Home Blog Page 483

Madaxweynaha Qaranka Oo Daah Furaya SNTV-Daljir.

madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jari doonna Telefishinka SNTV Daljir oo ka faalloon donna arrimaha ciidamada, howlgalladda dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab iyo ajendayaasha kale ee heer qaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale maanta toos ugala hadli doonaa shacabka Soomaaliyeed SNTV Daljir.

SNTV

SAWIRRO] Askar Hore Dil uGeysatay Oo Lagu Toogtay Magaalada Kismaayo

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Maamulka Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay labo Askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay magaalada Kismaayo.

Munaasabadda lagu Daah-furayey Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo xalay lagu qabtay Magaaladas

0

Munaasabadda lagu Daah-furayo Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud  ayaa xalay lagu qabtay Magaaladas.

Ciidamada NISA oo howlgallo ka wadda Xaafaddaha kala Duwan ee Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay

0

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay Howgal ka sameeyey xaafadaha Magaalada Baydhabo.

 

Xaafadaha Ciidanka howgalka ka sameeyeen ayaa kala ah Isha, Bardaale, Horseed,Holwadaag iyo laamahooda kala duwana xaafadahaas.

 

 

Howlgalka Oo ahaa mid lagu sugaayey amniga guud Ee Xaafadaha Magaalada Baydhabo ayaa lagu soo qabqabtay dhalinyaro farabadana kuwaas Oo ciidanka ay ku wadaan baaritaano.

 

Nabad sugida Koonfur Galbeed ayaa kordhisey howlgalada ay ka fuliso guud ahaan Deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan furimaha hore dagaalka ee Gobolada Dalka

0

Muqdisho, Nofeembar 19, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta Alshabaab.

Soomaaliya oo saxiixday baaqa caalamiga ah ee xakamaynta hubka qarxa in lagu isticmaalo goobaha dadweynaha.

0

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa saxiixay baaqa caalamiga ah ee xakamaynta hubka qarxa in lagu isticmaalo goobaha dadweynuhu joogaan.

Baaqan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee heer caalami ah ayaa looga golleeyahay in lagu ilaaliyo dadka rayidka xilliyada colaadaha oo dhibaatooyin badani ka soo gaaraan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa khudbad faahfaahinaysa mawqifka Soomaaliya ee ilaalinta dadka rayidka ah ka jeediyay shirka, wuxuuna caddeeyay wasiirku in dowladda Soomaaliya muhiimadda koobaad siinayso dadkeeda iyadoo xilli adag oo dagaal lagu jiro.
Wasiirka ayaa tusaale usoo qaatay in sharciyada caalamiga ah ee xilliga dagaalka ka hor Soomaalidu lahayd Xeerka Birima-gaydada oo ahaa mid ilaaliya dadka nugul iyo kuwa rayidka ah een dagaalka ku jirin, isagoo caddeeyay in kooxaha xagjirka ahi ku tunteen sharci kasta oo dadka maatada ah ilaalinayay.
Wasiir Abshir Cumar Huruuse ayaa shirweynaha ka sheegay in sharcigan caalamiga ahi uusan qabanayn kooxaha Argagixisada oo kelli ah balse sidoo kale uu qabanayo Ciidamada dowladda iyo saaxiibada ajinebiga ah ee nabad ilaalinta iyo tababarka u jooga Soomaaliya oo xilliyada qaar magaalooyinka dhexdooda dabrid ka sameeya.
Soomaaliya iyo 18 wadan oo Afrikan ah ayaa sanadkii 2017 saxiixay baaq kan oo kale ah laakiin ku eg qaaradda Afrika

Gudoonka labada Gole oo kulan wadatashi ah la Qaatay Golayaasha Xeerdajinta Dowlad Goboleedyada Dalka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Miudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe} oo ay wehliyaan ku xigeennada labada gole ee BJFS ayaa kulan la qaatay guddoonnada Baarlamaanka Dowlad goboleedyada dalka oo Muqdisho u yimid ka qeyb-galka furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo uga mahad celiyay guddoonnada Baarlamaannada Dowlad goboleedyada dalka ka qeyb-galka Furitaanka kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 11-aad, wuxuuna Guddoomiyuhu tilmaamay in ay muhiim tahay joogtaynta wadashaqaynta golayaasha Baarlamaannada heer dowlad Goboleed iyo heer Federaal, si loo gaaro dejinta sharciyo la isla waafaqay oo xoojinaysa dowladnimada Soomaaliya.
Dhankooda, Guddoomiaasha Baaralamaannada Dowlad Goboleedyada dalka ayaa Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay soo dhawaynta iyo hab-maamuuskii wanaagsanaa ee loo sameeyay, iyagoo soo jeediyay in la badiyo kulamada is-xogwaraysiga ah si loo xoojiyo wadashaqaynta.

Madaxweynaha Qaranka oo ka Tacsiyeeyay Geerida Garaad Saleemaan Garaad Mohamed.

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo xalay ku geeriyooday magaalada Garoowe.
Madaxweynaha oo xusay doorkii muuqday ee Garaad Saleebaan uu kasoo qaatay dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey Isimada iyo hoggaanka dhaqanka dowlad Goboleedka Puntland geerida ku timid Marxuumka oo ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed ee laf-dhabarka u ahaa aasaaska dowladnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.
Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Madaxweynaha Qaranka Oo La kulmay Gudoonka Baarlamaanka Dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaatay Guddoonnada Baarlamaanka Dowlad-goboleedyada dalka ee ka qeyb-galay furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey Baarlamaanka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed in ay xoojiyaan wada-shaqeynta dhexdooda ah, wadajirna uga shaqeeyaan dowlad-dhiska dalka, si loo gaaro Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis lah ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan qabyo-tirka dastuurka iyo dhammeystirka shuruucda xoojinaysa dowladnimada, waxa uuna tilmaamay doorka xooggan ee Baarlamaannada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ay ku leeyihiin xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Dhankooda, Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Salaad Samatar, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoonnada Baarlamaannada Dowlad-goboleedyada dalka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan, iyagoo soo dhaweeyey in ay sii joogteeyaan, si loo xoojiyo wadashaqeynta iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

 

Golaha Wasiirada Galmudug oo Ansixiyay Degmooyin Cusub.

Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee Dowladda Galmudug.Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud, ayadoona warbixin laga dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga Galmudug.iyo howlgaladii u danbeeyay ee kooxaha argagaxisada ah looga saaray deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale, Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug ayaa Golaha hor keentay hindise sharciyeed lagu dagmeynayo deegano ay wasaaradu ku sameysay daraasad, soona buuxiyay shuruudaha degmanimo oo kala ah
1- Dhabad
2- Galinsoor
3-Bandiiradley
4- Afbarwaaqo
5- Ceelguula.
Dood iyo falanqeyn dheer kadib, Golaha Wasiirada ayaa cod u qaaday ansaxinta degmooyinka kor ku xusan, ayadoona lagu ansixiyay cod aqlabiyad oo gacan taag ah.