wasiir kuxigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo munaasabad soo dhoweyn ah xalay loogu sameeyey London

Date:

Magaalada London ee Caasimadda Dalka UK waxaa xalay lagu qabtay munaasabad si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga dalkaasi.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka UK ayaa isugu timid munaasabadda soo dhaweynta Wasiirka, waxaana halkaas ka dhacay kulan kala warqaadasho ah oo Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala uu Jaaliyadda uga warbixiyey xaaladda guud ee dalka.

Horumarka laga gaaray geeddi socodka dowladnimada, tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee difaaca midnimada dalka, xoreynta goobaha ay ku dhuumaaleystaan kooxaha Khawaarijta ah, gurmadka dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira, doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka bilowday, guulo kale iyo hiigsiga Xukuumadda Danqaran ayuu Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta uga warbixiyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK.

Sidoo kale, Wasiir Al-Cadaala ayaa Jaaliyadda ku bogaadiyey doorkooda garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku booriyey in markale ay si weyn u muujiyaan garab istaagoodii looga bartay ee gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaraha dalka ka jira ay saameeyeen iyo doorkooda difaaca midnimada dalka, si meel looga soo wadajeesto xadgudubka ay Israa’iil kula kacday midnimada iyo wadajirka dalkeena.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...