Home Blog Page 486

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo kormeerayย  xarunta Faraha ee C.I.D iyo dugsigaย  Barbaarinta Caruurta Boliiska

0

<span;>Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin, Agaasimaha Miisaaniyada Dowlada ee Wasaaradda Maaliyadda Axmad Cabdi Aadan (Iraad) iyo Madax kale oo Ka tirsan wasaaradda Maaliyadda ayaa kormeerayย  xarunta Faraha ee C.I.D iyo dugsigaย  Barbaarinta Caruurta Boliiska
Taliyaha Ciidanka Boliiska oo Muhiimad siinaaya sidaย  ugu fudud ee loogu adeega bulashada Soomaliyeed ayaa Wasaaradda ka codsadey inay qorshaha ku darsadaan Xarunta Faraha C.I.D oo ah adeeg Bulsho oo muhiim ah.

Sidoo Kale Agaasime Iraad ayaa xarunta Barbaarinta carruurta Booliska Soomaaliyeed ugu deeqey Mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha dugsiga iyo agabkii ay ku seexan lahaayeen carruurta.

Guddiga kasoo talo bixinta Xaalada Amni iyo Mida nololeed ee deegaanada bariga gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Galmudug oo kulmay

0

Guddiga kasoo talo bixinta xaalada amni iyo mida nololeed ee deegaanada bariga gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Galmudug oo uu magacaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horeeyay.

KU-SIMAHA MADAXWEYNAHA JFS OO HAMBALYO U DIRAY CIIDANKA ASLUUBTA SOOMAALIYED

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray 53-sanno guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifleyda iyo dableeyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay markii dhidabada loo aasay 1970-kii ayaa xusay in Ciidanka Asluubta dadaal dheer ku bixiyeen ilaalinta maxaabiista, dhaqan celinta, waxbarida iyo tayeenta xirfadaha maxaabiista, isagoona tilmaamay in Ciidanka qaranka ugu jiraan meel wanagsan.

 

In ka badan 20 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ay fuliyee

In ka badan 20 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen degaanka Shaw ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay kadib markii la beegsaday Gaari nooca Homey ah oo ay saarnaayeen maleeshiyaadka ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab.

Maleeshiyaadkaas waxaa qayb ka ahaa xubno ka soo firxaday howlgalkii shalay ka dhacay Tuulada Cadalay oo hoos tagta degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellada Dhexe.

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐— ๐—ถ๐—ฑ๐—ผ๐˜„๐—ด๐—ฎ ๐—ฌ๐˜‚๐—ฟ๐˜‚๐—ฏ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—พ๐—ผ๐—ฟ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐˜…๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—น๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ

0

Raโ€™iisu Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms Tiina Intelmann oo ay ka wada hadleen sidii mashaariicda horumaniyeed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya loogu salayn lahaa barnaajiyada ahmiyadda u leh xukuumadda Dan-Qaran.

Danjiraha Midawga Yurub Ms Tiina Intelmann ayaa la wadaagtay Raโ€™iisul Wasaaraha in Midowga Yurub uu sii wadi doono barnaajiyadda horumarinta ee uu ka taageero Soomaaliya, iyadoo sheegtay in xilligan Midowga Yurub kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa u jeediyay Danjiraha Midowga Yurub in mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh dowladda xilligan, gaar xasillintaย  ahaan deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta oo hadda ay xukuumaddu ka wado hannaankii dadka deegaanka lagu gaarsiin lahaa adeegyadda aasaasiga ee Khawaariijtu ka curyaamisay.

Agaasimaha Heyโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa golaha Aqalka Sare uga mahad celiyey sidii aqlabiyadda laheyd ee maanta ay u ansixiyeen hindise sharciyeed cusub ee hey’adda NISA.

0

Agaasimaha Heyโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa golaha Aqalka Sare uga mahad celiyey sidii aqlabiyadda laheyd ee maanta ay u ansixiyeen hindise sharciyeed cusub ee hey’adda NISA, sharcigaan waxaa sidaan oo kale u soo ansixiyey golaha shacabka, waxaana u dhiman saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Kuuriyada Waqooyi waxaa ka jirta cunto yari halis ah,

Kuuriyada Waqooyi waxaa ka jirta cunto yari halis ah, sida ay khubaradu sheegeen. Dalku kuma cusba cunto yari ย dabadheeraad ah, laakiin xakamaynta xuduudaha, cimilo xumada iyo cunaqabataynta ayaa xaaladda uga sii daray sannadihii u dambeeyay. Masโ€™uuliyiinta ugu sareysa ayaa la filayaa inay kulmaan dhamaadka bisha Febraayo si ay uga wada hadlaan “isbeddel aasaasi ah” oo lagu sameeyo siyaasadda beeraha, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Tani waa “hawl aad u muhiim ah oo degdeg ah” iyada oo ay jirto “cadaadis” arrimaha beeraha, isku dhafka wararka ee KCNA Watch ayaa sheegay.

Warkan ayaa imaanaya xilli iyadoo Pyongyang ay sii wadato muujinta awoodeeda ciidan. Wasaaradda mideynta Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu soo waramayaa in ay sidoo kale ka dhawaajisay cunno yarida jirta, waxayna hayโ€™adda cunnada adduunka ee WFP ka codsatay gargaar. Sawirka dayax gacmeedka ee maamulka Kuuriyada Koonfureed ayaa muujinaya in Waqooyiga ay soo saartay 180,000 oo tan cunto ka yar 2022 marka loo eego 2021. Bishii Juun, WFP waxay soo saartay walaac ah in xaaladaha cimilada aadka u daran sida abaarta iyo daadadka ay hoos u dhigi karaan wax soo saarka dalagyada jiilaalka iyo guga labadaba. Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale sheegtay dabayaaqadii sanadkii hore in dalka ay ka jirto abaartii labaad ee ugu darneyd ee la diiwaan geliyo.

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐ž ๐จ๐จ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ช๐š๐ฒย  ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐๐š๐ฅ๐ค๐จ๐จ๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š๐š๐ง

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirka Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo looga hadlayo fursadaha iyo caqabadaha horyaal Bangiyada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dadaallada ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aadden horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan barnaamijka lacag bixinta mideysan ee qaranka oo faa’iido u leh maaliyadda dalka. Isagoo xusay in dhaqaalaha dalku uusan horumar sameyn karin haddii aan la helin bangiyo la aamini karo.

Mudane Xamse ayaa hoosta ka xariiqa in Xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo ganacsiga dadka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijiyana la meelmariyey sharuucdii hageysey hawlaha bangiyadu qabtaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dowladdu ay dagaal saddex jiho ah kula jirto Khawaarijta, sidaas darteedna ganacsatada Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay kaalintooda qaataan, gaar ahaan ka hortagga lacagaha danbiyada lagu galo.

Ra’iisul Wasaaraha XFSย  ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashi ku sameeyaan kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha Soomaaliyeed, si ay ugu adeegaan dadweynaha gobolka oo u baahan furdooyin ay kawaaridaan ganacsigooda.

Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo ay xubno ka yihiin 13 bangi oo gaarka loo leeyahay, ruqsadna ka haysta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, ayaa la aasaasay sannadkii 2016.

 

Madaxweyne Qoor-Qoor oo Xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka ee Galmudug

0

Madaxweynaha Maamulka ย Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka ee Galmudug.