Wasiirka Wasaaradda Tamarta XFS oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle

Date:

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Mudane Xildhibaan JaamacTaqal Cabaas ayaa Maanta Booqday Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA,Waxaana halkaas ku soodhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle.

Wasiirka iyo Guddoomiyaha  ayaa ka wada hadlay sidii Wasaaradda Kheyraadka Biyaha iyo Hay’adda SoDMA ay iskaashi iyo wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen, gaar ahaan isdhaafsiga xoggaha,ka hortaga Fatahaadaha  si loo yareeyo saamaynta abaaraha & fatahaadaha iyo iswaafajinta dadaalada xarumaha hortabinta ka digista ee saadaasha roobabka iyo biyaha ee labada hay’adood.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii loo heli lahaa hanaan is waafqasan oo lagu yareeynayo saamaynta abaaraha & fatahaadaha iyo sidii loo xoojin lahaa arrimaha ku saabsan xalalka waara iyo u adkeysiga aafooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...