Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS oo tababar u soo xiray qaar ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada

Date:

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Magaaladda Belgrade ee dalka Serbia tababar ugu soo xiray qaar ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada iyo Madaxweynaha JFS.

Munaasabadda Xiritaanka waxaa goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia Mudane Bratislav Gasić, Danjiraha JFS u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Saraakiil ka tirsan Dugsiga Tababarka Ciidamada gaarka ah Marshal Josip Broz Tito.

Askarta Tababarka loo soo xiray ayaa gaarayay 60-Askari oo isugu jiray Saraakiil, Saraakiil xigeeno, Dabley iyo Alifley kuwaas oo qaatay Tababar heer Sare oo ku saabsan Amniga Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Dowladda Serbia uga mahadceliyay garab istaaga iyo Taageerada ay u muujisay Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...