Qaramada M oo ka digtay in daadadka ka jira Soomaaliya ay keeni karaan cudurro.

Date:

Daadadka webiyada ee ka dhashay roobabka lixaadka leh ee ka da’aya Soomaaliya waxay keeni karaan soo ifbaxa iyo in ay dillaacaan cudurrro halis ah oo ka dhallan kara biyaha ,sidaasi waxaa digniin ku bixiyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegtay in roobabkaan ay ku soo aadeen xilli ay jireen  cudurka Daacuunka iyo shuban biyoodka oo laga soo sheegay  maamul goboleedyada Jubaland, Koonfurta Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed.

OCHA, oo soo xiganaysa tirokoob ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka, ayaa sheegtay in ugu yaraan 4,000 oo kiis oo looga shakisan yahay daacuunka iyo 17 dhimasho oo xidhiidh la leh laga soo sheegay 27 degmo tan iyo bishii Jannaayo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Xinhua.

Waxa ay intaa ku dartay in daadadka ka dhashay roobabka ay saameeyeen in ka badan 1,75,000 oo qof oo ku nool Soomaaliya tan iyo bilowgii xilli roobaadka ee bartamihii bishii March, kuwaas oo 140,000 oo ka mid ah ay barakaceen.

“Haddii roobab mahiigaan ah ay ka da’aan Soomaaliya iyo dhulka sare ee Itoobiya inta lagu jiro xilliga, waxaa la qiyaasayaa in fatahaadaha wabiyada ay saameyn karaan ilaa 1.6 milyan oo qof, iyadoo in ka badan 600,000 ay ku barakici karaan,” OCHA ayaa sidaa ku digtay.

Waxa ay sheegtay in barakaca ugu badan uu ka dhici doono deegaannada kulul ee ku teedsan webiyada Jubba iyo Shabeelle, iyo qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Banaadir, iyadoo horay fatahaado ay uga dhaceen deegaannada Galmudug, Puntland iyo Somaliland.

OCHA ayaa sheegtay in in ka badan 21 qof ay ku dhinteen daadad ka dhacay degmada Baardheere ee dowlad goboleedka Jubaland, kadib roobab xooggan oo da’ay 21-kii ilaa 24-kii bishii March.

Roobabkaan culus iyo daadadka ayaa yimid kaddib shan xilli oo abaar ah oo keenay barakaca in ka badan 1.4 milyan oo Soomaali ah iyo dhimashada 3.8 milyan oo xoolo ah tan iyo bartamihii 2021, ayay tiri hay’adda Qaramada Midoobay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...