Home Blog Page 483

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kala diray Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kala diray Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Markuu arkay: Qodobka 51aad ee dastuurka Dowladda Hirshabeelle.

Markuu arkay: Warqada sumadeedu tahay DGHSH/MOJHS24/23 kuna taariikhaysan 07/04/2023, taas oo Wasiirka Cadaaladda & Arr. Garsoorka ku soo jeediyay in la kala diro Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wuxuu Madaxweynaha soo saaray xeerka

Qodobka 1aad

1- Laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu ku beegantahay 08/04/2023, waxaa la kala diray

Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

2- Xeerkan wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha, waana uu saxiixay.

Muqdisho-Somalia

Sawirro: Howlgallo ka dhan Khawaarijta oo ka socda Galbeedka Buuloburde

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo ay Khawaarijta ku baacsanayaan ka wada degaano dhaca galbeedka magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Buuloburde Xasan Maxamed Cabdi, Xildhibaan Cabdiladiif Maxamuud iyo Korneyl Cabdinaasir Sheekh Cali ayaa ka mid ah saraakiisha iyo masuuliyiinta hoggaamineysa howlgalkaas.

Ciidanka ayaa gaaray deegaanada Dhagaxyaale , Kiligubadle, Xarar iyo Boocaale oo Khawaarijtii ku dhuumaaleysa jirtay ay isaga carareen, waxayna ciidanku burburiyeen fariisimo iyo godad ay Khawaarijtu ka qodatay deegaanadaas.

May be an image of 4 people and rhinoceros

May be an image of 5 people

May be an image of 2 people

May be an image of 7 people

May be an image of 1 person

May be an image of 9 people

May be an image of 4 people

May be an image of 6 people

May be an image of 11 people

Muqdisho-Somalia

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay dib usoo celinta xiriirka Cuba

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse  oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aysan waxba ku jabnayn in ay xiriir cusub la yeelato Dowladda Cuba.

Wasiir Abshir Cumar Haruuse ayaa tilmaamay  in aanay jirin wax diidaya in Soomaaliya ay dib usoo celiso xiriirkii ay lahayd dowladda Cuba.

Waxa uu tilmaamay in  Dowladda Soomaaliya ay ku dhaqmayso siyaasad ku aadan inaysan ciddina cadow ka dhiganin sidoo kalena la hergeliyo Soomaali dunida heshiis la ah.

 

Muqdisho-Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo fursad siiyay dhallinyarada ku maqan kooxda Khawaarijta Al-shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan kooxda Khawaarijta Al-shabaab in ay ka soo noqdaan fikirka guracan ee kooxda, islamarkaana isku soo dhiibaan Dowladdooda.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada la marin habaabiyay ee qoriga loogu dhiibay si ay u daadiyaan dhiigga walaalahooda Soomaaliyeed ku dhiirageliyay in aysan ka daba lumin kuwa ogaaday in ay ka imaan karin ama ku qancay fikirkaas qaldan.

“ Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan Al-shabaab,waxaan leeyahay iyagana walaalayaal ka soo noqda, dalkan dal aan ahayn ma lihidiin, dadkan dad aan ahayna ma lihidiin, Diintan Diin aan ahayna meel idim ma taalo, dadka Soomaaliyeed ee qiimaha badan ee boqolkiiba boqol muslimka ahaa waa kuwaa taagan, Masaajida camiray dhulka jooga u soo noqo, meelaad  ka aadi kartid malahan,” ayuu yiri madaxweyne JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Haku lumin rafaadka aad ku jirtaan ma mudnid inaad ku jirtid. Sabab aad godka dhexdiisa ugu jirto aad banaanka uga soo bixiweydo oo godka ugu saxarooto oo meeshaada ku jirto maalmo dhan oo godka lagugu imaan, sabab aad ugu sii jirto malahan, ka imow adiga fursad ayaa leedahay, kuwo aan fursad lahayn oo ka imaan karin ama ogaaday ku qancay in ay ka imaan karin haku deysan haku daba lumin, ka imow waa dalkaagii, waa dadkaagii, waa dowladdaadii,  iyagana baaqaas ayaa u dirayaa waana u furan tahay, ciqaab iyo bahdil loolama diyaar ah waa la soo dhoweynayaa, waana kuwaa maanta ciidamada amniga ayay ku jiraan, xukuumaddii ayay ku jiraan, maxaa ku dhahaa baladka ayay ku ganacsadaan, waa joogaan kuwii ka soo noqday, la midaa tahay ka imow iyagana intaasaa oran lahaa aad iyo aadaa u mahadsan tihiin,”.

Dhallinyarada kooxda Khawaarijta ka tirsan ayaa wax faa’iido ah ku qabin u dagaallamida argagixisada, waana kuwo feker ahaan ah maskaxda looga qalday. Dowladda Federaalka ayaa ku guuleysatay in ay argagixisada ka ciribtirto dhul ballaaran oo ka tirsan maamulada Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana hadad socda qorshaha wejiga labaad ee dagaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka oo Khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa sidoo kale, ka hadlay go’aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee ay mas’uuliyiinta dowladda ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka iyo agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Muqdisho-Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa Somalia kula kulamy wasiirka arrimaha Dibaddaa Finland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Mudane Pekka Haavisto oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga arrimaha faa’iidada u leh labada dal.

Dowladda Finland ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarka iyo dowlad-dhiska dalkeenna.

Waxaa sidoo kale mas’uuliyiinta ka socda dowladda Finland ay kulan la qaadan doonaan qaar kamid ah wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyaga oo kawada hadli doono dhinacyada iskaashiga iyo waliba wadashaqeynta.

May be an image of 4 people

May be an image of 3 people and the Oval Office

May be an image of 4 people and the Oval Office

Muqdisho-Somalia

Madaxweynaha Jamahuuriyadda oo booqday ciidamo cusub oo ka tirsan Millatariga dalka kuwaasi oo ka qayb noqonaya sugidda amniga Muqdisho

0

Muqdisho, Maarso 07, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta kormeer ku tagay xerada Hiil-weyne oo ku taala inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad, halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo dhawaan tababar kusoo qaatay dalka Yugaandha.

[DAAWO] Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Ganacsatada uga digay ka ganacsiga agabka ciidanku leeyahay

0

Madaxweynaha JFS  mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay go’aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee ay mas’uuliyiinta dowladda ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka iyo agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo Khadka Telefoonka maanta ku xariiray Ra’iisul Wasaaraha dalka Seerbiya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa waxa ay khadka telefoonka maanta ku wada xiriireen Ra’iisul Wasaaraha dalka Seerbiya, Ana Brnabić oo ay ka wada hadaleen xoojinta iyo adkeynta iskaashiga iyo xiriirka wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Seerbiya.

Milateriga Maamulka Yahuuda oo duqeymo culus ka fuliyey Qaza

Milateriga Maamulka Yahuud ee  Israa’iil ayaa sheegay in ay qaadeen weerarro dhanka cirka ah oo aargoosi ah kuwaas oo ay ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla Qaza iyo koonfurta Lubnaan ka dib markii in ka badan soddon gantaal lagu riday Israa’iil.

[DAAWO] Wafdi uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Finland oo Muqdisho soo gaaray

0

Wafdi uu horkacayo wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Finland Pekka Haavisto ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho  iyadoo uu Garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimsha Dibedda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse.