Soomaaliya  oo loo doortay qabashadda Guddoonka waddamadda xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Yareeynta Khataraha

Date:

Shirka 13-aad ee sanadlaha ah oo ay ku kulmeen 35-ta dal ee xubnaha ka ah ururka African Risk Capacity (ARC) oo ay  Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Soomaaliya ku meteleysay ayaa waxaa sanadkan Gudoonka waddamadda xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity (ARC) ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Yareeynta Khataraha Musiibooyinka u doorteen Soomaaliya in ay noqoto.

Shirkan oo lugu qabtay xarunta Midowga Afrika ee magaalada  Addis Abeba ee dalka Ethiopia ayaa waxaa Hay’adda maareynta musiibooyinka uga qeyb-galay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Dr Axme Cabdi Aadan iyo Agaasimaha Waaxda ka digista iyo Yareynta Khataraha Md Khatar Sheekh Maxamed Nuur

Waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya loo doorto xilka qabashada guddoonka laga soo bilaabo markii ay Soomaaliya sixiixday heshiiska uu ku dhisanyahay ururka ARC bishii Abriil Sanadkii 2021, iyada ay markaas Soomaaliya noqotay wadankii 35aad ee ku soo biira ururkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...