Home Blog Page 484

Ra’iisul Wasaare Xamse: “Soomaaliya waxay hiigsanaysaa waa cusub oo nabad ah”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre, oo maanta furay shirka hannaanka wadashaqeynta ee u dhexeeya dowladda fedraalka Soomaaliya iyo bangiga adduunka, ayaa caddeeyay in dalku uu ka soo gudbay dhibaatooyin badan haddana hiigsanayo horumar.

 

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa kulanka ku soo bandhigtay siyaasadda ku aadaan dib u habeynta hay’addaha dowladda si loo gaaro hiigsiga cusub ee nabadda, degenaanshaha iyo dimuqraadiyadda ku asteysan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay xoogga saartay dib-u-heshiisiinta, xasilinta iyo xaqiijinta dib-u-habeynta, ayna horumarisay hab-raacyo sharci oo casri ah, qaab-dhismeed dowladeed, hannaan maamul maaliyadeed, dib-u-qaabeyn hay’ado muhiim ah, sidoo kalana la meel mariyay isbeddel siyaasadeed oo loo dhan yahay, laguna heshiiyay qorshe lagu mideynayo taageerada caalamiga, iyadoo lagu saleynayo arrimaha mudnaanta u leh dalka.
“Soomaaliya waxay maanta taagan tahay marxalad kalaguur ah oo taariikhdeeda ku suntan. Dalkuna wuxuu ka soo baxayaa xaaladdii loo yaqiin ‘dowlad fashilantay’ oo dagaallo sokeeyey hareeyeen, wuxuuna hiigsanayaa waa cusub oo nabad, degenaansho iyo dimuqraadiyad ku asteysan, kaas oo diyaar u ah in uu soo jiito maalgashi ballaaran”
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidaa ka sheegay furitaanka shirka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Bangiga Adduunka uga mahad celiyay taageerada hagar la’aaneed ee gaar ahaan geeddi-socodka dhammeysirka deyn cafinta oo sabab u ahaa fududeynta iyo taabbagelinta isbeddelka.
Mudane Xamse ayaa caddeeyay in lixda tiir ee mudnaanta u leh barnaamijka siyaasadeed ee xukuumadda Dan-Qaran uu mudnaan gaar ah siinayo Xoreynta deegaannada iyo qaab-dhismeedka amniga, caddaaladda iyo garsoor madax-bannaan, Soomaali heshiis ah, kobaca dhaqaalaha, horumarinta arrimaha bulshada, iyo helitaanka Soomaali dunida heshiis la ah.

Jubaland Oo Xukun Toogasho ah Ku Fulisay Rag Dil Gaystay.

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa xukun dil ah ku fulisay saaka labo dambiile oo hore si ula kac u gaystay dil kuwaasi oo Maray Heerar Xukunka Maxkamadda.

Gacan ku dhiigle Yuusuf Cabdille Ismaaciil oo hore dil ugu gaystay marxuum Cabdicasiis Axmed Iimaan iyo gacan ku dhiigle Cabdi Xasan Isaaq oo oo hore si bareer ah u dilay Axmed Xuseen Cismaan ayey maxkamaddu maanta goob joog u ahayd fulinta xukunkii dilka ahaa oo looga qisaasayay dilkii ay hore u gaysteen.

Xeer ilaaliya maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Mowliid Axmed Yaasiin oo toogashada kadib warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in dilka labadan qof uu iyagana daawo u yahay umaddana ay ku kala nabad galeyso, waxaa uuna sidoo kale carrabka ku adkeeyay in qof walba oo dil bareer ah gaysto sida ay diinta islaamka iyo xeerarka dalka u yaalan qabaan in lagu oofin doono qisaasta jariimada u gaystay si buu yiri ay umaddu u kala nabad gasho dilka sharci darrada ahna uu ooga yaraado.

Somalia iyo Serbiya oo kawada hadlay Kobaca Dhaqaale Abuurka.

0

 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac Huruuse oo Safar Shaqo ku joogo Dalka Serbia ayaa Kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Dhaqaaalaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Rade Basta.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray Xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo Saaxiibtinimo sida Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo is dhexgalka Ganacsiga.

Inta Kulanka uu socday Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia ayaa Dadka soomaaliyeed ku Ammaanay Fir-fircoonida Ganacsiga iyo shaqo abuurka Maadaama Soomaaliya ay tahay Dal leh dhul beereed iyo Xeeb dheer oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana Mudane Reda Basta uu ku taliyay In Soomaaliya ay u guurto Habka Casriga ee Canshuuraha lagu uruuriyo ee loo yaqaano (E-Government).

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa sheegay in ay ka faa’iideysan doonaan khibrada dowladda Serbia ay u leedahay Dhaqaalo Abuurka, ayna labada dal iska kaashan doonaan Horumarinta Dhaqaalaha.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la is dhaafsado khuburo dhaqaalaha ah oo labada dal ka socda kuwaas oo tagi doonna Magaalooyinka Muqdisho iyo Belgrade.

Madaxweynaha Qaranka Oo Madaxtooyada ku qaabilay Sargaal ka Tirsan Golaha sare ee Dalka Sudan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Sarreeye Guuto Ibraahim Jaabir Ibraahim oo ka tirsan Golaha Sare ee dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Janaraal Ibraahim farriin iyo dhambaal ku saabsan xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga heer gobol, taas oo uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdulfataax Al-burhaan, iyadoo uu ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed tallaabooyinka wax ku-oolka ah ee ay u qaadeen nabadda, horumarka iyo wadajirka.
Sidoo kale, Dowladda Suudaan oo haatan ah Guddoonka Urur-goboleedka Horumarinta dalalka Bariga Afrika ee IGAD ayaa in ay taageerayaan howlgallada isku-dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreynayaan deegaannada ay dadka ku dhibaateynayaan argagixisadu, iyagoo tilmaamay doorka wanaagsan ee ay ka soo qaateen dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey wafdigan booqashada qiimaha badan ee ay ku soo gaareen walaalahooda Soomaaliya, waxa uuna uga warbixiyey guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sida ay u soo dhaweynayso dowladda Soomaaliyeed dalalka walaalaha iyo saaxiibbada ah ee ka gacan siinaya in Gobolka laga dulqaado argagixisada curyaamisay xasilloonida iyo horumarka.

Waxgaradka Gobolka mudug oo Galkacyo kaga arinsaday Dagaalka Khawaarijta

Kulankaan oo uu soo qaban qaabiyay Suldaanka Guud ee Beesha Sacad Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed isla markaana ujeedkiisu ku qotamay labo qorshe oo kala ah dar dar galinta sifeynta haraadiga khawaarijta argagixisada Al shabaab iyo xoojinta Nabadda iyo dib u heshiisiinta ka jirta Gobalka Mudug ayaa maanta qabsoomay magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Gudoomiyaha Gobalka mudug Axmed xuseen shire Bukhaari qaar ka mida odayaasha dhaqanka beelaha gobalka mudug iyo xubno ka socday bulshada qeybahooda kala duwan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Suldaanka Guud ee Beesha Sacad Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed waxaana uu ka warbixiyay ujeedka kulanka iyo howsha adag ee. hortaala bulshada Gobalka mudug oo uu xusay in qof kasta uu xil ka saaran yahay bad baadada dalka iyo xoreynta dhiigyo cabyada ma naxayaashaa ee khawaarijta Argagixisada Al shabaab

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa iyaguna ka hadlay Qaar ka mida odayaashii dhaqanka iyo xubnihii ka socday ururada bulshada kuwaa oo bogaadiyay howlgallada sifeeynta khawaarijta ee ka socda dalka iyagoona ka dhawaajiyay in bulshada gobalka mudug horay ay door muhiim ah uga qaateen dagaalka lagula jiro khawaarijta haddana ay diyaar u yihiin in ay doorkooda uga qaataan naf iyo maal.

Gudoomiyaha Gobalka mudug Axmed Xuseen shire Bukhaari ayaa ugu danbeyn kulan ka hadlay waxaana uu sheegay in xiligaan ay tahay waqtigii ay soo afjarmi lahaayeen Khawaarijta Al shabaab bulshada gobalka mudugna ay ahaayeen waligood dad aan marnaba ogalaan gumeysiga iyo fikirka aan diinta islaamka wax raada ku laheyn ee argagixisada sidaa darteedna ay u diyaar yihiin shacabka gobalka mudug garab istaaga ciidamada qaranka ee ku howlan ciribtirka Kooxda naf la caarigaa ee gabalkoodu sii dhacayo ee khawaarijta Argagixisada Al shabaab

Gudoomiyaha Gobalka mudug Axmed xuseen shire u Bukhaari ayaa uga mahad celiyay qabashada kulanka suldaanka guud ee beesha sacad Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed oo uu xusay inuu yahay shaqsi u hogaamin kara bulshada wadada lagu sifeynayo haraadiga nabadiidka al shabaab..

Markab Laga Leeyahay Liberia Oo Badda Lagu Dhex Qarxiyay.

Sida ay baahisay wakaalada wararka ee AP, weerar loo adeegsaday diyaarad laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa habeenkii xalay weerar ku qaadday Markab nooca shidaalka ah oo marayey Biyaha dalka Cummaan. Markabkan oo uu ka babanayey calanka dalka Liberia. Markabkan oo lagu magcaabo Pacific Zircon ayaa siday shixnad shidaal oo aad u badan.

Waxana la soo werinayaa in uu soo gaadhey khasaare baaxad leh ka dib markii ay gubteen qaybihii uu qaraxu ka haleelay.

Ma jirto cid ilaa hadda sheegtay weerarkan khasaaraha geystay, hayeeshe kooxda Xuutiyiinta oo aaggaas ka ag dhow ayaa marar badan sameeyey weeeraro noocan oo kale ah kuwaas oo lagu beegsaday Maraakiibta Shisheeye ee maraya Biyaha Badda cas.

Weerarada noocana ayaa ah kuwo saamayn ku yeesha qiimaha Shidaalka ee Caalamka .

Muran ayaa wali ka Taagan Gantaal dad dilay oo ku Dhacay Dalka Poland.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Poland Mateusz Morawiecki ayaa dadka ugu baaqay inay is dejiyaan kaddib markii gantaal lagu sameeyay Ruushka uu labo qof ku dilay xaafad ku taalla dalkaas oo u dhow xadka Ukraine.

Dowladda Poland ayaa goor sii horreysay sheegtay inaysan caddeyn u heyn cidda ka dambeysa gantaalkaas.

Xukuumadda Mocow ayaa beenisay eedeymaha ah inay ka dambeysay gantaalkii ku dhacay Poland.

Afhayeen u hadlay aqalka Kremlin-ka oo lagu magacaabo Dmitry Peskov ayaa sheegay in aysan wax war ah ka heyn qaraxa.

Wakaaladda wararka ee Ruushka ayaa sheegtay in gantaallada Ukraine ay ku dhaceen Poland.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in aysan dhici karin” in gantaalkii ay ku dhinteen labada qof ee ku dhacay dalka Poland laga soo riday dhinaca Ruushka..

Gantaalka.
Gantaalka

Shacabka Miirtaqwo oo isku Abaabulay Iska Xoreynta Khawaarijta.

Dadka deegaanka Miirtaqwo ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa go’aansaday inay iska xoreeyaan Khawaarijta.

Dadkan is abaabulay ayaa waxaa la kulmay saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo waxgaradka deegaanka waxay kula dardaarmeen in la dar-dargaliyo howlgalada deegaanadda Shabeelaha Dhaxe looga xorreynayo Khawaarijta.

Deegaanadda la rabo in ciidankaan ay ka xorreeyaan Khawaarijta ayaa kala ah Alkowthar, Aadan yabaal, Ceel dheere, Ceel baraf, Caadleey, Cali Fool dheere, Ciid-ciidka, Calaag mahaday, Maguurto iyo Qurac Madoobe.

Gudiga Shaqaalsha Rayidka ah oo Doortay Gudoon Cusub.

0

Munaasabad ka dhacday Xarunta Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa lagu doortay Guddoonka Cusub oo uu yeelanayo Guddiga.

Munaasabadan oo ay kasoo qeyb galeen marti sharaf ka kala socotay Hay’adaha Dawladda Federaalka sida Madaxtooyada JFS, Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha XFS, Golaha Shacabka BJFS, iyo xubno kale ayaa si guul ah kusoo dhammaatay.

Waxaa Guddoonka Cusub ee Guddiga ku guuleystay Xubnaha kala ah

1. Mudane Xasan Abshirow Maxamed ayaa markale loo doortay Guddoomiyaha Guddiga;
2. Mudane Cali Muumin Muudeey ayaa noqday Guddoomiye kuxigeenka Guddiga;
3. Mudane Deeq Xaaji Ciise ayaa noqday Xogahay guud ee Guddiga.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo War kasoo Saaray Dib u eegista Dastuurka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheikha aadan Mohamed Nuur Madoobe ayaa Sheegay Inay Muhiim tahay In Ahmiyad Gaar ah Ay siiyaan Hay’adaha ay Qusayso Dib u Eegista Dastuurka Dalka sidii Loo dhamays Tiri lahaa.

“Waxaa lagama maarmaan ah in dib-u-eegista dastuurka mudnaanta koowaad aan siino. Xubnaha Guddiga Dastuurka BJFS waxaa laga codsanayaa in si degdeg ah ay u doortaan guddoonkooda, maadaama Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay min 5 tii xubnood doorteen kalfadhigii 1aad” ayuu Yiri Gudoomiyuhu.

Sidoo mole Gudoomiye Sheikh aadan Ayaa Xukuumada Faray inay Soo Dhamays tiraan xubnaha kadhiman Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka

“Xukuumadda dhankeeda waxaa la farayaa in si degdeg ah ay u soo dhameystirto xubnaha ka dhiman Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, si shaqada dib-u-eegista dastuurka ay u bilaabato.” Ayuu Hadalkiisa Kusoo Xiray…