Home Blog Page 50

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay gobolka Galguduud

0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni-xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Howlgalkan ayaa si qorsheysan uga dhacay deegaannada Ceel-Cali Mire, Bulacle, Xersi Fiin iyo Miir-Dugle, kuwaas oo dhammaantood ku yaalla duleedka magaalada Dhuusamareeb.Intii uu howlgalka socday, ciidamada Danab ayaa xaqiijiyay ammaanka guud, iyagoo baadhitaanno ka sameeyay tuulooyinkaas si looga hortago khatar kasta oo amni-darro ah, ayna shacabka deegaanka u helaan nolol nabdoon.

Saraakiishii hoggaaminaysay howlgalkan ayaa sheegay in uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ay ciidamadu ku wiiqayaan khawaarijta, isla markaana ay sii socon doonaan hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga gobolka.

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Haashimi ee Urdun, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya, Midowga Jasiiradaha Qumooros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambia, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Jamhuuriyadda Ciraaq, Dawladda Kuwayt, Dawladda Liibiya, Jamhuuriyadda Maldives, Jamhuuriyadda Federaalka ee Nayjeeriya, Saldanadda Cumaan, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Dowladda Falastiin, Dawladda Qatar, Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda Suudaan, Jamhuuriyadda Turkiga, Jamhuuriyadda Yemen, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa hoosta ka xariiqay qodobadan soo socda:

1. Diidmo cad oo aan mugdi ku jirin oo ay u diidan yihiin aqoonsiga ay Israa’iil 26-kii Diseembar 2025 u sameysay gobolka “Somaliland” ee ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama tallaabadan aan hore loo arag ay leedahay cawaaqib halis ah oo saameynaya nabadda iyo amniga Geeska Afrika, Badda Cas, isla markaana ay si guud u saameyneyso nabadda iyo amniga caalamka, kana tarjumeysa iska indha-tirid buuxda oo cad oo Israa’iil ay ku sameyneyso sharciga caalamiga ah.

2. Cambaarayn adag oo ay u cambaareynayaan aqoonsigaas, kaas oo ah ku xadgudub weyn oo ka dhan ah mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kuwaas oo si cad u faraya ilaalinta madaxbannaanida dowladaha iyo dhul-wadaaggooda, isla markaana ka tarjumaya siyaasado fidin (ballaarin) ah oo Israa’iil leedahay.

3. Taageero buuxda oo ay siinayaan madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo diidmo aan leexleexad lahayn oo ay u diidan yihiin tallaabo kasta oo wiiqeysa midnimada Soomaaliya, dhul-wadaaggeeda ama madaxbannaanideeda ku aaddan dhammaan dhulkeeda.

4. Aqoonsiga qaybo ka mid ah dal waxa uu abuurayaa tusaale halis ah, wuxuuna khatar gelinayaa nabadda iyo amniga caalamka, isla markaana ku xadgudbaya mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

5. Diidmo buuxda oo ay u diidan yihiin xiriir kasta oo suurtagal ah oo u dhexeeya tallaabadan iyo isku day kasta oo lagu doonayo in si qasab ah dadka Falastiin looga raro dhulkooda, taas oo si mabda’ ahaan ah gebi ahaanba loo diidan yahay nooc kasta ha ahaatee.

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-tashi diblumaasiyadeed kula yeeshay khadka taleefoonka Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim binu Xamad.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Amiirka Qatar mowqifka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qorsheyaasha halista ku ah midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaran ee Soomaaliya, waxa uuna xusay booska istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu, kaas oo muhiim u ah amniga iyo xasilloonida Gobolka.

Amiirka Dowladda Qatar ayaa muujiyey garab-istaag mabda’ ku dhisan oo ku aaddan ilaalinta gobannimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dhowro Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabda’a ixtiraamka xuduudaha dalalka madaxbannaan.

 

 

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo diblumaasiyadeed oo degdeg ah kula yeeshay khadka taleefoonka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ahna Guddoomiyaha IGAD Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya ahna guddoomiyaha Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray xadgudubka sharci-darrada ah ee Ra’iisul Wasaaraha Yuhuuddu uu kula kacay madax-bannaanida iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo halis ku ah xasilloonida iyo amniga Gobolka, kana soo horjeedda xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah.

Hoggaamiyeyaasha Gobolka ee uu Madaxweynaha la hadlay ayaa si adag oo mideysan u caddeeyey garab-istaaggooda buuxa ee gobannimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyagoo adkeeyey in aqoonsi kasta oo ka dhan ah dhul ka tirsan dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay uu yahay xadgudub cad oo ka soo horjeeda Axdiga Qaramada Midoobay, mabda’a Midowga Afrika ee midnimada dhuleed iyo qawaaniinta hagaya xiriirka dowladaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa sii wada wada-tashiyada oo uu la yeelanayo Madaxda Caalamka, si loo xoojiyo tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ee ku aaddan dhammaan dariiqyada sharciga, diblumaasiyadeed iyo siyaasadeed ee caalamiga ah, ee difaaca midnimada iyo madax-bannaanida iyo qarannimada.

Dalal iyo Ururro Caalami ah oo si Adag uga Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil ee Maamulka Somaliland

0

Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid ah u muujiyay diidmo adag oo ka dhan ah aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland, iyagoo mar kale adkeeyay taageerada buuxda ee ay u hayaan madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa caddeysay garab-istaagga Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya, iyadoo aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay tallaabo sharci-darro ah oo ka hor imaneysa xeerarka caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Ciraaq, oo hadda guddoomiyaha Jaamacadda Carabta, ayaa sheegtay in tallaabadan ay xadgudub ku tahay madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana ay khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Jamhuuriyadda Yemen ayaa si cad u diidday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiriir ama aqoonsi u dhexeeya Israa’iil iyo maamulka Somaliland.

Dowladda Kuwait ayaa mar kale caddeysay taageerada buuxda ee ay u hayso madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo si adag u diidday tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo lagu doonayo in lagu aqoonsado gobol ka mid ah dhulka Soomaaliya. Kuwait waxay arrintaas ku tilmaantay mid ka hor imaneysa sharciga caalamiga ah, isla markaana adkaysay garab-istaagga ay la taagan tahay dowladda iyo hay’adaha sharciga ah ee Soomaaliya.

Boqortooyada Urdun ayaa xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee midnimada iyo amniga Soomaaliya, iyadoo aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay mid ka soo horjeeda Axdiga Qaramada Midoobay.

Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si wadajir ah u cambaareeyay tallaabada Israa’iil, iyagoo ku tilmaamay faragelin aan la aqbali karin oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, waxayna ku baaqeen in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, lana ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland.

Wasiirku waxa uu tallaabadan ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrimaha la xiriira aqoonsiga iyo masiirka dalka ay yihiin kuwo go’aan kooda kama dambaysta ahi yaallo caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in go’aankan uu dhaawacayo xasilloonida iyo wada-noolaanshaha Geeska Afrika, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay ixtiraamaan midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

dowladda Ciraaq oo si adag u cambaareysay xadgudubka ay Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

0

Jamhuuriyadda Ciraaq ayaa si adag u cambaareysay aqoonsiga ay Israa’iil u sameeyay waxa ay ugu yeertay “Dhulka Soomaaliland,” iyadoo tallaabadan ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana hor imanaya sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ciraaq ayaa sheegtay in, maadaama Ciraaq ay hadda hoggaaminayso Jaamacadda Carabta, ay arrintani wiiqeyso amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana khatar ku tahay xasilloonida Geeska Afrika.

Ciraaq waxay mar kale adkaysay mowqifkeeda ku aaddan ixtiraamka madax-bannaanida dalalka iyo midnimadooda, waxayna ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah inay qaataan mowqif cad oo ka dhan ah tallaabooyinka sharci-darrada ah, si loo ilaaliyo sharcinimada caalamiga ah.

Jordan oo Sheegtay in Israa”iil xudgudub ku samaysay madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

0

Dowladda Jordan oo Sheegtay in Israa’iil ay Xadgudub ku Samaysay Madaxbannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Jordan ayaa lagu sheegay in dowladda Jordan ay si adag uga soo horjeeddo ku dhawaaqista Israa’iil ee aqoonsi ku sheega Maamulka Somaliland. Jordan waxay tallaabadaas ku tilmaantay mid si cad u jebinaysa sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana xadgudub ku ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in Jordan ay mar walba garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo adkaysay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka madax-bannaanida dalalka, ilaalinta midnimadooda dhuleed iyo dhowrista mabaadi’da sharciga caalamiga ah. Dowladda Jordan ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay ka hortagaan tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo carqaladeyn karta nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka Geeska Afrika.

 

IGAD oo si Adag uga Soo Horjeesatay Isku Dayga Israa’iil ee Aqoonsiga Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya

0

Qoraal kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in ururku si dhow ula socdo horumarrada ka socda Geeska Afrika, gaar ahaan hadallo la xiriira ku dhawaaqisyo ku saabsan aqoonsi loo fidiyay Somaliland. IGAD waxay caddeysay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay weli tahay dal xubin ka ah IGAD, isla markaana ah dal madax-bannaan oo midnimadiisa, madaxbannaanidiisa iyo dhulkiisa si buuxda loogu aqoonsan yahay sharciga caalamiga ah.

IGAD ayaa xustay in aqoonsi kasta oo hal-dhinac ah uu si cad uga hor imanayo Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afrika iyo heshiiska lagu aasaasay Urur Goboleedka IGAD. Ururku wuxuu ugu baaqay dhammaan saaxiibbada caalamiga ah iyo daneeyeyaasha inay dhowraan sharciga caalamiga ah, isla markaana ay taageeraan wada-hadallo iyo hannaan nabadeed oo xoojinaya nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.

Sidoo kale, IGAD ayaa muujisay garab-istaaggeeda Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo mar kale adkaysay inay ka go’an tahay taageeridda hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo iskaashi goboleed oo horseeda nabad waarta, xasillooni iyo barwaaqo u wada siman Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka ku mideysan Urur Goboleedka IGAD.

 

Natiijada doorashadii golaha deegaanka gobolka Banaadir oo maanta lagu dhawaaqayo

0

Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa maanta ku dhawaaqi doona natiijada doorshadii golaha deegaanka gobolka Banaadir ee qabsoomtay maalintii khamiista 25-kii diisaamber.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka CabdifataaxFaysal oo xalay goor dambe la hadlay warbaahinta qaranka ayaa shaaciyey in natiijada lagu dhaawaaqi doono maanta gelinka hore.

Afhayeenka ayaa sheegay in dhammaan sanaaduuqda codadka ku soo xeroodeen xarunta guud ee gudidda doorashooyinka halkaas oo lagu hubinayo,iyadoo tirinta iyo hubinta ay goob joog ka yihiin wakiiladda ururrada siyaasadda,bulshada rayidka iyo beesha caalaamka.