Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa guddoomisey kulanka 18aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Golaha Wasiirada jubbaland kala Hadlay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axamed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Jubaand kaasi oo lagaga arrinsaday dib u xorenta deegaanada ku jira gacanta Khawaarijta ee ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.
[DAAWO] Dowladda Imaaradka carabta oo Hey’adda Maareynta Masiiboyinka ku wareejisay Deeq Gargaar ah oo loogu talagalay dadka danta yar
Dowladda Imaaradka Carabta Ayaa Maanta Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ku wareejisay Deeq Gargaar ah oo loogu talagalay dadka danta yar iyo kuwa Abaaraha sameenta ku yesheen.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Gaaray Magaalada Kismaayo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland, waxaana si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo boqolaal ka mid ah shacabaka magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha ayaa u kuur-galaya xaaladda deegaannada Jubbaland, isagoo mudnaan siinaya dardar gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka oo qorshuhu yahay in argagixisada Alshabaab laga saaro deegaannada ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka, Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Kismaayo waxa uu ka shaqeynayaa xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka.

Gudddiga Dib u eegista iyo La socodka Hirgelinta Dastuurka oo kulmay
Gudddiga Dib u eegista iyo La socodka Hirgelinta Dastuurka, ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka shaqeynayey dejinta iyo qorista habraac u gaar ah ansixinta iyo wax ka bedelka Dastuurka ku meel gaarka oo ay gacanta ku hayaan.
Habraacan oo noqon doona habraac u gaar ah habka ka doodista iyo wax kabedelka Dastuurku uga hirgeli karto golayaasha baarlamaanka JFS, si looga doodo looguna ansixiyo intaanay golayaashu fasaxooda gelin.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo furay shir looga hadlayo horumarinta Biyaha Soomaaliya
Shirka oo ay ka soo qaybgaleen madax ka socota hey’adaha dowladda iyo Beesha Caalamka, ayaa diiradda lagu saaray hannaanka horumarinta Biyaha Soomaaliya, si looga hortago biyo yaraanta iyo in laga faa’iideysto roobabka, loona sameeyo dadka reer miyigia biyo xireenno keyd u noqda.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in biyuhu ay yihiin laf dhabarta nolosha, bulshadeenuna baahi weyn u qabto. Xukuumadduna ay xoogga saareyso sidii xal waara loogu heli lahaa biyo yaraanta iyo gaajada ku soo laalaabta dadkeenna.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in dowladdu wax ka qabaneyso xaaladda biyo la’aanta ka jirta goobaha dhowaan laga xorreeyay kooxaha Khawaarijtu oo burburiyey ilo-biyoodyadii ku yaalay deegaannadaasi.
Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasaaradda Beeraha Dhirta iyo Waraabka, Wasaaradaha Heer Dowlad Gobaleed, Hay’adaha Deeq-bixiyeyaasha, Urur Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay.

Golaha Shacabka BFS oo Maanta Meel Mariyey Hindise Sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaaan galinta dadweynaha.

Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta tababar u soo xirtay shaqaale katirsan Xarunta Howlgallada Gurmadka Degdega (NOEC) qaybta Cafimaadka Ee Hey’adda SoDMA
Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta tababar u soo xirtay shaqaale katirsan Xarunta Howlgallada Gurmadka Degdega (NOEC) qaybta Cafimaadka Ee Hey’adda SoDMA oo muddo laba usbuuc ah qadanayey tababar arimaha gurmadka deg deg ah la xariira taas oo ay bixinayeen dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka weyn ee Madiina.
Shaqalahaan tababarka loo soo xiray maanta ayaa gaaraya 10 qof waxaana muddadii simanaarkan socday iska kaashaday Maamulka isbitaalka Madiina Madina Hospital iyo Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka SoDMA Somali Disaster Management Agency-SoDMA .
Madax Qaybta cafimaadka Xarunta Howlgalada Gurmadka Degdega ee hey’adda SODMA dr. Abdulaahi Muuse Ahmed ayaa kawarbixiyey tababarkaan in lagu dhisayay aqoonta iyo xirfada shaqaalaha qaybta caafimaadka ee Xarunta NEOC oo mar walba heegan ugu jira xaaladaha ka howlgalida xaaladaha caafimaad ee Gurmadka Degdega.
Agaasimaha isbitaalka madiina Dr Mohamed Burtuqaal iyo Lataliye Saciid Goosh ayaa sidoo kale sheegay in tababarada nuucaan oo kale ah ay yihiin muhiim madaama dalkeena uu ku jiro xaalad adag.
Ugu danbeeyn ku simaha Agaasimaha xarunta qaran ee howlgallada gurmadka deg deg ah ee Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka SoDMA Mudane Hassan Abdulkadir Ciise oo soo xiray Tababarkaan ayaa la dardaarmay shaqalahaan tabaarkaan maanta ka faaiideystay, isagoona xusay in la soo badin doono tababarrada nuucaan ah ee lagu dhisayo aqoonta shaqaalaha kala duwan ee Xarunta Gurmadka NEOC oo u taagan mar walba la taaclida xaaladaha kala duwan ee gurmadka kuwaas oo ka dhaca dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray Bandhiga Carwada Warshadaha Soomaaliyeed oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka ‘Dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga

