Madaxweynaha Maamulka Puntanld Mudane Ahmed Mohamed Islaam ayaa hoyga uu Magaalada Muqdisho ka dagan yahay ku qaabilay Caawa Safiirka Dowlada Itoobiya ee Soomaaliya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan oo booqasho sharafeed ugu yimid .
kulan looga hadlayey amniga oo ka dhacay Gaalkacyo
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali oo uu wehlinayo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Galmudug ayaa shir-gudoomiyey kulan ay isugu yimaadeen Nabadoonada, Saraakiisha, Gudoomiyayaasha Degmoyiinka ee Puntland iyo Galmudug.
Kulankan ayaa hordhac u ahaa kulamo kale oo qabsoomidoona, waxaana goob joog ahaa Kulankan, Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Nabadoonada labada dhinac, Agaasimaha Madaxtooyada Gaalkacyo, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dagaalka Al-shabaab kala hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Al-jeeriya uga qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ayaa halkaas kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, isaga oo kala hadlay dagaalka dowladdu ay kula jirto Al-shabaab iyo muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka si loo soo af-jaro argagixisada.
Madaxweynaha ayaa Xoghayaha guud la wadaagay horumarada ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya Shacabka ay ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxa uuna xusay In cunaqabateynta hubka oo laga qaado Soomaaliya ay si weyn u caawineyso dagaalka lagu hayo Argagixisada Somaaliya, tan Gobolka iyo Caalamka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Al-shabaab ayaa Qaramada Midoobay ka codsaday in ay sii kordhiso taageerada bani’aadannimo iyo tan farsamo ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida dalka iyo in ciidanka Soomaaliyeed ay la wareegaan kuna filnaadaan ammaanka dalka.
Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa bogaadiyay sida dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ay uga mideysan yihiin ammaanka dalka iyo dhammeystirka dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka taageerayaan dagaalka argagixisada, tayeynta ciidanka qalabka sida iyo arrimaha la xiriira Isbedelka cimilada iyo deegaanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna adkeeyay in ay sii wadaan garab istaagga ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u muujiyeen.

Wasiiru Dowlaha Wasraadda Caafimaadka oo kormeer ku tagtay Isbitaalka danta guud ee De martino Hospital
Wasiiru Dowlaha Wasraadda Caafimaadka HE.Dr Maryamo Maxamud Xuseen ayaa kurmeer buuxa ku tagta Isbitaalka danta guud ee De martino Uublic Hospital
Agaasimaha Isbitaalka Dr. Abdirizak Yusuf Ahmed (Jalaaludiin) ayaa Wasiirka ku soo dhaweeyay Isbitaalka.
Wasiiru Dowlaha ayaa si guud u indha indheeysay Isbitaalka qaybihiisa kala duwann gaar ahaan qaybaha Bukaan socotka, Shaybaarka, qeybta Emerganciga, Qeebta Hooyadda iyo Dhallaanka , Qaybta Caruurta yar-yar iyo Qaybaha kale.
Wasiiru Dowlaha ayaa waxey warbixin ka dhageysatay Maamulka Isbitaalka Dr. Abdirisaq Yusuf Ahmed (Jalalaaludin) oo ka warbixiyaay hanaanka uu u shaqeeyo Isbitaalka iyo sida ay hadda ay usocoto shaqada, waxa u si faahfaahsan u sharaxday baahiyaha hada ka jira Isbitaalka iyo caqabadaha ku horgudboon ee u baahan in laga gaaro xal dhab ah, maadaama Isbitaalku ka mid yahay Xarumaha Caafimaad ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed sida bilaashka ah loogu daweeyo, kaasoo ay gacanta ku heyso Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambayntii Wasiiru Dowllaha ayaa uga mahad celiyay Madaxda Isbitaalak iyo Dhamaan shaqaalaha Isbitaalka sida wanaagsan ay ugu adeegaan Bulshadda iyo dhabar adeega ay u muujiyeen xaaladaha adage ee isbitaalka soo maray iyo kuwa hada taagan.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Caawa deeq Daawo ah kala wareegey Ganacsatada Soomaaliyeeed
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ahna Guddoomiya Guddiga gurmadka qaran ee Qaraxii Zoobe 2 oo Caawa deeq Dawo ah kala wareegey Ganacsatada Soomaaliyeeed.
Wasiirka iyo xubnaha Guddiga gurmadka Qaran ayaa 220 kartoon oo loogu tala galey gurmadka dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii 29-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada muqdisho kala wareegey Ururka Gancstada Daawaleeyeeda Soomaaliyeed oo markii labaad deeq dawo ah kaga qeyb qaadanaya gurmadka muwaadiniinta ay dhibaateeyeen Argagixisada.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga gurmadka Qaran ee Qaraxyadii Zoobe Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ka mahadceliyey Deeqdan Dawada ah ee Daawaleyda Soomaaliyeed ku caawiyeen Walaala hooda dhibaateysan isagoona Wasiirka si guud uga baaqey ganacsatada Soomaaliyeed in dadaalada ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka ay kor u qaadaan.

Ra’iisul Wasaare Hamse Abdi Barre oo kulan la qaatay xubno ka socday Ganacsatada Soomaaliyeed
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay kaallinta kaga aadan Gurmadka iyo taakuleynta dadkii ku wax yeeloobay qaraxii bahalnimo ee khawarijtu ku gumaadeen shacabka aan waxba galabsan 29kii bishii dhammaatay.
Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen guddiga heerka wasiir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee gurmadka ayaa diiradda lagu saaray doorka ganacsatadu ay ku leeyihiin samatabixinta iyo midaynta kaalmaha dhaqaale ee lagu taakuleynayo dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxii arxan darrada ahaa ee Khawaarijtu ka fuliyeen Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo ganacsatada ugu mahad celiyey doorkooda muuqda, ayaa xusay in wadajir xoogga loo saaro sidii shacabka loogu gurman lahaa, dowladduna ay qaaday tallaabooyin wax ku ool ah, lana sii wadi doono howlaha gurmadka, shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay sii kordhiyaan gurmadka iyo dadaalka ay wadaan.

Madaxda Golaha wadataahiga oo madaxtoyada kaga qeybgalay beerista 9 geed oo qeyb ka ah Qorshaha Qaran ee Soomaaliya Cagaar ah
Muqdisho, Oktoobar 31, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Madaxtooyada Qaranka ku beeray 9 geed oo qeyb ka ah Qorshaha Qaran ee Soomaaliya Cagaar ah.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda dhirtu ay u leedahay dalkeenna oo abaaro soo noqonoqday ay aafeeyeen, saameyn xooggan ay ku yeelatay duruufihii adkaa ee dalku soo maray, taas oo sababatay nabaad-guur xooggan oo saameeyey nolasha iyo deegankaba.
“Burburkii ku dhacay dalka kaliya ma saameyn dadka ee dhibaato xooggan ayuu gaarsiiyey deegaanka Soomaaliyeed, waxaa naga guuray xayawaanaadkii iyo dhirtii uu caanka ku ahaa dalkeennu. Dib u dhiska dowladnimada waa in ay barbar socodaa dib u cagaarinta deegaanka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ku aaddan daryeelka deegaanka.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray hay’adaha dowladda in ay hormuud u noqdaan qorshahan oo dhireeyaan xarummaha ay ku shaqeeyaan, sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed oo taariikh ahaan door wanaagsan ka qaata daryeelka deegaanka in ay guryaha iyo goobaha ganacsiga ay ku tallaalaan geedahan waxtarka u leh deegaanka oo ay dowladdu diyaarisay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka rajeeyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukumadda Federaalka Soomaaliya in ay labada bilood ee sannadka ka dhiman ay ku abuuraan Caasimadda 100,000 oo geed si loogu gudbo dhireynta caasumadaha dowlad-goboleedyada iyo guud ahaan degmooyinka iyo deegaannada dalka.

Xildhibaano katirsan BFS oo booqday Cisbitaalada lagu dabiibayo dadkii ku waxyeeloobay, Qaraxyadii lala beegsaday
Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxay booqdeen Cisbitaalada lagu dabiibayo dadkii ku waxyeeloobay, Qaraxyadii lala beegsaday dadka birmu-geydada ah ee lagu gumaaday Isgoyska Zoobe ee Muqdisho, Xildhibaannada oo mid mid u dul istaagay dhaawacyada ayaa waxa ay Alle uga baryeen inuu caafimaad deg deg ah siiyo, sidoo kale Xildhibaannada ayaa deeq lacag ah gaarsiiyay bukaanada ku jira Cispitaalada.
Xildhibaannada ayaa dhammaan ka codsaday mas’uuliyiinta Dowladda, Hay’addaha gargaarka, Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in gargaar deg-deg ay gaarsiiyaan goobaha Caafimaadka iyagoo adkeeyay in dhaawacyada weli ay u baahan yihiin dhiig iyo daryeel Caafimaad.

Ra’iisulwasaare Hamse Abdi Barre oo booqday dhawacyadii ku waxyeelobay Qaraxyadii Zoobe
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa ku booqday isbitaallada Madiina, Banaadir iyo Erdogan dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii kooxaha Khawaarijta ah ay ka geysteen isgoyska KM5.
Ra’iisul Wasaaraha oo ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, ayaa Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad degdeg ah, intii dhimatayna naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoo cadeeyey in Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxo argagixiso oo aan cidna u tureyn.
Mudane Xamse oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday, ayaa ku ammaanay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada gacanta ku haya dhaawacyada kaalintooda naf hurnimada ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Shacabka Soomliyeed in ciidamada ay ku garab siiyaan dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha khawaariijta ah.

Shacabka ku nool Magaalada Dhuusamareeb oo maanta u dareerey Doorashada Xildhibaanada golaha deegaanka
Shacabka ku nool Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta u dareerey Doorashada Xildhibaanada golaha deegaanka oo ay noqoneyso markii ugu horeysay ee Caasimadu yeelato golle deegaan.
Ergo dhan 5-xubnood ayaa kala dooran doonta kursi walba oo gollaha kamid ah, waxaana kursigiiba ku tartamaya labo xubnood.
Wasaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa sheegtay in Dhuusamareeb tahay degmadii Shanaad ee golle deegaan loo dhisayo, waxaana hore loogu guuleestay Gaalkacyo, Cadaado, Balanballe iyo Caabudwaaq oo howsheedu dhamaad ku dhowdahay.

