Kumaandooska Danab iyo Gor-gor  oo howlgal lagu baacsanayo Khawaarijta ka sameeyey Deegaanka Baraag Shiikh caamir ee gobolka Galgaduud

Date:

Ciidamada Kumaandooska Qaranka ee Danab iyo Gor-gor  ayaa howlgal lagu baacsanayo Khawaarijta waxaa ay ka sameeyeen Deegaanka Baraag Shiikh caamir ee gobolka Galgaduud iyo deegaano hoos taga.

Howlgalkaan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii dhulka howdka ah ee ay ku dhuumaaleysanayaan looga xoreyn lahaa cadowga isla markaana bulshada deegaanka loo gaarsiin lahaa amniga iyo dowladnimada.

Saraaksiiha ciidamada ayaa la kulmay dadka xoolo dhaqatada ah ee deegaanadaas iyagoo u sheegay in ay soo dhamaatay dhibaatooyinkii ay ku qabeen Khawaarijta iyagana looga baahan yahay in ay Ciidanka la wadaagaan goobaha cadowga iyo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....