Gobol ay hore abaaro uga jireen, oo haatan ay roobabku ku dileen 21 qof

Date:

Ugu yaraan 21 qof oo ay ku jiraan lix caruur ah ayaa ku dhintay daadad ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay Soomaaliya toddobaadkii la soo dhaafay, sida laga soo xigtay xafiiska isku xidhka gargaarka bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay.

Ku dhowaad 100,000 oo qof ayay saamayn ku yeesheen roobabka mahiigaanka ah ee da’ay iyo weliba daadadka xoogga badan ee ku dhuftay deegaano ay hore uga jireen abaaro daran, sida deegaano hoosyimaadda degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ku taalla Koonfurta Soomaaliya.

Gobolkan ayaa u dhow xuduudda Ethiopia halkaas oo ay ka da’een roobab xooggan oo laga cabsi qabo inay sare u qaadaan heerka biyaha ee webiyada Shabelle iyo Jubba.

Hay’adda maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in daadadku ay burburiyeen qaar ka mida goobihii caafimaadka.

Hay’adda maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah ayaa raashin kala duwan gaadhsiisay illaa 250 qoys oo ku nool degmada Baardheere.

Wararka ayaa intaas ku daraya in daadadkani ay burburiyeen afar iskuul iyo illaa 200 oo musqulood, taasoo carqaladaysay waxbarashada illaa 300 oo caruur ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Warbixintan waxaa qortay AP

SONY DSC

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....