Wafdi uu hoggaaminayo Agasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS oo Gaaray Magaalada Baydhabo

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Agasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS Dr Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka furmayo shirka Madasha Golaha Wadatashiga Qaranka

Agaasime Xuseen ayaa uga mahad-celiyey agaasimaha guud ee Madaxtooyada Koonfur-galbeed mudane Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan, madaxda kale dowladda iyo bulshada Koonfur-galbeed sida ay ugu diyaar garoobeen marti gelinta madashan iyo soo dhaweynta diirran ee ay u muujiyeen isaga iyo wafdigiisa.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka soo qeyb geli doonaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada ayaa maalamaha soo socda ka furmi doona magaalada Baydhabo, halkaas oo lagaga arrinsanayo arrimaha wadahadalada iyo heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaran ee dhameystirka Federalaynta hay’adaha dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...