Duqeymo ayaa lagu soo warramayaa inay koonfurta Ukraine xilli diyaaradaha Drones-ka ee Ruushka ay duqeeyeen Odesa halka Ukraine ay weerarro iska cabin ah ka fuliyeen magalaada Melitopol.
Ciidamada Ukraine ayaa sheegay inay soo rideen 10 kamid ah diyaaradaha Drones-ka Ruushka halka diyaarado kale oo gaaraya shan ay gantaallo ku garaaceen xarumaha tamarta, dhibaatadan waxay horseeday in ku dhawaad 1.5 malyan oo qof ay soo wajahdo koronto la’aan.
Nin u dhashay dalka Libya oo lagu eedeeyay in uu sameeyay bamkii burburiyay diyaaraddii rakaabk aheyd ee ku dhacday magaalada Lockerbie ee Scotland 34 sano ka hor ayaa lagu qabtay Mareykanka.
Bishii hore ayay aheyd markii la tebiyay warar sheegay in nin lagu magacaabo Abu Agila Masuud ay afduubteen maleeshiyaad Libyan ah, arrintaas oo horseeday warar ku aadan inay u gacan gelin doonaan mas’uuliyiinta Mareykanka loo maxkamadeeyo.
Shilkii Lockerbie waxaa ku dhintay 270 qof oo isugu jiray dad rakaab aha aiyo dadkii deegaanka, arrintani ayaa ka dambeysay markii la qarxiyay diyaaraddii Pan Am flight 103 ee ka duushay London kuna wajahneyd New York.
Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Saraakiil kale ayaa Garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ciidamo booliis ah oo tababar ku soo qaatay Jabuuti oo maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Taliyaha ayaa uga mahadceliyay dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti tababarka ciidankan oo ah Dufcaddii 17-aad ee Daraawiishta ee tababarka ku soo qaatay dugsiga tababarka Booliiska ee dalka Jabuuti.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladd Goboleedka Hiirshabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha iyo Wafdiisa oo socdaal dhulka uga soo ambabaxay Degmada Aadan yabaal ayaa soo maray deegaanada mubaax iyo ceel qooxle oo kamid ah deegaanadii dhowaan la xureeyay waxaana boqolaal dadweyne ah ay kusoo dhoweeyeen bartamaha Magaalada Muqakori ee Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay bushada qiimaha ee sida diiran ugu soo dhoweeyay Magaalada waxa uuna bogaadiyay bulshada deegaankaan iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada oo khawaarijta cadowga ah ka xureeyay degmada.
Madaxweynaha ayaa xusay in maanta wixii ka dambeeya moqokari ay ka mid tahay degmooyinka Hirshabeelle isagoo furay Wasiirka Arrimaha Dowladda Hirshabeelle in deg deg uu kusoo magacaabo maamulkeeda oo dhameystiran sidoo kalana laga fuliyo mashaariicda ay xaqa u leedahay degmada.
Muqdisho, December 10, 2022:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqul insaanka.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Adduunka, ayaa tilmaamay in shareecada Islaamka iyo xeerarka dalka u yaalla ay meel cad iska taageen xad gudubyada ka dhanka ah dumarka iyo dadka nugul, isagoo ku baaqay in aan qiil loo raadin cid walba oo ku xadgudubta xuquuqul insaanka.
Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka ayaa sanad kasta loo dabaal-degaa 10-ka December, taas oo ku aadden markii Golaha loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, sanadkii 1948-dii.
Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayey dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah ee ka socda gobollada dalka, ayaa sheegay in dagaalkani uu yahay mid lagu raadinayo xaquuqda aadanaha, maadaama ay khawaarijtu ka hor istaageen dadka Soomaaliyeed xuquuqdii ay lahaayeen, una diidan yihiin nolosha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyey Xildhibaannada iyo xubnaha ka tirsan Xukuumadda ee u taagan furinta dagaalka ciribtirka argagixisada. Isagoo ugu baaqay dhallinyarada weli ku taagan fekerka ciriiriga ah ee argagixisada in dadkooda ay dib ugu soo laabtaan, kana toobad keenaan ficilladooda khaldan inta ay weli fursadda haystaan.
Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiiro,ururrada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.
Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland Oo Kashanaya Bulshada iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Cidamada ayaa Gacanta Kuso Dhiigey Gacan ku dhiigle Faarax Jibriil Xuseen oo Dil u geestey Marxuum Mohamed abdirashiid Abdirahman Tariikhda Markay ahayd 11 /11/2022 .
Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari G/sarre Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa Bulshada la wadaagay In gacan ku dhiiglaha Uu Ku jiro Gacanta Ciidamada lana horkeeni doono Sharciga .
Taliyaha ayaa Sido kale Bulshada ugu baaqay cid kasta oo isku dayda Khalkhal amni darro iney Sameyso iney ku danbeyn doonto Gacanta amniga Sharciga La horkeeni doono .
Taliye C/qaadir Ayaa umahadceliyey Bulshada oo qeyb ka ahaa Sidii Gacanta loogu soo dhigi lahaa Gacan ku dhiiglaha
Grant Wahl, oo ka mid ah qoraayaasha kubbadda cagta oo caanka ka ahaa dalka Maraykanka, ayaa geeriyooday subaxnimadii hore ee Sabtidii isagoo terbinayay ciyaartii Koobka Adduunka ee u dhaxaysay Argentina iyo Netherlands.
Suxufiyiin Maraykanka ah oo agtiisa fadhiday ayaa sheegtay in Wahl uu dib ugu dhacay kursigiisii tarabuunka ee garoonka Lusail Iconic Stadium wakhtiga dheeriga ahaa ee ciyaarta, waxaana wariyayaashii ka ag dhawaa ay u dalbeen caawimaad. Shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa si degdeg ah uga jawaabay.
Wahl ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay Arbacadii in uu u debbaaldegay dhalashadiisa maalintaas. wuxuu ahaa 48 jir.
Xiriirka Kubadda Cagta Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay ka xun yihiin geerida suxufigan.
Isniintii ayuu ku soo qoray boggiisa in uu booqday xarun caafimaad isagoo ku sugan dalka Qatar.
“Ugu dambayntii jirka ayaa i xanuunaya. Saddex toddobaad oo hurdo yar ah, walbahaar sare iyo shaqo badan ayay taasi ku timid,” ayuu Wahl ayaa qoray, isaga oo raaciyay “Wixii hargab ahaa 10-kii maalmood ee la soo dhaafay waxay isu beddeleen wax aad u daran habeenkii ciyaarta USA-Netherland, waxaana dareemayay cadaadis laabta sare ah iyo farxad la’aan”
Dr. Celine Gounder, oo ah xaaskii uu ka geeriyooday Wahl, ahna kaaliye macallin oo ka tirsan machadka caafimaadka ee Jaamacadda New York, ayaa barteeda twitter-ka kusoo qortay inay ka naxday geerida saygeeda.
Wahl ayaa soo tebinayay koobkii aduunka ee siddeedaad.