Home Blog Page 488

Dad rayid ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Magaalo kutaalla waqooyiga Itoobiya

Dad rayid ah ayaa lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay magaalada Mandi ee galbeedka Itoobiya, oo qiyaastii 500km dhanka galbeed ka xigta caasimadda Addis Ababa, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen BBC-da.

Saraakiil ka socotay Wasaaradaha Gadiidka hirshabele iyo Jubaland oo booqosho ku tagay Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada (XFS)

0

Saraakiil ka socotay Wasaaradaha Gadiidka hirshabele iyo Jubaland oo booqosho ku tagay Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada (XFS)

[DAAWO+SAWIRO] BooliskaSoomaaliya oo Degmada Afgooye ku qabtay Mooto bajaaj Qarax Siday

0

Ciidanka la dagaalanka argagixisada ee Booliska Soomaaliya ayaa Galabtay  degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose ku qabtay mooto Bajaaj qarax siday iyo raggii watay, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali.

[DAAWO+SAWIRRO]Hay’adda SODMA iyo Agaasimayaasha isbitaaladda Muqdisho oo kulan ku yeeshay Muqdisho

0

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musoobooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Abdulle  ayaa sheegay in Isbitaaladda Muqdisho iyo Hey’adda ay iska kaashan doonaan xal u helidda dhibaatooyinka soo laablaabtay ee dhinacyada cafimaadka marka ay dhacaan Musiibooyinka.

Ku-simaha madaxweynaha oo Gudoomiyaha Hiiraan kala hadlay dagaalka Al-Shabaab

0

Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan oo howlo shaqo u jooga magalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

 

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu warbixiyay xaalada gobolka Hiiraan iyo dagaalaada dalka loogu xorreynaayo kooxda Khawaariijta Al Shabaab oo jab xooggan lagu gaarsiiyay degaannada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, oo ciidaanka geesiyaasha kala wareegeen degaanno hor leh.

 

Ku-simaha Madaxweynaha oo boggaadiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiinta ku sugan jiida hore ee dagaalka ayaa ammaanay Ciidanka Qaranka oo har iyo habeen u soo jeeda sidii guud ahaan dalka looga xorreyn lahaa kooxda Khawaariijta Al Shabaab, isagoona kula dardaarmay in la xoojiyo loona midoobo dagaalka Khawaariijta.

Ciidamada Qaranka oo la wareegay deegaanka Ceelbaraf

0

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka iyo kuwa Maamulka Hiirshabelle ayaa la wareegay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhaxe.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo tababar ku saabsanaa tabinta xaaladaha bini’aadannimo u furay saxafiyiinta Madaxa Banaan iyo kuwa Dowladda

0

Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane  Daa’uud Aweys Jaamac,oo tababar lagu baranayay habka tabinta xaaladaha bini’aadannimada iyo wararka degdega ah u furay ku dhawaad 30 suxufiyiin ah oo ka kala socda Warbaahinta dalka.

Putin oo 200 muwaadiniin Mareykanka ah ka maamnuucay inay soo galaan Ruushka

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa Jimcihii sheegtay inay ka mamnuucday 200 oo qof oo Maraykan ah inay soo galaan Ruushka, kuwaas oo ay ku jiraan saddex la dhalatay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Wasaarada Arimaha Gudaha XFS oo war kasoo saartay Sheekh caan ah oo Xalay Khawaarijta Al-shabaab ku dileen Muqdisho

0

Wasiirka Arrimaha gudaha, Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane  Axmed Macallim Fiqi ayaa ka hadlay dil xalay loo geystay Sheekh Cabdi Caziz Maxamed Xersi oo ahaa Imaamka iyo Khadiibka masjidka Dabaqaynka, ee degmada Dharkeenley ee Muqdisho.

Safiirka Dalkeena u qaabilsan Serbia oo la kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia

0

Safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia Ivica Dačić.