Home Blog Page 488

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa gargaar gaarsiisay Magaalada Xudur halkaas oo daadad xoogan ay ku soo rogmadeen

0

Wafdi uu hugaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa Maanta Gaaray Magaalada Xudur ee Caasimada Gobolka Bakool oo uu dhawaan ka da’ay Roob xoogan oo dhamaan xiray isku socodka gaadiidka iyo Ganacsiga qeybo kamid ah Xafadaha Magaaladaas taas oo sameen ku yeelatay dadka dantayar ee ku nool halkaas.

Tirada muhaajiriinta ku dhimanaya badda Tunisia oo korortay

0

Mas’uul u hadlay caafimaadka gobolka Sfax ee dalka Tuuniisiya, ayaa ka digay in tirada meydadka muhaajiriinta ee ka yimid dalalka ka hooseeya Saxaraha ee laga soo badbaadiyay doonyihii ku burburay maalmihii la soo dhaafay badda, ay ka badan yihiin tirada ay soo gudbiyeen kooxaha caafimaadka maxalliga ah.

Ciidanka Booliska Puntland oo hawlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen Boosaaso ku qabtay gaari waday lacago been abuur ah

0

Ciidanka Booliska Maamul Goboleedka  Puntland ayaa hawlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen Boosaaso waxay ku qabteen gaari waday lacago been abuur ah.

Safiirka JFS ee dalka Serbia oo la kulmay Wasiirka Horumarinta dalka Serbia

0

Safiirka JFS ee dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa ku qaabilay Safaaradda maanta Wasiirka Horumarinta dalka Serbia Mudane Edin Đjerlek

Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga Gobolka Banaadir oo kormeeray xarunta Dabdamiska iyo xarunta Degmada Hodan

0

Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed  Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kormeer isla xisaabtan shaqa oo la xariira Amniga, Garsoorka, ka hortaga Maandooriyaha iyo hirgalinta Isgaarsiinta ku tagay xarunta Dabdamiska iyo xarunta Degmada Hodan.

[DAAWO] Dowladda Soomaaliyeed oo ku dhawaaqday in si guud loo Cuuryaamiyay hanaankii Maaliyadeed ee Khawaarijta.

0

Dagaalka ay iclaamisay Dawladda  Federaalka Soomaaliya bartamihii sannadkii la soo dhaafey, ayaa waxaa uu ka koobnaa saddex weji oo loogu talagaley in dalka looga ciribtiro kooxaha Khawaarijta.

Ciidanka Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay nin dilay imaam Masaajid

0

Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Warta nabadda ayaa saaka gacanta ku soo dhigay nin lagu eedeeyay in uu dil ugaystay imaamka masaajid ku yaala deegaanka Garasbaaleey, halka uu dhaawacay mu’adinkii masaajidka Shalay oo bishu ahayd 29 bisha March.

Isxaaq Cabdiraxmaan Maxamed oo muddo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay qeybta 60-aad ee ciidanka

Isxaaq Cabdiraxmaan Maxamed oo muddo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka, ninkaan ayaa sheegay inuu kasoo qeyb qaatay dagaallo ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobollada Bay iyo Hiiraan.

Dhibaatooyin badan ayuu sheegay inuu kala kulmay Khawaariijta, kuwaas oo ku kalifay inuu ka soo baxo oo dowladda uu isku soo dhiibo, wuxuuna raggii kala tirsanaa Khawaarijta ugu baaqay inay dadkooda dib ugu soo noqdaan oo dowladda isku soo dhiibaan.

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo Afar Diyaarad oo wada Shixnad mucaawino ah u dirtay Magaalada Baardheere

0

Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ee SoDMA ayaa maanta markale Diyaarado wada shixnad mucaawino ah u dirtay Magaalada Baardheere oo dhawaan uu ku fatahay wabiga Jubba kadib roob xoogan oo halkaas ka da’ay.

Diyaradahaan oo garayey ilaa Afar diyaarad ayaa waday gargaar iskugu jira qeybaha kala duwan ee raashinka,daawo iyo dhar waxaana loogu talagalay shacabkii ku barakacay fatahaada halkaas ka dhacday oo dad gaaraya 20 qof ay ku geriyoodeen.

 

Baardheere wax ka jirta xaalad adag oo dhanka nolasha ah kadib markii magaaldaas ay iskugu darsontay daadad iyo fatahaad uu sameeyey wabiga jubba

Taliyaha ciidanka booliiska oo kormeeray qeybta faraha ee hogaanka baarista dambiyada CID-da

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa kormeeray Qeybta Faraha ee Hoggaanka Baarista Dembiyada (C.I.D).

Kormeerka Taliyaha ayaa daaranaa, u kuurgelida hanaanka shaqo ee shacabka loogu adeego, iyada oo uu Taliyuhu waresytay dadkii shacabka ahaa ee goobta loogu adegayay. Islamarkaana, faray Saraakiisha ku shaqada leh in ay si Xirfad, Akhlaaq iyo Anshax-wanaag ku dheehantahay loogu adeego shacabka.