Home Blog Page 480

Askarigii dhabarka kaga istaagay George Floyd oo la xukumay

0

Askari hore oo ka tirsan booliska gobolka Minneapolis isla markaana dhabarka kaga istaagay George Floyd oo ahaa ninkii madowga ahaa ee lagu dilay Mareykanka ayaa lau xukumay 3 sano iyo bar kadib kaalintii uu ka qaatay falkaas.

J Alexander Kueng ayaa qirtay dambi ah in uu ka qeyb qaatay ku lug lahaanshaha iyo dilka darajada koowaad bishii Oktoobar.

Askarigan wuxuu kamid ahaa afar sarkaal oo boolis ah o lala xiriiriyay dilka xilli laga soo duubay muuqaal.

Dilka George Floyd oo dhacay sanadkii 2020 waxay caro weyn ka dhalisay caalamka, Mudaharaadyo looga soo horjeeday cunsuriyadda ayaa ka dhacay dalal ka mid ah caalamka, iyadoo looga fal celinayo dhimashadaas.

Ciidamada XDS oo dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan Khawaarijta Al-shabaab

0

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada degaanka ayaa howlgal qorsheeysan ku dilay 14 xubnood oo isugu jiray Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan Khawaarijta Al-shabaab kuwaas oo ku dhuumaaleeysanayay degaanka Dhabaq-libeey oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha dhexe, sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee ka xoreeyay Khawaarijta magaalooyinka muhiimka ah ee Gobalka Shabeellaha dhexe ayaa wali deegaannada howdka ah iyo tuulooyinka ka wada howlgalo ay ku baacsanayaan Khawaarijta firxadka ah.

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka oo Dilay dhagar qabe Khawaarij ah

0

Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa xalay ku dilay dhagar qabe Khawaarij ah inta u dhaxaysa deegaanada Basra iyo Sabyo waxayna gacanta ku dhigeen labo xubnood oo kale oo ka tirsan Khawaarijta, kuwaasi oo waday waxyaabaha Qarxa iyo Hub.

Xubnahaan Khawaarijta ah oo si dhuumaysi ah ku socday ayaa ciidanka Ammaanka waxaa ku soo war geliyay shacabka deegaanka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo gaaray degmada aadan yabaal ee Gobolka shabeelada Dhexe

0

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliyaha xoogga dalka ayaa booqday degmada Aadan-yabaal oo ka mid ah degmooyinka ugu muhiimsan ee laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka iyo Taliyaha oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa socod ku soo maray goobaha ay joogaan ciidamada qalabka sida iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka, isagoo uga mahadceliyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta.

Wasiirka ayaa sheegay inaan laga hari doonin firxadka kooxda arxanka daran ee Khawaarijta ah oo halkaan sanado badan ku dhibaateynayey shacabka deegaanka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisa sheegay in jab xooggan Khawaarijta lagu gaarsiiyay dagaalka ka socda dalka, isla markaana aan laga hari doonin meel kastoo ay gabaad ka dhigtaana looga dabagali doono.

Dowlada Soomaaliya ayaa guulo waaweyn ka gaartay dagaalka lagula jiro Argagixsada Al-Shabaab ee uu iclmaaiyay Madaxweeynaha JFS.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maanta guddoomiyay Kulanka gudoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir kaas oo looga hadlayay dardargalinta howlaha kala duwan ee lagu horumarinayo Caasimadda

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay Kulanka gudoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir kaas oo looga hadlayay dardargalin howlaha kala duwan ee lagu horumarinayo Caasimadda JFS.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheikh Yuusuf Madaale ayaa warbixina ku saabsan howlihii u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa la filaayo in la hirgaliyo ka dhageestay Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka.

Taliyaha Booliska Soomaliya general Xijaar oo heshiis la saxixday dhigiisa dalka itoobiya

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Itoobiya Gen. Damelesh Garbamichel ayaa Magaaladda Adis Ababa ee Caasimadda Dalkaas ku kala saxiixday Iskaashi Amni iyo Sare u qaadista Tababarada Aqoonta Booliska.

Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Dhiggiisa Itoobiya la wadaagay muhiimadda Ay leedahay iskaashi dhexmara labada Booliis ee Soomaaliya Iyo Itoobiya.

Kumaandooska Gor-gor, oo maanta deeq raashin ah gaarsiiyay qaar ka mid ah bulshada danyarta ah ee ku dhaqan degmada Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose

0

Guutada 17-aad ee Kumaandooska Gor-gor, ayaa maanta deeq raashin ah gaarsiiyay qaar ka mid ah bulshada danyarta ah ee ku dhaqan degmada Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose.

Ilaa 100 qoys oo danyar ah oo ka soo barakacay dhibaatada Khawaarijta ayaa deeqdaan ka faaideystay iyagoo qoysaskaasi ciidanka uga mahad celiyay gurmadkaan.

Aabbe meel fagaare ah ku toogtay nin wiilkiisa dilay

0

Aabbe ayaa meel fagaare ah ku toogtay nin wiilkiisa dilay ka dib markii ay Taalibaan ku riday ninkan xukun dil ah, waa dilkii ugu horreeyay ee ay Taliban meel fagaare ah ku fuliso tan iyo markii ay dib ugu soo laabteen xukunka Afgaanistaan.

Afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay in ninkan lagu dilay garoon lagu ciyaaro oo ku yaal koofur galbeed ee gobolka Farah.

Aabaha dhalay wiilka la dilay ayaa saddex xabadood ku dhuftay ninkan, sida uu hadalka u dhigay afhayeen u hadlay Taliban.

Rag badan oo ka mid ah madaxda kooxda ayaa ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacayay. Waxay ku soo beegantay toddobaadyo ka dib markii garsoorayaasha lagu amray inay si buuxda u dhaqangeliyaan shareecada.

Hoggaamiyaha sare ee Taliban Haibatullah Akhundzada ayaa amarkan soo saaray bishii hore, isagoo ku amray garsoorayaasha inay ku ridaan ciqaabo kuwa lagu helo dambiyo.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa meel fagaare ah lagu garaacay tobonaan qof oo lagu hor garaacay garoon kubbadda cagta ah oo ku yaalla gobolka Logar – waana markii ugu horreysay oo Taliban ay si cad u qirato inay amartay kiis la xirriirra dil.

Dacwad oogayaasha Peru oo eedeymo u soo jeediyay madaxwaynihii xilka laga tuuray

0

Dacwad oogayaasha dalka Peru ayaa ku eedeeyay madaxwaynihii garabka bidix ee xilka laga tuuray Pedro Castillo kacdoon iyo shirqool uu ku jabiyay nidaamka dastuuriga ah.

Dacwaddaan ayaa waxay ku soo beegantay saacado un ka dib markii Pedro Castillo uu isku dayay inuu kala diro Congress-ka taas oo sababtay in markii dambe xilka laga qaado.

Madaxweyne ku xigeenkiisii ​​hore, Dina Boluwarte, ayaa loo dhaariyay inay noqoto hoggaamiyaha cusub ee dalkaasi.

Dhanka kale Mexico ayaa sheegtay in haddii Mr Castillo uu magangelyo weydiisto ay siinayaan. Warbaahinta maxaliga ah ee Peru ayaa sheegtay in markii la xirayay uu ku sii jeeday safaaradda Mexico ee Lima.

Hay’adda maaraynta masiibooyinka Qaranka ayaa deeq raashin ah gaarsiisay degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

0

Hay’adda maaraynta masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta deeq raashin ah gaarsiisay degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.


Deeqdaan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo in kudhaw oo 600-Qoys waxaana ay ka koobantahay maciishada kala duwan ee dadku sida maalin laha ah u isticmaalaan.

Cabdisalam Cabdullahi Cumar oo ka tirsan hay’adda SoDMA ayaa ku wareejiyay deeqdaan gudoomiyaha degmada baxdo.