Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa maanta Gargaar u qeybisay dad kabadan 500 oo qoysas oo ku nool Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud iyo tuulooyinka hoos taga oo howlgalada dib u xoreynta laga saaray Al-shabaab.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta XFS oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Mudane Xildhibaan JaamacTaqal Cabaas ayaa Maanta Booqday Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA,Waxaana halkaas ku soodhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle.
Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xal u helida arrimaha SOOMAALILAND oo hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Aqalka Sare
Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xal u helida arrimaha SOOMAALILAND Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Abdi Xaashi Abdullahi.
Khawaarijta Al-Shabaab oo gubay Guryo ay leeyihiin Dad Shacab ah
Maleyshiyaadka Kooxda Khawaarijta ayaa saaka dab qabadsiiyay guryo dad shacab ah leeyahay Deegaanka Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug iyadoo ujeedka kooxdu yahay inay iska horkeento bulshada deegaankaas.
Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Waabari oo gacanta ku dhigay labo eedaysane oo dhac ka gaysanayey Gudaha degmadaas
Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Waabari ayaa Xalay gacanta ku dhigay labo eedaysane oo dhac ka gaysanayey Gudaha degmada Waabari ee Gobalka Banaadir.
Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo Boqolaal Shacab ah Gargaar ugu qeybisay Degmada Masagawaa
Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta Boqolaal Shacab ah waxa ay Gargaar ugu qeybisay Degmada Masagawaa ee Gobolka Galgaduud oo bilooyin ka hor laga xoreeyey Khawaarijta Al-shabaab.
Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka oo dorrtay Guddoomiye ku xigeen
Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ayaa Mudane Maxmed Xasan Idris (Geney) u doortay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga kadib doorasho Ka dhacday xafiiska Guddiga oo Ku yaala xarunta golaha Aqalka Sare.
DEG-DEG:-Duufaan xoogan oo waxyeelo ka geysatay dalka Mareykanka
Hal qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen, ka dib markii duufaan sababtay in saqafka sare ee tiyaatarka, uu ku soo dumo dadweyne wax daawanayey magaalada Illinois ee dalka Mareykanka.
Ciidamada xoogga dalka oo dilay 14-ka mid ah Khawaarijta Al-shabaab
Ciidanka xoogga dalka ayaa saaka toogtay 14 Maleyshiyo ah oo ka tirsan khawaarijta kuwaas oo isku dayay inay soo weeraraan fariisimaha ciidanka ee deegaanka Makuude oo qiyaasti 7 KM dhanka koonfurta ka xiga Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.
Wasiirka Warfaafinta XFS iyo Masuuliyiin katirsan Turkiga oo daah furay qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay warbaahinta caalamiga ee TRT World
Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama iyo Madaxa Golaha Warbaahinta Jamhuuriyadda Turkiga, Prof. Fahrettin Altun ayaa si rasmi ah magaalada Istanbul daaha uga rogay qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay warbaahinta caalamiga ee TRT World ee Turkiga ee la hadli doonta qaaradda Afrika.
