Home Blog Page 484

Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed oo loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka

Dr. Xildhibaan Maxamed Sheekh Axmed Maxamed ayaa ku guuleystay Kursiga tirsigiisu yahay GSH#086 oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka guuleystay ayaa waxaa kursiga kula tartamayay murashaxa kale ee Cabdirisaaq Bukhaari Axmed oo tanaasulay, sidaasina waxaa gacan taag loogu codeeyay Dr. Xildhibaan Maxamed Sheekh Axmed Maxamed oo helay 98-cod, oo ah tirada ergada ee kooramka soo xaadirtay.

Xildhibaanka cusub ee maanta ka mid noqday golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa uga mahadceliyay ergagada dooratay, wuxuuna ballan qaaday inuu si hufan ugu adeego doono dadka iyo dadka Soomaaliyeed.

Khawaarijta oo looga daba tegay gododkii ay ku dhuumaleysanayeen

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa Kooxda Khawaarijta Al-shabaab kala wareegay deegaanno dhowr ah oo muddo 10-sano ka badan ay dadka shacabka ah ku dhibaaten jireen, waana goobihii ugu dambeeyay ee lagu jabiyay Khawaarinta, iyadoo loogu tegay godadkii ay ku dhuumanayeen ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Taliyaha Macaawisleyda ee deegaanka Ceelbaraf iyo nawaaxgeeda Abuukar Axmed Cabdulle oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay argagixisada kala wareegeen gododkii ay ku dhuumaleysanayeen ee Beerta Cabdirisaaq oo 15-km dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Oobaalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“ Gododkan ayay ku jireen, ay ku dhuumanayeen,nafta jecli inta ay ka qabaan, god inta ay qoteen sida bahaladii oo baco lagu raray oo qoryo la saaray ayaa carro dusha looga shubay,intaas waxa u geynayo oo juqdaas geliyay waxa waaye cabsi, haddii ay geesayaal yihiin waxay noo istaagi lahaayeen bannaankaas ama waddooyinka,” ayuu yiri Taliye Abuukar Axmed Cali.

Sidoo kale, ciidamada huwanta ah ayaa sii baacsanaya firxadka argagixisada harsiga iyo hooyaadka u diiday ummadda Soomaaliyeed kuwaas u baxsaday deegaannada fog fog, sida uu sheegay Xasan Hiiraale oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada deegaanka.

“ Nimanka harsiga iyo hooyaadka u diiday ummadda inaan maalmahan baacsigooda ku jirnay, Illaahaa Mahadleh oo maanta namakinay meesha aan joogno,meesha aan joogno waa beerta Cabdirisaaq oo 15-km dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Oobaalle,”.

Argagixisada ayaa goobta kaga cararay hub iyo agab kale, kuwaas oo ay ciidamada Mucaawisleyda warbaahinta u soo bandhigeen.

Deegaannada Khawaarijta laga sifeeyay ayaa la isku yiraahda 7, Jazeera waa tuulooyin Wabiga dhanka galbeed iyo dhanka bari ka saaran, waxayna kala yihiin Oobaalle,Huruwaay,Iji,Nasuur,Diinlow,Dudublle iyo Diinlaawe oo ah goobihii ay ka soo abaabuli jireen weerarada fuleynimada ah ee ay ka fulin jireen gobollada Shabeellaha iyo Hiiraan.

Midowga Yurub oo cunaqabateynno dheeraad ah saaray Ruushka

Midowga yurub ayaa ansixiyay tiro cunaqabateyn ah oo cusub oo la saarayo Ruushka,kadib hal sano oo dowladdaasi ay dagaal ka waddo gudaha Ukrine.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay shirka Magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ,ayaa lagu sheegay in cunaqabateynno dheeraad ah oo dhanka ganacsiga ah la saaray Ruuushka.

Tirada cunaqabateynta ee la saaray dalkaasi  waxaa ka mid ah xayiraadaha dhoofinta ku saabsan badeecadaha iyo in laga hortago kuwa Ruushhka ku taageera diyaaradaha Drooniska ee lagu weeraro Ukrine.

Cunaqabateynadaan ayaa ah kuwii ugu adkaa ee ay soo rogaan Wadamada xubnaha ka ah EU-da, si ay Ukrine uga caawiyaan in ay ku guuleysato dagaalka,

Xoghayaha guud ee golaha shacabka oo ka mid noqday guddiga fulinta Midowga Xoghayayaasha Baarlamaannada Carabta

Xoghayaha guud ee Golaha Shcabka Baarlamaanka JFS Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri) oo loo doortay Guddiga fulinta Midowga xog-hayayaasha Baarlamannada Dowladaha xubnaha ka ah Carabta ayaa ka qeyb galay Kulanka 42-aad ee Golaha Xoghayayaasha guud ee Baarlamaannada Carabta.
Kulankan oo barbar socday meertada 34-aad ee Baarlamaanadda Carabta oo socon doona Febraayo 25-26, ayaa Xoghayeyaasha waxa ay iska doorteen sedex xubnood oo guddiga fulinta ka mid ah, waxaana xubnahaasi ka mid noqon doona Soomaaliya, Al Jeeriya iyo Ciraaq.

Sirdoonka Kuuriyada Waqooyi oo isku diyaarinaya in ay qarxiyaan bambo nuclear ah

0

Hay’adaha sirdoonka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa isku diyaarinayaan in ay fuliyaan tijaabadii toddobaad ee bambooyinka nuclear-ka ah.

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka banaan BFS oo Caawa Kormeeray Hoolka Berri lagu qabanaayo doorashada kursiga Hop# 086

0

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11aadiyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Gen Sulub Ahmed Firin  ayaa kormeer wadajir ah ku sameeyay Hoolka lagu qabanaayo doorashada kursiga GSH # 086.

Taliyaha Guutada 4-aad, qeybta 27-aad oo gaaray deegaano Hoosyimada Degmada Aadan yabaal

0

Taliyaha Guutada 4-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Kornayl Saneey Cabdulle Gaab iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Aadan-Yabaal ayaa kormeeray tuulada Boos-Caduur oo ay ka jirto biyo la’aan iyo abaar baahsan, waxaana jirta cilad soo wajahday ceelasha biyaha tuuladaas.

Guddoomiye Sheekh Aadan madoobe oo Gaaray magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay  gaaray magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq,waxaana garoonka diyaaradaha Baqdaad ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur).

[DAAWO] Maamulka Hobyo oo Saldhig Boolis ka dhagaxdhigay Deegaanka Xiinbarwaaqo

0

Guddoomiyaha degmada Hobyo Cismaan Axmed Cabdulle iyo guddoomiye ku xigeenka degmadaas Muqtaar Cabdullaahi Maxamed ayaa maantay socdaal shaqo ku tagay degaanka Xin-barwaaqo, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Xin-barwaaqo.

30 katirsan maleeshiyaadka kooxda khawaarijta Al-shabaab oo Maanta lagu dilay Gobolka Mudug

0

KHAMIIS 23-02-2023: Ku dhawaad 30 maleeshiyaad ka tirsan kooxda khawaarijta ah ayaa maanta lagu dilay howlgal ay ciidamada xoogga, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo xaq u dirirka deegaanka ka sameeyeen deegaanka Faarax Aadan, kaas oo ku fiday deegaanka Wadaariq oo ay argagaxisadu ku laheyd saldhig weyn.