Home Blog Page 47

Raโ€™iisulwasaare Xamse: In ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ayaa xoolahoodii ku waayay abaarta jirta

0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo xalay hadal ka jeediyey madal lagu xusayey guulaha laga gaaray ka qayb galka shirkii isbeddelka cimilada adduunka ayaa sheegay in abaarta ka jirta dalka ay saameyn ballaaran ku yeelatay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in ku dhowaad 7 milyan oo qof ay xoolahoodii ku waayeen xaaladda adag ee abaaraha.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in abaartu ay si gaar ah u saameysay bulshooyinka ku tiirsan xoolaha nool, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka iyo nolosha miyiga. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xaaladdu u baahan tahay gurmad degdeg ah oo mideysan.

โ€œ7 milyan oo Soomaali ah ayaa xoolahoodii ku waayay abaarta jirta, waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay u gurmadaan dadka dhibaataysan,โ€ ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaaruhu.

Sidoo kale, Raโ€™iisul Wasaare Xamse ayaa ugu baaqay ganacsatada, culimada, qurba-joogta iyo hayโ€™adaha samafalka inay kaalin mug leh ka qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saameysay, si loo yareeyo saameynta baโ€™an ee ka dhalatay biyo laโ€™aanta iyo daaq laโ€™aanta.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado dadaallo lagu xoojinayo gurmadka baniโ€™aadannimo, isla markaana ay la shaqeynayso hayโ€™adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah si loo gaarsiiyo gargaar degdeg ah meelaha ay dhibaatadu sida gaarka ah u saameysay.

Raโ€™iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka

0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii iyo natiijooyinkii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo hooysay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada Adduunka ee COP30 oo ka dhacay dalka Brazil.

Munaasabaddan, ayaa lagu soo bandhigay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan dadaallada dowladda ee ku aaddan saameynta isbeddelka cimilada, mashaariicda dib-u-soo-kabashada deegaanka, qorshayaasha yaraynta fatahaadaha iyo fursadaha maalgelinta deegaanka.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey doorka firfircoon ee wafdiga Soomaaliya ay ka qaateen doodaha caalamiga ah, isaga oo xusay in Soomaaliya ay markan dunida u gashay gorgortan dhab ah oo ku aaddan helitaanka Maalgelinta Cimilada (Climate Finance) iyo magdhowga khasaaraha ka dhasha Isbeddelka Cimilada ee ay sameeyaan dalalka horumaray.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay samaysay wasaarad gaar u ah arrimaha deegaanka si xal loogu helo saamaynta abaaraha iyo isbeddelka cimilladq, taasi oo ka tarjumaysa mudnaanta ay dowladda siisay arrimaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed xilligan ay wajahayaan abaar aad u adag oo loo baahanyahay in loo kaco sidii gurmad loo gaarsiin lahaa sidii xaaladda baโ€™an ee ay ku jiraan bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal ugu jirtaa gurmadka dadka tabaalaysan iyada oo dowladdu ay samaysay Sanduuq lagu uruuriyo dhaqaalah loo qorsheeyay gurmadka abaaraha, iyada oo Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, uu la kulmay safiirrada dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay madaxda dalalka iyo heyโ€™adaha caalamiga in ay gacan ka gaystaan arrimaha taagan.

Ugu dambayn, Raโ€™iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay culimada, ganacsada iyo samafalayaasha Soomaaliyeed in ay ka qeyb-qaataan sidii ay dadka Soomaaliyeed ee duruufaha qalafsan ku jira loo gaarsiin lahaa gurmad iyo taakulo.

Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga

0

Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay ee Talyaaniga iyo Afrika waxaa lagu guddoomiyay in laga gudbo hannaanka iskaashiga soojireenka ahaa, lana yagleelo iskaashi ku saleysan arrimaha hortabinta u leh Afrika iyo in Afrika ay iyadu goโ€™aamiso masiirkeeda.

Marka laga ambaqaado aragtideenna, iskaashiga Talyaaniga iyo Afrika waxa uu jidaynayaa ahmiyadda ay leedahay maalgelinta kaabayaasha halbowlaha ah ee horseedaya xasillooni iyo koboc dhaqaale oo waara.

Waxyaabaha hortabinta u leh Soomaaliya waa kuwo cad: xoojinta gegsiga bulshada, inaan dhallinyaradeenna u abuurno fursado shaqo, helitaanka cunto bulshada ku filan, iyo inaan dhaqaalaheenna ku xirno suuqyada heer gobol iyo heer caalami.

Horumarka ay Afrika ku tallaabsanayso waa inay saldhig u tahay ilaalinta gobonnimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee dalalka, si waafaqsan mabaadiiโ€™da Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Mabaadiiโ€™dani ma aha kuwo la tiigsado oo kali ah; waa waajibaad sharci ah oo goโ€™aaminaya badqabkeenna. Tallaabooyinka ay sida goonida ah Israaโ€™iil ugu beegsatay madaxbannaanideenna waxay si toos ah u wiiqayaan nidaamka caalamiga, waana inaan si adag isaga diidnaa.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika inay iska diidaan nooc kasta oo faragelin dibadeed oo wiiqaysa sharciga caalamiga ah, xasaradna ka abuuraysa gobolka, isla markaana dhaawacaysa kalsoonida u dhaxaysa wadammada.

Maadaama nabadda iyo horumarku aysan kala harin, Soomaaliya waxay ahmiyad gaar ah siinaysaa iskaashiga amniga ee u dhexeeya Talyaaniga iyo Afrika. Waxaan si gaar ah uga mahadnaqaynaa taageerada Talyaaniga ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay xoojiso iskaashiga kala dhexeeya Talyaaniga iyo dhammaan bahwadaagta qaybta ka ah Qorshaha Mattei, iyadoo qorshahaas lagu hagayo kalsooni, xilkasnimo, dan-wadaag iyo aragti mideysan oo ku wajahan Afrika oo barwaaqo ah.

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay shir madaxeedka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Shir Madaxeedka labaad ee Talyaaniga iyo Afrika oo ay martigelisay Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya.

Shir madaxeedkan ayaa looga hadlayay xoojinta dadaallada iskaashiga iyo kobcinta xiriirka dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Talyaaniga iyo dalalka Afrika, iyadoo wadahadalladu diiradda saarayaan ganacsiga, maalgashiga, tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, iyo hal-abuurka.

Federal Government of Somaliaโ€™s Weekly Briefing Mogadishu

0

1- President Hassan Sheikh Mohamud has hailed the historic achievement of Somalia securing a seat on the African Union Peace and Security Council for the period 2026โ€“2028.

2- President Hassan Sheikh Mohamud sent a heartfelt condolence to the family, relatives, and the Somali medical community on the death of Dr. Omar Adan Adde, who was among the leaders of the country’s health sector.

3- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a high-level delegation from the United Kingdom led by the Minister for International Development and Africa, Lady Jenny Chapman.

4- President Hassan Sheikh Mohamud thanked the President of Egypt for the noticeable role his government plays in supporting unity, sovereignty, and the building of Somaliaโ€™s state institutions.

5- President Hassan Sheikh Mohamud and President Abdel Fattah el-Sisi jointly held a press conference highlighting the historical relationship between Somalia and Egypt, cooperation in security and development, and their shared vision for regional stability and peace.

6- The Egyptian Ministry of Defense presented to President Hassan Sheikh Mohamud the forces prepared to participate in the African Union mission AUSSOM.

7- President Hassan Sheikh Mohamud, in Doha, Qatar, held productive meetings with various officials of the country, discussing enhancing cooperation in security, economy, and politics.

8- Prime Minister Hamza Abdi Barre hosted Iraqi Ambassador to Somalia Dr. Qahtan Taha Khalaf Al-Janabi, and they discussed strengthening historical relations and bilateral cooperation.

9- Prime Minister Hamza Abdi Barre inaugurated the new Arimas Terminal Lounge at Aden International Airport.

10- Prime Minister Hamza Abdi Barre, during an urgent inspection of Aden Airport, ordered that the health vaccination card provided by the Ministry of Health be made free of charge, following a public complaint.

11- Prime Minister Hamza Abdi Barre met with Germanyโ€™s State Minister for Economic Cooperation, Niels Annen, and they discussed in depth the interests of both countries.

12- Prime Minister Hamza Abdi Barre launched the 3rd National Education Conference, focusing this year on reforming and upgrading the national education system, developing the curriculum, enhancing teachersโ€™ skills, and expanding educational opportunities.

13- Deputy Prime Minister of Somalia, Salah Ahmed Jama, closed the Somali Language Academy conference (AGA) held in Mogadishu.

14- Members of both houses of the Parliament of the Federal Republic of Somalia concluded the debate on Chapter Five of the Provisional Constitution (Draft Constitution).

15- The Federal Republic of Somalia warmly welcomed Sudanโ€™s decision to return to IGAD (Intergovernmental Authority on Development).

16- The Federal Republic of Somalia reaffirmed its global diplomatic weight after being elected as a member of the African Union Peace and Security for the 2026โ€“2028 term.

17- Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Abdisalam Abdi Ali, participated in a ministerial meeting at AU PSC in Addis Ababa, focusing on AUSSOM operations and the situation in Sudan.

18- The Chairperson of the Supreme Court, Bashe Yusuf Ahmed, opened the 8th National Judiciary Conference.

19- Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Abdisalam Abdi Ali met with Kenyaโ€™s Foreign Affairs and Diaspora Minister Hon. Musalia Mudavadi in Addis Ababa.

20- Minister of Justice and Constitutional Affairs Hassan Moalim Mohamud held a meeting with Algeriaโ€™s Prime Minister Sifi Ghrieb, focusing on judiciary, justice, and mutual exchange of experiences.

21- Minister of Defense Ahmed Moalim Fiqi met in Riyadh with Azerbaijanโ€™s Defense Industry Minister Vugar Mustafayev during the World Defence Exhibition 2026.

22- Minister of Information, Culture and Tourism H.E. Daud Aweis Jama closed a workshop on government communications procedures during emergencies, emphasizing the importance of unified messages grounded in reliable information.

23- Minister of Justice and Constitutional Affairs Hassan Moalim Mohamud visited the Supreme Court of Algeria following the signing of a Memorandum of Understating to strengthen judicial cooperation.

24- Minister of Petroleum and Minerals Dahir Shire Mohamed met in Johannesburg with global investors, including the Empire Investment Bank (China) and the President of the Chamber of Commerce of South Africa, Adv. Mtho Xulu.

25- Minister of Education Farax Sheikh Abdulqadir spoke at the 3rd National Education Conference stating that they have extended education services to liberated areas formerly controlled by extremists.

26- Minister of Education, Heritage and Higher Education Farax Sheikh Abdulqadir, addressing the 3rd National Education Conference, highlighted tangible achievements in expanding education services, especially in recently liberated areas from extremist groups.

27- Minister of Justice and Constitutional Affairs Hassan Moalim Mohamud held a fruitful meeting with Turkeyโ€™s Minister of Justice, Hon. Yฤฑlmaz Tunรง, discussing justice and judiciary cooperation between the two nations.

28- Somali Minister of Defense Ahmed Moalim Fiqi, at the Islamic Military Counter-Terrorism Coalition (IMCTC) headquarters in Saudi Arabia, met with the Secretary-General, General Mohammed bin Sadi Al-Moghedi.

29- Ministers of Justice and Constitutional Affairs Hassan Moalim Mohamud and Algeriaโ€™s Minister Lotfi Boudjemaa signed a bilateral agreement in Algiers to strengthen cooperation in justice and law between the two countries.

30- The Ministries of Education, Heritage and Higher Education and the Ministry of Higher Education and Scientific Research of Djibouti officially signed a Memorandum of Understanding to boost cooperation in higher education and research.

31- Minister of Health and Social Welfare Ali Haji Aadan held a productive meeting in Geneva with the Director-General of the World Health Organization (WHO), Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus.

32- The National Electoral Commission delivered voter registration equipment for the local council elections to Jalalaqsi district in Hiiraan region.

33- Minister of Trade and Industry Jamal Mohamed Hassan inaugurated in Nairobi the Somalia-Kenya Trade Week, showcasing investment and business opportunities between the two countries.

34- Minister of Information, Culture and Tourism Daud Aweis Jama, on a working visit to Qatar, visited the Al Jazeera Media Institute in Doha and held bilateral discussions with Institute Director Eman Al Amri.

35- Minister of Defense Ahmed Moalim Fiqi signed a military cooperation agreement with Saudi counterpart Prince Khaled bin Salman, enhancing defense and military cooperation.

36- Minister of Defense Ahmed Moalim Fiqi attended the opening of the Riyadh Defense Exhibition.

37- The Secretary-General of the National Intelligence and Security Service (NISA), Mahad Mohamed Salad, participated in the 7th meeting of Arab Intelligence Agencies chiefs, focusing on cooperation, collaboration, and information exchange among Arab intelligence services.

38- Somaliaโ€™s Ambassador to Kenya Jibril Ibrahim Abdulle attended the annual diplomatic gathering at Kenyaโ€™s State House hosted by President William Ruto, focusing on strengthening international relations in the new year.

39- Permanent Secretary of the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of Somalia, Hamza Aden Hadow, officially broke ground on the ambassadorial residence construction at the Somali Embassy in Dar es Salaam.

40- The National Telecommunication Agency (HIQ) and the Turkish Information and Communication Agency (BTK) signed a Memorandum of Understanding to strengthen cooperation in electronic communications.

41- The Director-General of the Somali Civil Aviation Authority (SCAA), Ahmed Moalim Hassan, provided further details about an aviation accident at Mogadishuโ€™s Aden Adde International Airport.

42- The Commander of the Somali National Army, General Ibrahim Mohamed Mohamud, met with the U.S. Embassyโ€™s Deputy Defense Official in Somalia, Col. Wills.

43- The Commander of the Somali National Army, General Ibrahim Mohamed Mohamud, formally inspected the Turkish naval vessel TCG Sancaktar as it docked at the port.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

0

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay kuna bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed, guusha taariikhiga ah ee dalkeennu ku hantey kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, muddada 2026โ€“2028.

2- Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan bahda caafimaadka Soomaaliyeed, ee uu ka geeriyooday Dr. Cumar Aadan Cadde oo ka mid ahaa hormuudka caafimaadka dalka.

3- Madaxweynae Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika Marwo Jenny Chapman.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Masar doorka muuqda ee ay dowladdiisu ka qaadanayso taageerada midnimada, madax-bannaanida, iyo dhismaha hayโ€™adaha dowladeed ee Soomaaliya.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdulfataax Alsiisi oo siโ€™ wadajir ah qabtay shir jaraa’id oo ay ku soo bandhigeen muhiimadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Masar, iskaashiga dhinacyada amniga, horumarka iyo aragtida wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadda gobolka.

6- Wasaaradda Gaashaandhigga Masar ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u soo bandhigtay ciidamada ay u diyaarisay inay ka qeyb galaan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Doha ee Qatar kulamo miro dhal ah kula yeeshay masโ€™uuliyiinta kala duwan ee dalkaasi, isaga oo kala hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

8- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Ciraaq u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr. Qahtan Taha Khalaf Al-Janabi,iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal.

9- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Terminaalka cusub ee Arimas, oo laga hirgeliyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

10- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kormeer degdeg ah ku tagay Garoonka Aadan Cabdulle, ayaa amray in gabi ahaanba uu lacag laโ€™aan yahay kaarka caafimaadka ee ay bixiso Wasaaradda Caafimaadka, kadib markii ay soo gaartay cabasho ka timid shacabka Soomaaliyeed.

11- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha e Jarmalka, Niels Annen. Iyagoo si qoto dheer uga wada hadlay danaha ka dhaxeeya labada dal.

12- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka, oo sannadkan diiradda lagu saaray dib-u-habaynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada dalka, horumarinta manhajka, kobcinta xirfadaha macallimiinta iyo ballaarinta fursadaha waxbarasho ee dalka.

13- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo soo xiray shirkii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA.

14- Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay ka doodista Cutubka Shanaad ee Dastuurka KMG ah.

15- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhaweysay goโ€™aanka ay Dowladda Jamhuuriyadda Suudaan dib ugu soo noqotey Urur-Goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD).

16- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay miisaankeeda diblomaasiyadeed ee caalaamka, kadib markii loo doortay inay xubin ka noqoto Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga muddada u dhaxeysa 2026 ilaa 2028.

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cali , ayaa magaalada Addis Ababab uga qeybgaley shirka heer wasiir ee Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika (AU PSC), kaas oo diiradda lagu saaray hawlgalka AUSSOM iyo xaaladda Suudaan.

18- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, ayaa furay Shirka 8aad ee Garsoorka dalka.

19- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Kenya, Mudane Dr. Hon. Musalia Mudavadi.

20- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Raโ€™iisul Wasaaraha Aljeeriya, Mudane Sifi Ghrieb,iyadoo kulanka diirrada lagu saaray dhinacyada garsoorka, caddaaladda iyo is-dhaafsiga khibradaha.

21- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Riyaad kulan kula yeeshay Wasiirka Warshadaha Difaaca ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Vugar Mustafayev, intii uu socday Bandhigga Difaaca Adduunka 2026.

22- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac, ayaa soo xiray aqoon-isweydaarsi diiradda lagu saarayay habraaca xiriirka hayโ€™adaha dowladda, inta lagu guda jiro xaaladaha degdegga ah,isagoo xusay in dowlada mudnaan siineysa Mideynta Farriimaha oo xambaarsan xog sugan.

23- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud ayaa booqday Maxkamadda Sare ee dalka Aljeeriya , kadib saxiixii heshiiska is-afgaradka ee lagu xoojinayay iskaashiga garsoorka iyo caddaaladda labada dal.

24- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire Maxamed, ayaa magaalada Johannesburg kulan la yeeshay maalgashadayaasha caalamiga ah, oo isugu jiray madaxda bankiga Empire Investment Bank ee dalka Shiinaha iyo Madaxweynaha Rugta Ganacsiga ee dalka Koonfur Afrika, Adv. Mtho Xulu.

25- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka hadlay Shirweynaha 3-aad ee Waxbarashada Qaranka ayaa sheegay in ay gaarsiiyeen adeegyada waxbarashada goobihii laga xorreeyey Khawaarijta .

26- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo ka hadlayay Shirweynaha 3-aad ee Waxbarashada Qaranka, ayaa soo bandhigay guulaha la taaban karo oo laga gaaray ballaarinta adeegyada waxbarashada dalka, gaar ahaan deegaannada dhawaan laga xoreeyey kooxaha argagixisada.

27- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Cadaaladda Turkiga, Mudane Yฤฑlmaz Tunรง,iyagoo kawada hadlay dhinacyada cadaaladda iyo garsoorka ee labada dal.

28- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xarunta Isbahaysiga Waddamada Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC) ee ku taal Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kula kulamay Xoghayaha Guud ee xarunta, Jeneraal Maxamed bin Saciid Al-Moghedi.

29- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud iyo Wasiirka Cadaaladda dowladda Aljeeriya mudane Lotfi Boudjemaa ayaa magaalada Algiers ee dalka Aljeeriya ku kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada garsoorka iyo caddaaladda labada dal.

30- Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si rasmi ah u kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada tacliinta sare iyo cilmi baarista.

31- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Cali Xaaji Aadan, ayaa magaalada Geneva kulan miro-dhal ah kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus.

32- Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan gaarsiiyay qalabka isdiiwaangelinta doorashada golaha deegaanka.

33- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa magaalada Nairobi ka daahfuray Bandhigga Todobaadka Ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee ka jira labada dal.

34- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daaโ€™uud Aweys Jaamac oo booqasho shaqo ku joogay dalka Qatar, ayaa booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Sare ee Warbaahinta Al-Jazeera ee magaalada Dooxa ,isagoo wada hadal iskaashi laba dhinac ah la yeeshay Agaasimaha Machadka Eman Al Amri.

35- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa heshiis iskaashi ciidan la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sucuudiga, Sumuwal Amiir Khaalid Bin Salmaan, waxaana heshiiskan lagu xoojinayaa iskaashiga dhinacyada difaaca iyo milateriga ee labada dal.

36- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Riyaad laga qeybgaleu furitaanka Bandhigga Difaaca Adduunka,oo ka furmay.

37- gaasimaha Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qaybgalay fadhiga 7-aad ee Shirka Madaxda Hayโ€™adaha Sirdoonka dalalka Carabta,oo looga hadlay wadashaqaynta, iskaashiga iyo xog isdhaafsiga Hayโ€™adaha Sirdoonka dalalka Carabta.

38- Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka qayb galay kulan sannadeedka diblomaasiyadda ee ka dhacay Madaxtooyada Kenya,oo uu martigeliyey Madaxweyne William Ruto, kaas oo looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah ee sannadka cusub.

39- Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xamsa Aadan Xaadoow, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha degaanka safiirka ee Safaaradda Soomaaliya ee Daar es Salaam.

40- Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Hayโ€™adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Tรผrkiye (BTK) ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad ah (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee isgaarsiinta elektaroonigga ah.

41- Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Mudane Axmed Macalin Xasan, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey shil diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

42- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamud ayaa kulan la yeeshay u qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Col. Wills.

43- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer rasmi ah ku tagay markabka dagaalka ee TCG SANCAKTAR ,oo ay leeyihiin Ciidamada Badda ee Jamhuuriyadda Turkiga, kaas oo ku soo xirtay dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo guddoomiyay shirka 6aad ee wasiirrada A3 ah

0

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, isaga oo ah Isu-duwaha Kooxda A3, ayaa guddoomiyay Shirkii lixaad ee Heerka Wasiirada A3.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Liberia, Marwo Sara Beysolow Nyanti; Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, Marwo Noรซlla Ayeganagato Nakwipone; Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka, Danjire Bankole Adeoye; iyo Kormeeraha Joogtada ah ee Midowga Afrika u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Mohamed Fathi Edrees.

Wasiirradu waxay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga goโ€™an tahay horumarinta mudnaanta iyo danaha Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyaga oo adkeeyay baahida loo qabo xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda u dhexeysa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika iyo Kooxda A3, si loo mideeyo codka Afrika loona kordhiyo saamaynteeda istaraatiijiyadeed ee heer caalami.

Wasiirada ayaa isla gartay muhiimadda midnimada Afrika oo ku dhisan aragti istaraatiiji ah oo cad iyo mabdaโ€™ wada-tashi ku saleysan, xilli ay jirto hubanti laโ€™aan sii kordhaysa oo ka jirta nidaamka caalamiga ah, iyaga oo ku baaqay in la dhowro lana xoojiyo nidaamka wada-jirnimada caalamiga ah (multilateralism).

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ADDIS-ABABA KAGA QEYB-GALAYA SHIRKA MADAXDA AFRIKA

0

Addis ababa, Febaraayo,13, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa kala qeyb galaya Hoggaamiyeyaasha Afrika Meertada 39-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika, isagoo xoojinaya dadaallada diblumaasiyadeed ee ku aaddan difaaca midnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la yeelan doonaa madaxda gobolka iyo kuwa Afrika ee Shirka ka qeyb-galaya, isagoo ku bogaadinaya, kuna adkaynaya mowqifka taariikhiga ah ee ay ka istaageen xadgudubka sharci darrada ah ee Israa’iil ay kula kacday midnimada Soomaaliya, ugana mahadcelinaya taageerida xubinnimada dalkeenna ee Golaha Ammaanka iyo Nabadda Afrika.

๐‘/๐– ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ d๐š๐šh-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐šย  ๐›๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐š โ€œ๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐จ๐จ๐›๐ค๐ข๐ข ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐šโ€.

0

Muqdisho, Khamiis, 12 Febraayo 2026: โ€“ Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga โ€œBaadigoobkii Nabadda Geeska Afrikaโ€, kaasi oo iftiiminaya dadaalladii kala dambeeyay ee lagu dhisayey dowladnimada Soomaaliya xilliyadii burburkii iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa xusay in nabadda Soomaaliya ay saameyn ku leedahay guud ahaan gobolka Geeska Afrika, isaga oo tilmaamay in kala qeybinta Soomaaliya ay halis ku tahay amniga iyo xasilloonida Gobolka, loona baahanyahay in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in Buuggan oo ku qoran luuqadda Soomaaliga uu mudnaan u leyahay bulshooyinka gobolka isaga oo boorriyey ahmiyadda ay leedahay in Gobolka Geeska Afrika la gaarsiiyo Luuqadda Soomaaliga, ayna mudnaan gaar ah siiyaan si loo ilaaliyo Dhaqanka, Afka iyo Diinteenna

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo dhiirrigalinaya Akhriska tagtadii shalay iyo taariikhihii kala duwanaa ee lasoo maray ayaa sheegay in bulshadooyinka wax akhriya ay marwalba aragti fog kasii yeeshaan waxyaabaha kusoo socda, isaga oo u mahadceliyay Qoraaga Buugga Danjire Maxamed Cabdi Afey, oo dadaal ku bixiyey uruurinta iyo curintiisa muhiimka ah.

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiskaย 

0

Muqdisho, Febaraayo 12, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika Marwo Jenny Chapman.

Madaxweynaha ayaa wafdiga la wadaagay guulaha muuqda ee Soomaaliya ay ka xaqiijisay dowlad-dhiska, ammaanka iyo geeddi-socodka dimuquraadiyadda, isagoo adkeeyey xiriirka istiraatiijiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo kobcinta maalgashiga.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada, la dagaallanka argagixisada iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Dhankeeda, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska Marwo Jenny Chapman ayaa adkeeysay sida Dowladda Ingiriisku ay uga goโ€™an tahay xoojinta iskaashiga dhow ee kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda.