banaadir, kaddib howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Daniga Baaloow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 27-kii Janaayo.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo dul tagay guri uu ku dhuumanayay Horjoogaha ayaa toogtay kaddib markii uu isku dayay in uu dagaal kala hor yimaado ciidanka intii uu socday howlgalka qorshaysan.

Horjoogahan oo cadowga Khawaarijta ku biiray sanadkii 2008-dii isla markaana muddo dheer ku howlanaa baadda iyo boobka hantida dadweynaha ayaa hore Khawaarijta wakiil dhinaca baadda uga soo noqday gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose.

Ciidanka NISA oo muddo dheer ku raad-joogay Horjooge Axmed Dhubad Xidig, ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in ay soo afjaraan noloshiisa. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish, la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

0

Muqdisho, Febraayo 05, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa si weyn ugu mahadceliyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ansixinta heshiisyada muhiimka ah ee la xiriira horumarinta badda iyo badmaaxiinta Soomaaliyeed.

Heshiisyadan ayaa lagu tilmaamay kuwo xoojinaya iskaashiga caalamiga ah, sugaya badqabka badda, kor u qaadaya kalsoonida iyo sumcadda dalka, isla markaana damaanad qaadaya ilaalinta xuquuqda shaqaalaha badda Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb muhiim ah ka yihiin siyaasadda guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta arrimaha badda iyo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Ugu dambeyn, Wasiirku waxa uu uga mahadceliyay madaxda sare ee dalka dadaalkooda joogtada ah, aragtidooda fog iyo taageerada ay siiyaan horumarinta kaabeyaasha badda iyo badmaaxiinta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka 

0

Muqdisho, Khamiis, 05 Febraayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ka tarjumaya xaaladda abaaraha ka jira gayiga Soomaaliyeed iyo saameynta dhanka biyaha iyo cuntada ah ee ay ku yeelatay dalka, iyada oo ay Xukuumaddu qorshaynaso tallaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo xaaladda taagan.

Kulanka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey 𝐗𝐞𝐞𝐫-𝐍𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐝𝐮𝐮𝐪𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚, kaas oo dhigaya hannaan sharci iyo maamul oo mideynaya diyaar-garowga, ka-hortagga, iyo wax ka qabashada musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bani’aadamka sameeyo, iyada oo ujeedka guud yahay isku tashiga bulshada iyo dowladda.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa meel-mariyey heshiisyo iyo siyaasado muhiim u ah horumarka hey’addaha ay khuseyso kuwaas oo lagu tayeynayo adeegyada dowladda waxa ayna kala yihiin.

𝟏- 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐢𝐬-𝐚𝐟𝐠𝐚𝐫𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐮 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚, 𝐤𝐚𝐚𝐬 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐢𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚.

𝟐- 𝐀𝐱𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐝𝐝𝐚 (𝟐𝟎𝟎𝟔).

𝟑- 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐍𝐚𝐢𝐫𝐨𝐛𝐢 𝐞𝐞 𝐤𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐛𝐮𝐫𝐛𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐦𝐚𝐫𝐚𝐚𝐤𝐢𝐢𝐛𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝟐𝟎𝟎𝟕.

𝟒- 𝐀𝐱𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐜𝐚𝐛𝐛𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐜𝐮𝐥𝐚𝐲𝐬𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐚𝐤𝐢𝐢𝐛𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝟏𝟗𝟔𝟗.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin faahfaahsan ka dhagaystay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Tahriibka iyo Ka-ganacsiga Dadka, oo lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee tahriibka iyo dhibaatooyinka ba’an ee ay ku hayaan dhallinyarada Soomaaliyeed, taasi oo iftiimisay halista naf iyo maalba leh ee ay la kulmaan dhallinyarada ku hamisa tahriibka, oo ay ka mid yihiin dhimasho, dhaawac, xabsi, tacaddiyo iyo ka faa’iidaysi bani’aadamnimo, kuwaas oo si toos ah u saameeya mustaqbalkooda iyo horumarka dalka.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

0

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kormeer shaqo ku tagay Suuqa Xoolaha iyo xeryaha ay ku nool yihiin barakacayaasha magaalada Gaalkacyo, isagoo u kuurgalay xaaladda guud ee ganacsiga xoolaha iyo duruufaha nololeed ee dadka danyarta ah.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay ganacsatada suuqa, odayaasha xeryaha iyo mas’uuliyiinta deegaanka, isagoo dhageystay cabashooyin iyo talooyin la xiriira caqabadaha ka jira suuqa iyo baahiyaha aasaasiga ah ee barakacayaasha.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Wasiirka ayaa ballanqaaday in Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ay la shaqeyn doonto hay’adaha ay khuseyso si loo horumariyo adeegyada la xiriira xoolaha, loona helo taageero degdeg ah oo wax looga qabanayo baahiyaha barakacayaasha, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, biyaha iyo quudinta xoolaha.

Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay daryeelka xoolaha iyo doorka ay ka ciyaaraan dhaqaalaha iyo nolosha bulshada Galmudug.

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti oo fagaare ah kula hadlay bulshada Balcad

0

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti ayaa maanta fagaare kula hadlay bulshada iyo maamulka Degmada Balcad, iyagoo jeediyay dardaaran diini ah iyo talooyin la xiriira midnimada, nabadgelyada, iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa shacabka iyo maamulka.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan degmada, odayaal dhaqan, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa culimadu ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga, ka fogaanshaha fitnada, iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Sheekh Xuseen Cali Jabuuti ayaa si gaar ah u xusay doorka ay culimada ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, xalinta khilaafaadka, iyo taageeridda dadaallada nabadda iyo horumarka. Dhankooda, maamulka Degmada Balcad ayaa soo dhaweeyay hadallada culimada, iyagoo ballanqaaday in ay la shaqeyn doonaan culimada iyo bulshada si loo xoojiyo nabadgelyada iyo adeegyada bulshada.

Ugu dambeyn, culimada ayaa bulshada ku boorriyay in ay xoojiyaan walaaltinimada, iska ilaaliyaan hadallada iyo falalka hurin kara khilaafaadka, isla markaana ay garab istaagaan maamulka si loo gaaro horumar waara iyo nolol nabdoon. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in nabadgelyadu tahay mas’uuliyad wadareed, ayna muhiim tahay in qof walba doorkiisa ka qaato ilaalinta xasilloonida iyo midnimada bulshada Degmada Balcad.

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay masuuliyiinta la doortay ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

0

Muqdisho, Febaraayo, 04,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Marwo Maryan Qaasim Axmed, Guddoomiye Ku xigeenka, Mudane Maxamed Haaruun iyo Xogahayaha Guddiga, Marwo Faadumo Cabdiqani Yuusuf, kuwaasi oo kusoo baxay doorasho hufan oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in aqoonta iyo waayo aragnimada hoggaanka la doortay ee guddigu ay door muhiim ah ka qaadan-doonto xaqiijinta riyada Soomaaliya ee ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, isaga oo ku adkeeyay Mas’uuliyiinta iyo Xubaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya in ay xoogga saaraan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, xoojinta cadaaladda iyo kor u qaadidda isla xisaabtanka.

Doorashada Hoggaanka cusub ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday ilaalinta Xuquuqul Insaanka, iyada oo Soomaaliya dhowaan ay si buuxda dib ugula soo wareegtay, hannaanka madaxa-bannaan ee maareynta, kormeerka iyo ka warbixinta arrimaha xuquuqul insaanka, taasi oo Soomaaliya u saamaxaysa in ay si madaxbannaan u fuliso waajibaadkeeda qaran iyo midka caalamiga ah ee ku aaddan dhowrista iyo ilaalinta Xuquuqda Aadanaha.

Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo hambalyo u diray xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geedi, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray xubnaha dhawaan loo doortay Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa hambalyadiisa ku muujiyay farriin uu ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka uu si madax-bannaan, hufan, isla markaana waafaqsan dastuurka ugu shaqeeyo ilaalinta, horumarinta iyo u doodista xuquuqda aadanaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa xusay in doorashada xubnahan cusub ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka, isla markaana kor loogu qaadayo kalsoonida shacabka ee nidaamka dowladnimo iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale, wuxuu kula dardaarmay xubnaha la doortay in ay si cadaalad ah, daacadnimo iyo mas’uuliyad ku dheehan tahay u gutaan waajibaadkooda, iyagoo mudnaanta siinaya xuquuqda haweenka, carruurta, dadka naafada ah iyo dhammaan bulshada nugul.

Ugu dambeyn, Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa u rajeeyay Guddoonka cusub guul iyo horumar, isaga oo adkeeyay in horumarka dalka uu ku xiranyahay adkaynta cadaaladda, sinnaanta iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha.

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Xarun Waxbarasho oo laga hirgeliyay Garasbaalley

0

Muqdisho, Febraayo 04, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoggaamiyay munaasabad lagu daahfurayay Iskuul Nidaami ah oo leh Hoy (Boarding School), kaas oo laga hirgeliyay Degmada Garasbaalley ee Gobolka Banaadir.

Iskuulkan iyo xarunta la daahfuray ayaa loogu talagalay bixinta waxbarasho tayo leh, daryeel iyo horumarin dhammeystiran oo ay helayaan carruurta, gaar ahaan agoonta iyo kuwa u baahan taageero bulsho. Mashruucan ayaa xambaarsan aragti bini’aadannimo oo fog, kuna saleysan kobcinta mustaqbalka carruurta.

Hirgelinta xaruntan ayaa door weyn ka qaadan doonta bixinta waxbarasho nidaamsan oo tayo sare leh, hoy ammaan ah oo ardaydu ku barbaaraan, adeegyo bulsho iyo daryeel dhameystiran, iyo kor u qaadista anshaxa, aqoonta iyo kartida ardayda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa carrabka ku adkeeyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu si buuxda u taageerayo mashaariicda noocan ah, isaga oo xusay in waxbarashada iyo daryeelka carruurta ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee horumarka iyo xasilloonida mustaqbalka caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha hirgeliyay mashruucan ayaa ballanqaaday in ay sii xoojin doonaan dadaallada lagu taageerayo waxbarashada, agoonta iyo adeegyada bulshada, si loo helo jiil aqoon leh, anshax suubban, isla markaana door muuqda ka qaata dib-u-dhiska dalka.