Dowladda Uganda oo sheegtay in si buuxda u taageersan tahay kusoo biiritaanka Soomaaliya urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha  bariga Africa

Date:

Dowladda Uganda oo sheegtay in si buuxda u taageersan tahay kusoo biiritaanka Soomaaliya urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha  bariga Africa ( East African community)

wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Uganda Mr. Abubakhar Jeje Odongo ka sheegay oo Magaalada Kampala kulan kula qaatay ergayga gaarka ee Madaxweynaha ee urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha  bariga Africa Dr. Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa arrintaan ka dhawaajiyay.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha ayaa wasiirka uga waramay heerka ay marayso codsiga xubinimada Soomaaliya ee EAC isagoo uga warbixiyay shirkii guddiga farsamada ee lagu qabtay Muqdisho bishii janaayo 2023 kaasoo lagu eegayay u diyaarsanaanta Soomaaliya ee xubinimada ururkaas, shirkaas oo ay natiijo fiicani kasoo baxday.

Dr. Cabdisalaan Hadliye  ayaa u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda  in Soomaaliya eey ka doonayso dalka Uganda taageero si loo meelmariyo xubinimo buuxda oo Soomaaliya ka hesho ururka (EAC).

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Uganda oo kulanka ka hadlay ayaa u sheegay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha in dalka Uganda uu si buuxda u taageersan yahay kusoo biiridda Soomaaliya ee ururka EAC.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...