Home Blog Page 481

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa ka qeyb galay kulan ay Hey’adda Heritage kusoo bandhigeysay cilmi baaris ay ka sameysay Caasimadda JFS ee Muqdisho.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa ka qeyb galay kulan ay Hey’adda Heritage kusoo bandhigeysay cilmi baaris ay ka sameysay Caasimadda JFS ee Muqdisho.

Cilmi baaristaan oo ka koobneyd Lix qodob ku aadan Siyaasada, Amniga, Dhulalka, Nidaamka magaalada, Dhallinyarada iyo Deegaanada aan rasmiga aheyn ayaa madasha lagu soo bandhigayay waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh), Aggaasimayaal, Aqoonyahano iyo ururada bulshada Rayidka.

 

FGS WEEKLY BRIEFING.

0

FGS WEEKLY BRIEFING.

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadka Muqdisho, Arbaco 01, Maarso 2023

0

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadka

Muqdisho, Arbaco 01, Maarso 2023

1- Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Midowga Yurub kala hadley in la taageero qorshaha xasilinta goobaha laga saarey Khawaarijta, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay muhiimad siineyso oo ah degaanadaasi degdeg loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

2- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay dardar galinta mashaariicda ka socda dalka, laguna soo bandhigay warbixin la xiriirta barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

3- Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa adeeg waxbarasho ka hirgelineysa degaanka Janay Abdalla ee Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa mashruucan uu qeyb ka yahay barnaamijka xasilinta ee dagaannada laga xureeyay Khawaarijta.

4- Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta oo ku yaalla Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

5- Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa qabsadey degaanno kala duwan oo ku yaalla HirShabelle iyo Galmudug, halkaasina ku dilay tiro badan oo ka mid ah Khawaarijta.

6- Hawlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka toddobaadkan waxaa Khawaarijta looga dilay in ka badan 200 oo dhagar qabe oo ay ku jiraan horjoogeyaal sare. Waxaa xusid mudan in mar kale Ciidanka XDS oo kaashanaya shacabka iyo saaxiibada caalamiga ay hawlgaladooda ku baahiyeen Banaadir, HirShabelle, Koonfuur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug.

7- Godad ay ku dhuumanayeen Khawaarijta degaanno ka tirsan Hirshabelle ayay Ciidanka XDS gacanta ku soo dhigeen. Tallaabadan waxay ka dhigan tahay in ay sii dhammaanayaan tabaha dagaalka ee Khawaarijta oo goob kasta oo ay galaan amaba ay isku qarinayaan ay Ciidanka XDS uga daba tegayaan.

8- Soomaaliya ayaa toddoobadkan saanad ciidan oo muhiim u ah dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab ka guddoontay Dowladda Mareykanka.

9- Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo xoojinaya amniga caasimadda ayaa gacanta ku soo dhigay saddex xubnood oo ka tirsan Al Shabab oo maleegayay falal amniga ka dhan ah.

10- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale diginin u dirtay qeybaha kala duwan ee Ciidammada Qalabka Sida inay ilaaliyaan anshaxa gudashada waajibaadkooda, isla markaana DFS ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto ciddii lagu helo inay geysaneyso xadgudubyo ka baxsan waajibaadkooda shaqo.

11- Dowladda ayaa toddobaadkan xirtey ciidan lagu soo eedeeyay inay rasaas ku fureen Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid iyo dad rayid ah oo marayey degaanka Siinaay ee magaalada Muqdisho.

12- Golaha Ammaanka ee QM oo soo dhoweeyay horumarka laga sameeyay dagaalka DFS ay kula jirto Khawaarijta, xiriirka wanaagsan iyo wadashaqeyn ee ka dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, iyo weliba horumarka laga sameynayo Deyn Cafinta.

13- Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa daah furtay tartanka Hirgeli Hibadaada oo suugaanleyda ay ku soo bandhigi doonaan suugaanta ku saabsan wadaniyadda, maslaxadda Ummadda Soomaaliya, tilmaamidda hagardaamada khawaarijta.

14- Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa daah-furay imtixaanka macallimiinta ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha ee XFS.

15- Wasaaradda Qorsheynta ee XFS ayaa daah furtay Shir weynaha Xalka Waara ee heer Qaran

halku-dhigiisuna yahay Tayeynta iyo Isku-Dubaridka wax ka qabashada barakaca, iyadoo loo marayo xal hormarineed.

16- Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilad Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xariirta fuustooyin aan la aqoon waxa ku jira oo lagu arkay xeebaha Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabelle. Dowladda ayaa baaritaan arintaas kui saabsan bilowday   

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

0

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo Safaaradda Shiinaha kala wareegay Gargaar loogu talo galay dadka Soomaaliyeed ee danta yar

0

Dowladda Shiinaha ayaa Maanta Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaran ee SoDMA ku wareejisay 1,069 ton oo Gargaar Raashin ah,taas oo ay ugu talo galeen iney ku caawiyaan qoysaska Soomaaliyed ee coladaha iyo abaaraha saameeyeen.

Sirdoonka Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka oo horjoogayaal Khawaarij ah ku dilay howlgal ka dhacay Gobalka Hiiraan

0

Inta la xaqiijiyay 10 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo ay ku jiraan Horjoogayaal ayaa lagu dilay howlgal ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen Deegaanka Buurweyn oo 23 KM Waqooyi Galbeed ka xiga Degmada Jalalaqsi.

Booliska Soomaaliyeed oo gacanta ku dhigay eedeysane dhaawac u geystay wade Mooto Bajaaj

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen eedeysane dhaawac u geystay wade mooto Bajaaj xilli uu marayay agagaarka laami yaraha Zope ee magaalada Muqdisho.

“Ciidanka Boliiska Soomaalyeed, ayaa gacanta ku haya eedeysanaha, waxaana ku socota baaris, waxaa dhawaan la horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh si uu cadaaladda u wajaho” ayuu yiri Afhayeenka Boliiska Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in maanta abaare 10:30 Barqanimo, Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, Waaxda General Daa’uud, agagaarka laami yaraha Zobe lagu dhaawacay, Cabdishakuur Cabdullaahi Cabdi oo wade ka ahaa Mooto Bajaaj M9C 398, Wiilkaan oo 23 Jir ah ayaa la sheegay inuu degganaa degmada Warta nabadda, waxaana gar gaar Caafimaad u fidiyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Baarlamanka Hirsbabelle ahna Kusimaha Madaxweynaha oo kormeeray isbitaalka guud ee balcad

Balcad: 28, Feberaayo, 2023 Guddoomiyaha Baarlamanka Hirsbabelle ahna Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle oo maalmahan howla shaqo u joogo Magaalada Balcad ayaa kormeer kutagay Isbitaalka Guud ee Degmada Balcad.

Guddomiyaha Baarlamanka oo ay wehliyaan labada Gole ee Dowladda Hirshabelle, maamulka Degmada, saraakiisha qeybahooda kala kuwadan oo guur galaya xaalada Degmada Balcad ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka guud ee degmada Baclad.

Maamulka iyo dhaqaatiirta isbitaalka ayaa warbixin kasiiyey Gudoomiyaha Baarlamanka xaalada isbitaalka, baahiyaha uu isbitaalka qabo iyo adeega ay bulshada siiyaan.

Guddomiyaha Barlamanka Hirshabelle ayaa faray wasaarada Caafimaadka Hirsahbelle inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu jawaaban baahiyaha isbitaalka.

Intaas kadib Guddoomiyaha ayaa kormeer ku tagay dhismaha waddada laamiga oo mareeyso heer gabo gabo ah wajiga koowaad ee Muqdisho iyo balcad iyadoo mardhaw la bilaabi doono dhismaha wajiga labaad ee Balcad iyo jowhar.

Ugu dambeyn kusimaha madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle aya bogaadiyey maamulka degmada balcad sida wanaagsan ay ugu adeegayaan bulshada magaalada.

Muqdisho Maalintii Labaad Waxaa ka socda shirweynaha xalka waara ee heer qaran

0

Waxa Maalinti Labaad Magaalada Muqdisho ka socdo Shir weynaha Xalka Waara ee heer Qaran, kaso halku-dhigiisuna yahay Tayeynta iyo isku-dubbaridka wax ka qabashada barakaca, iyadoo loo marayo xal hormarineed,

Shirkan oo ay goob jog u yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS Qaar kamid ah Wasiirada Qorsheynta Dowlad goboleedyada dalka Madax ka socotay Qaar kamid ah Safiirada dadlka midowga Yurub ka jooga Soomaaliya’ UN ka iyo Urur goboleedka IGAD’ ganacsato iyo Ururada Bulshada rayidka ayaa ujeedkiisu yahay Sidii Xal loogu heli lahaa Dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Soomaaliya.

Kulan sagootin ah oo xalay muqdisho loogu sameeyay wafdi ka socday ururka Iskaashiga waddamada Islaamka

0

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo xiriirka Caalamiga ah ee XFS, Abshir Jaamac Huruuse ayaa sheegay in xalay ay kulan casho sagootin ah u sameeyeen wafdi ka socday ururka Iskaashiga waddamada Islaamka oo soo  gabagabeeyay booqasho sadex maalmood ah oo ay dalka ku joogeen, iyagoo intii ay dalka ku sugnaayeenna booqday xarumo dowladdeed oo kala duwan.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Danjire Yousef Muhammad Aldobeay ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah Madaxda sar sare ee dalka, iyagoo u kuurgalay saamaynta ay reebeen abaarihii dalkeenna ka dhacay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Wasiir Huruuse ayaa sheegay in qodobbada ugu muhiimsan ee ajandaha shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda wadamada Islaamku ku yeelan doonaan waddanka Muritaaniya bisha soo socota ee Maarso ay ka mid yihiin taageeridda dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo colaaduhu saameeyeen iyo in Soomaaliya loo muujiyo garab istaag dhab ah.

“Qodobada ugu muhiimsan ee ajandaha shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda  wadamada Islaamku ku yeelan doonaan waddanka Muritaaniya bisha soo socota ee Maarso waxaa ka mid ah taageeridda dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo colaaduhu saameeyeen”.