Shirka amniga gobolka Bari ayaa laga soo saaray Go’aamo adag oo amniga wax looga qabanayo.

Date:

Shirka amniga gobolka Bari ayaa laga soo saaray Go’aamo adag oo amniga wax looga qabanayo.

Shirka waxaa ka qayb galay Taliyaha ciidanka Boliiska, Guddoomiyaha gobolka Bari, Duqa degmada Boosaaso,Taliyaha ciidanka Daraawiishta,Taliyaha nabad sugidda,wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo saraakiil kale.

1-Guddiga amniga wuxuu dardargalin iyo xoojin amni ka bilaabay guud ahaan Gobolka Bari gaar ahaan magaalada Bosaso si argagixisada

looga sifeeyo gacantana loogu soo dhigo kuwii fuliyey falkii waxashnimada ahaa

ee lagu beegsada shirkadda ganacsiga Al-macruuf xarunteeda Bosaso.

2- Hayádaha Amnigu waxay aqoonsadeen ciddii lahayd fikradda falkii argagixiso ee

ka dhacay Shirkadda Almacruuf waxaana wax looga qaban doonaa sida ugu

dhaqsaha badan.

  1. Guddiga Amnigu wuxuu farayaa Maamulka, masuuliyiinta iyo mulkiilayaasha

shirkaddaha ganacsiga iney wadashaqayn la yeeshaan Hay’addaha amniga

Puntland ee ka hawlgala magaalada Bosaso, si ay ula wadaagaan wixii culays

amni la xiriira ee ku soo kordha shirkaddaha iyo shaqaalohooda.

  1. Guddiga Amnigu wuxuu farayaa shirkadaha ganacsiga in ay wax ka bedelaan

habka amnigooda gudaha sida ilaalada xarumaha ganacsiga, Kaamirooyinka

qarsoon(CCTV), sidoo kale waa iney dab-damis u sameyaan xarumoohada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...