Home Blog Page 481

Hantidhawraha Guud ee Qaranka oo magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qaybgalay Shirka Maamulka Daymaha

0

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qaybgalay Shirka Maamulka Daymaha oo ay soo qabanqaabisay Madasha Ganacsiga iyo Hormarka Qaramada Midoobay ee UNCTAD.

Shirkan ayaa lagu lafaguray qodobbo muhiim ah oo ku saabsan maamulka daymaha iyo maaliyadda guud, iyada oo xoogga la saarayo siyaasadaha xalka loogu raadinayo caqabadaha daymuhu ay ku leeyihiin dawladaha dunida xilligan xasaasiga ah.

Hantidhawraha Qaranka ayaa intii uu kulanku socday waxaa uu sidoo kale shir-doceed la yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha UNTCTAD Mudane Pedro Manuel Moreno, iyagoo isla sooqaaday sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha la xiriira daahfurnaanta maamulka daynta.

Soomaaliya waxay xusulduub ugu jirtaa inay gaarto bar-dhammaadka hannaanka dayn cafinta (HIPIC) kaasi oo dalka u sahli doona in laga cafiyo dhammaan deymiha uu horay u galay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga mahadceliyey dhiggiisa Jabuuti sida uu uga aqbalay doonista gabadhiisa Haybado Ismaaciil Cumar oo maanta loo doonay Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo ka tirsan BFS

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle sida maamuuska leh ee uu uga aqbalay doonista gabadhiisa Haybado Ismaaciil Cumar oo maanta loo doonay Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay dhaqanka gacalnimada, islaamnimada iyo Soomaalinimada leh ee soo jireenka ah kaas oo uu ku bogaadiyey walaalkiis Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi guddoonsiinta gabadhan uu abtiga u yahay.

“Waxaa hore loo yiri rag waxa ugu han weyn ninka gabar nin dhalay yiraahda i siiya, waxaana ugu deeqsisan ninka siiya. Haybado Ismaaciil Cumar Geelle, waxaan ka doonaynaa abkeed, abtiyaasheed iyo aabbaheedba oo aan waydiisanayno in gabadha nala siiyo oo na loo meheriyo annaga oo ku taagan jidkii gacalnimada Islaamka iyo Soomaaliduba lahayd ee soo jireenka ahaa”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in walaalnimada dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti uu maanta ku kordhay gacal iyo xididnimo isagoo qoyska cusub Alle uga baryey in uu isu barakeeyo, kalana siiyo ubad iyo nolol wanaagsan, isagoo xasuusiyey qiimaha ay xanbaarsan yihiin midowgooda, maadaama ay isu guuriyeen labo Qaran oo walaalo ah, wadaagana dhaqan, dhiig iyo taariikh soojireen ah.

Munaasabaddan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaareyaal Hore oo soo hoggaamiyey Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, masuuliyiin iyo madax ka mid ah goleyaasha Jamhuuriyadaha Jabuuti iyo Soomaaliya.

Waasiirka Gaashaandhigga XF oo la kulmay dhiggiisa Dalka Ethiopia

0

Waasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kula kulmay dhiggiisa Dalkaas Dr Abraham Belay, iyagoo ka wadahadley iskaashiga arrimaha Ammaanka iyo la dagaallanka Argagixisada.

Wasiir Cabdiqaadir ayaa xusay inay muhiim tahay Xilligaan in laga ciribtiro Soomaaliya Kooxaha Khawaarijta Isagoo uga mahadceliyay Dowladda Ethiopia doorkeeda ku aadan dagaalka ka dhanka ah Argagisada.

Wasiirka Gaashaandhigga Ethiopia Dr Abraham Beley oo Dhankiisa ka hadlay kulanka ayaa Sheegay in Dawladda Ethiopia ay xoojinayso garab istaageeda ku aadan dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-shabaab.

Itoobiya oo korontada dib ugu soo celisay gobolka Tigray

0

Itoobiya ayaa korontadii dib ugu soo celisay magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigreega ee waqooyiga dalkaas halkaas oo ciidamada federaalka ay kula dagaalameen fallaagada Tigray labadii sano ee la soo dhaafay.

Dadka ku nool magaalada ayaa hadda si buuxda ugu riyaaqay tallaabadani ka dib muddo ka badan hal sano oo ay koronto la’aan ahaayeen, sida ay BBC-da u sheegeen idadka ku sugan magaalada. “Korantadu waxay magaalada ka shidnayd ilaa shalay (Talaada),” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Warbaahinta Fana ee ay dawladdu leedahay ayaa laga soo xigtay af-hayeen u hadlay Wakaaladda Korontada ee Itoobiya (EEP) oo sheegay in korontadii dib loo soo celiyay ka dib markii dayactir lagu sameeyay khadka korontada.

Shirkadda isgaarsiinta ee Ethio Telecom ayaa sidoo kale dib u soo celisay adeegyadii magaalada Shire iyo deegaanada ku xeeran. Qoysaska ku nool dalka dibaddiisa ayaa BBC-da u sheegay sida ay ugu dambeyntii u suurtagashay in ay wacaan eheladooda labo sano kadib.

Tahriibayaal doonayay inay si la yaab leh ku galaan Spain oo la qabtay

0

Koox ka kooban 28 qof ayaa ka baxsaday diyaarad kaddib markii ay si deg deg ah u caga dhigatay garoonka El Prat ee magaalada Barcelona ee dalka Spain.

Sababta keentay inay diyaaraddu deg deg u caga dhigatay ayaa la sheegay inay ahayd kaddib markii haweeney uur leh oo la socotay duullimaadka oo ahaa Morocco-Turkey ay iska dhigtay inay fool qabatay.

Booliiska ayaa qabtay dadkan baxsaday oo ay ku jirto haweeneyda, waxaana loo maleynayaa inay doonayeen inay si sharci darro ah ku galaan Spain.

Arrin tan la mid ah ayaa sanadkii hore ka dhacday dalkaas.

Kooxda ayaa ka booday diyaaradda isla markii ay furmeen albaabbada.

Haweeneyda ayaa loo qaaday isbitaal iyadoo kaddibna la ogaaday inaysan heyn fool.

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo maanta Magalada Garoowe ka daah-furay shirweynaha arrimaha Diinta ee Puntland

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa furay shirweynaha Arrimaha diinta ee Puntland, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Puntland ayna ka qeybgaleen Culimaa’udiinka iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda ee ku shaqo leh Arrimaha Diinta, Cadaaladda, Garsoorka, Amniga, Caafimaadka iyo Haweenka.

Madaxweynaha Puntland ayaa boggaadiyey labada qodob ee ugu weyn ee looga hadlayo inta Kulanka socdo, kuwaasi oo kala ah Nidaaminta iyo Horumarinta Dugsiyada Quraanka iyo La dagaalanka Maandooriyaha iyo Anshax xumada, wuxuuna ku baraarujiyey Wasaaradda iyo Culimaa’udiinka in la joogteeyo Kulamada noocan oo kale ah.

Madaxweyne Deni wuxuu la wadaagay Bulshada in Shirarkan iyo Kuwa la midka ah ay qeyb ka yihiin in la ballaariyo tallada Dalka oo laga qeybgeliyo Bulshada kala duwan, waana sababta loo rabo in Dalka uu u guuro nidaamka Xisbiyada badan oo tallada dalku ay noqoto mid dadka oo dhan ka dhexeysa qof walbana uu Xaq u helo in la dooran karo ama uu wax dooran karo.

Culimaa’udiinka Munaasabadda ka hadlay waxay ku tilmaameen kulkan kii ugu horeeyay ee noociisa ah baahi weyna loo qabay, laguna horumarin karo dugsiyada Quraanka iyo Sidii looga hortegi lahaa maandooriyaha iyo dhaqamada xun. Waxay Madaxweynaha uga mahadceliyeen wadashaqeynta joogtada ah iyo ahmiyada uu siinayo doorka culimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaasi kula kulmay dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la wadaagay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle guulaha ay ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab, xasillinta dalka iyo adkeynta dowladnimada ayaa uga mahad celiyay nafhurnimada iyo garab istaagga walaalnimo ee ay dowladda Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil walaal u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilliga adag ee uu socda howgalka dib u xoreynta dalka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geello oo bogaadiyay natiijooyinka wanaagsan ee laga gaaray dagaalka Khawaarijta ayaa xusay in dowladda Jabuuti ay sii wadidoonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si looga adkaato kooxaha argagixisada ah ee caqabada ku ah nabadda iyo horumarka gobolka.

Deegaanka Ciid-Ciidka ee Jiinka Wabiga ayay Maanta u daateen Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka waxaana ay gudaha u galeen keymo ay Khawaarijtu gabaad ka dhigan jireen.

0

Khawaarijtu markii ay waayeen si ay u kala asturaan Maydadka xubnaha looga laayay Howlgalada ciidanka Qaranka ay ka wadaan Shabeellaha Dhexe waxay ku shubeen Godad Waawayn, ayaga oo aanan kala saarin.

Waxaa la arkayay Askarta ciidanka Xoogga Dalka oo Sanka ka qabsaday urta Maydadka Khawaarijta maanta markii ay gaareen dhulka Howdka ah ee ku yaala degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

https://www.facebook.com/sntvdaljir/videos/1558616567898349https://www.facebook.com/sntvdaljir/videos/1558616567898349https://www.facebook.com/sntvdaljir/videos/1558616567898349

https://www.facebook.com/sntvdaljir/videos/1558616567898349

Ciidamada XDS oo Howgal ka sameeyey deegaano katirsan gobolka galgaduud

0

Abaanduulaha Ururka 71aad ee Guutada 15aad Dhamme Mustaf Dahir Warsame ayaa hogaamiyey Ciidan katirsan Guutada kuwaas oo howlgal Saf balaaran ah kutagay deeganada kala ah Sina dhaqo, Labi dulle, xin xawaal iyo tuulo Cali Qobo oo ay argagixisadu ku duumalaysanaysay.

Ciidamada ayaa bur buriyey Fariisimihii kooxdaas waxayna ciidanku baacsadeen maliishiyaadkii kooxda Khawrijta ah oo firxaday kadib markii ay maqleen howlgalkan culus ee ay ciidanku wadaan.

Ciidanka xooga dalka gaar ahaan kuwa Guutada 15 aad ayaa maalmahaan xoojiyay howlgalada lagu soo afjarayo kooxda Khawaarijta ah ee ku duumaalaysanayso deegaano hoos taga degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud.

Duqa magaalada Beledweyne Maama Nadar Tabaax Maalin oo dhiirigalin u sameeysay ciidanka deegaanka ee ku sugan furumaha jiinka webiga Shabelle

0

Duqa Magaalada Beledweyne Maama Nadar Tabaax Maalin ayaa dhiirigalin u sameeysay ciidanka deegaanka ee ku sugan furumaha jiinka webiga Shabelle.

Maama Nadar Tabaax ayaa xoolo ku wareejisay saraakiisha ciidanka deegaanka, waxaana sidoo kale aay kormeertay goobaha aay ku suganyihiin ayadoo dhageeysatay baahiyaha ay qabaan.

Duqa Beledweyne Nadar Tabaax ayaa booqotay deegaanada Baardheere, Beerxaano, Tarashante iyo deegaanka Bur-daar oo dhamaan aay ku suganyihiin ciidanka deegaanka.

Duqa Beledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa ciidanka ku dhiirigalisay howsha adag ee aay u hayaan dadkooda, waxaana aay sheegtay in marwalba aay garab taagantahay.