Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Masar

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa booqasho rasmi ah ugu bilaabatay magaalada Qaahira ee Caasimadda Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, taasi oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Qaahira, waxa uu kulan muhiim ah la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdifataax Al-Sisi oo uu kala hadli doona xoojinta iskaashiga qotada dheer ee labada shacab iyo dowladood, arrimaha gobolka iyo doorka Soomaaliya iyo Masar ay ka qaadan karaan xasilloonida, nabadda iyo badbaadada marinada ganacsiga ee muhiimka u ah gobolka iyo caalamkaba.

Safarka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, kaas oo diiradda saaraya adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan, horumarinta danaha qaranka iyo dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...