Home Blog Page 46

Ra’iisulwasaare Xamse oo caawa tegay goobaha lagu nasto ee magaalada Dhuusamareeb

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga Dhuusamareeb, ayaa caawa tagey goobaha lagu nasto ee magaalada, isaga oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka muuqda ee ka hirgalay caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha, oo la caweeyey bulshadii uu la kulmay, ayaa kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan kaalinta uga aaddan adkaynta nabadda, kobcinta horumarka iyo xoojinta wadajirka bulshada.

Mudane Xamsa ayaa xusay in amniga iyo xasilloonida ka jirta Dhuusamareeb ay saldhig u yihiin horumarka dhaqaale iyo mid bulsho, waxa uuna ku ammaanay ganacsatada iyo shacabka magaalada sida ay uga qeyb qaadanayaan dib-u-dhiska iyo horumarinta caasimadda Galmudug.

Ciidanka Xoogga Dalka oo fashiliyay weerar Khawaarijta kusoo qadeen Wargaadhi.

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka, ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta ku soo qaadeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka difaaca iyo ka-hortagga ah ayaa lagu dilay horjoogihii hoggaaminayay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday, iyadoo sidoo kale la gaarsiiyey jab culus oo dhimasho iyo firxadba leh maleeshiyaadkii la socday. Ciidamada Qaranka ayaa hadda baacsanaya firxadka Khawaarijta, si loo ciribtiro hadhaadigii baxsaday.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu xaqiijinayaa in amniga deegaanka Wargaadhi si buuxda gacanta ugu jiro ciidamada, isla markaana uusan jirin wax khatar amni ah oo hadda taagan.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkeynayaan ballanqaadka go’an ee ciribtirka Khawaarijta, iyagoo uga digaya in fal kasta oo ay ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan amniga shacabka lagu wajihi doono jawaab adag oo degdeg ah.

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

0

1- The Federal Republic of Somalia expressed thankfulness to countries and international organizations for their support and full backing of safeguarding Somalia’s sovereignty, unity, and territorial integrity.

2- President Hassan Sheikh Mohamud and his Turkish counterpart, Mr. Recep Tayyip Erdoğan, held in-depth discussions in the city of Istanbul.

3- President Hassan Sheikh Mohamud met in Djibouti with the President of Djibouti, Mr. Ismaïl Omar Guelleh.

4- President Hassan Sheikh Mohamud held talks with presidents of the Federal Member States and the Mayor of Mogadishu, discussing the protection of the country’s unity and the prevention of violations against Somalia.

5- While engaged in national consultations to preserve the country’s unity and sovereignty, President Hassan Sheikh Mohamud met with senior officials representing the executive and legislative branches of the Benadir region.

6- President Hassan Sheikh Mohamud hosted the leaders of the 20 political organizations that participated in the historic local council elections for Mogadishu’s Benadir region, held on the 25th of this month.

7- President Hassan Sheikh Mohamud, in a speech to both houses of the Federal Parliament of Somalia, strongly rejected Israel’s violations against the Somali government and people.

8- President Hassan Sheikh Mohamud met at the presidential palace with former national figures and Somali politicians.

9- President Hassan Sheikh Mohamud engaged in a diplomatic consultation via telephone with Qatar’s Emir, Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani.

10- President Hassan Sheikh Mohamud conducted urgent diplomatic discussions by telephone with the presidents of Djibouti, Kenya, and Tanzania.

11- Prime Minister Hamza Abdi Barre, in a speech at the Heritage Conference in Dhusamareb, clearly defined Somalia’s position on Israel’s violations of Somalia’s sovereignty.

12- The Speaker of the House of the People, Mogadishu, Mr. Sheikh Aden Mohamed Nuur|, opened the seventh Heritage Research Institute conference in Dhuusamareeb.

13- Prime Minister Hamza Abdi Barre hosted in Mogadishu the Chinese Ambassador to Somalia, Mr. Wang Yu, and discussed ways to resolve Israel’s blatant interference.

14- The Cabiner of the Federal Government of Somalia adopted a clear stance against the aggressive steps Israel has taken against Somalia’s sovereignty.

15- The Federal Parliament of Somalia approved the rejection and opposition to Israel’s violations of Somalia’s territorial integrity.

16- The Arab League Parliament Union (Arab Parliamentary Union) clearly expressed its rejection of Israel’s violations against Somalia’s sovereignty, unity of territory, and stability.

17- The East African Community (EAC) declared explicit support for Somalia’s unity and territorial integrity.

18- Minister of Defense, Ambassador Ahmed Moalim Fiqi, announced that the People’s Armed Forces liberated numerous areas in the Lower Shabelle Region.

19- Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Mr. Abdisalam Abdi Ali, held a telephone discussion with Namibia’s Minister of International Relations and Cooperation, Mrs. Selma Ashipala-Musavyi.

20- Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Mr. Abdisalam Abdi Ali, held a telephone discussion with Saudi Arabia’s Foreign Minister, Prince Faisal bin Farhan Al Saud.

21- Minister of Foreign Affairs Abdisalam Abdi Ali spoke by phone with the Minister of Foreign Affairs of Egypt, Dr. Badr Abdel-Atty.

22- Minister Abdisalam Abdi Ali spoke by phone with Comoros’ Minister Mbae Mohamed.

23- Minister Abdisalam Abdi Ali spoke by phone with South Sudan’s Minister Monday Semaya Kenneth Kumba.

24- The Governor of Banadir and the Mayor of Mogadishu, Dr. Hassan Mohamed Hussein (Mungab), officially inaugurated the opening of Nasib Bundo Road in Shibis district.

25- Deputy Minister of Interior, Federal Affairs and Reconciliation, Mr. Abdihakim Hassan Ashkir has attended a ceremony in which the new Director General of the ministry Abdulkadir Elmi assumed office from his predecessor.

26- Somalia’s Permanent Representative to the United Nations Security Council, Ambassador Abukar Balle, openly warned Israel against violating Somalia’s sovereignty.

27- Somalia’s Ambassador to the Arab League Ali Abdi Aware delivered a strong speech at an urgent meeting held at the Arab League headquarters, addressing Israel’s illegal act against Somalia.

28- The General Director of the Immigration and Citizenship Authority, Mr. Mustafa Dhuhulow, officially launched a preparatory plan for the 2026 Action Plan of the Immigration and Citizenship Authority with the slogan: “Easy, Efficient, and High-Quality Service.”

29- Demonstrations against Israel’s interference against Somalia took place in Mogadishu, Galmudug, Hirshabelle, Southwest, and Puntland.

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday.

0

1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u jeedisay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee garab-istaagga iyo taageerada buuxa u muujiyay ilaalinta madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa wada-hadallo qoto dheer ku yeeshay magaalada Istanbul.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qaar ah la qaatey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, isagoo kala hadlay ilaalinta gobannimada dalka iyo ka hortagga xadgudubka ka dhanka ah Soomaaliya.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira wada-tashiyo qaran oo lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida dalka, ayaa kulan la qaatay, mas’uuliyiinta hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta ku matala, Gobolada Waqooyi ee dalka.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay, Madaxda 20-ka Urur siyaasadeed ee ka qayb galay, doorashadii taariikhiga ahayd ee Golaha Degaanka Degmooyinka Gobolka Benaadir oo 25-kii bishan ka dhacday magaalada Muqdisho.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyey xadgudubka ka dhanka ah Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay kacdey Israel.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xarunta madaxtooyada kula yeeshay madax hore oo heer qaran ah iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.

9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-tashi diblumaasiyadeed kula yeeshay khadka taleefoonka Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim binu Xamad.

10- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo diblumaasiyadeed oo degdeg ah kula yeeshay khadka taleefoonka Madaxweynayaasha Jabuuti, Kenya iyo Tanzania.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay shirka Heritage ee magaalada Dhuusamareeb ayaa si cad u qeexay mowqifka Soomaaliya ee xadgudubka Israel ee madaxbanaanida Soomaaliya.

12- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Dhuusamareeb uga furay Shirweynaha Sagaalaad ee Machadka Cilmi-baarista Heritage.

13- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu, iyaga oo ka wada- hadlay sidii meel looga soo wada jeesan lahaa faragelinta qaawan ee Isra’iil.

14- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil ku soo qaaday madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

15- Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyey diidmada iyo ka hortagga xadgudubka Israel ee madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

16- Midowga Baarlamaanada Carabta ayaa si cad u muujiyey diidmadiisa ku aaddan xadgudubka Israel ee ka dhanka ah madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

17- Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.(EAC) ayaa si cad u taageeray midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

18- Wasiirka Gaashaandhigga Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shaaciyay in Ciidamada Qaranku ay howlgalka Seefta Qarsoon ku xoreeyeen deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

19- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhanka taleefanka ah la yeeshay Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah iyo Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Namibia, Marwo Selma Ashipala-Musavyi.

20- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhanka taleefanka ah la yeeshay dhiggiisa, Amiir Faysal bin Farxaan bin Cabdullaahi Al-Sacuud, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada walaalaha ah ee Sacuudi Carabiya.

21- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhanka taleefanka ah la yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda walaalaha ah ee Carabta Masar, Mudane Dr. Badr Abdel-Atty.

22- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhanka taleefanka ah la yeeshay dhiggiisa, Comoros Mudane Mbae Mohamed.

23- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Koonfur Suudaan, Mudane Monday Semaya Kenneth Kumba.

24- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Nasiib Buundo, qeybteeda degmada Shibis.

25- Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir, ayaa xilka u kala wareejiyay Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Caydaruus Macallin Xasan, iyo Agaasimaha Guud ee cusub ee xilka loo magacaabay, Mudane Cabdulqaadir Cilmi.

26- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Baalle, ayaa si cad uga digay Israa’iil inay ku xadgudubto madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

27- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Cali Cabdi Awaare ayaa khudbad adag ka jeediyay, kulan degdeg ah oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Carabta, kaas oo looga hadlayey tallaabada sharci-darrada ah ee Israel ee ka dhanka ah Soomaaliya.

28- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa si rasmi ah u daah-furay banbax lagu diyaarinayo Qorshaha Waxqabad 2026 ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo uu halku dhigiisu ahaa (Adeeg Bixin Sahlan, Hufan, oo Tayo Leh).

29- Bannaanbaxyo loogu soo horjeedo faragelinta ka dhanka ah Israiil ayaa ka dhacey Magaalooyinka Muqdisho, Galmudug,Hirshabelle, Koonfuur Galbeed iyo Waqooyi Bari.

 

 

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

0

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Jabad-godane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu dilay 29 xubnood oo Khawaarij ah, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah hawlgallada joogtada ah ee lagu beegsanayo xarumaha Khawaarijta. Intii uu socday toddobaadkii la soo dhaafay, waxaa la beegsaday goobo Khawaarijtu kaga dhuumaaleysanayeen deegaannada Jabad-godane, Alanleey iyo Xawaadley, waxaana guud ahaan la dilay 135 xubnood oo dhagarqabayaal ah.

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa muujiyay adkeysi iyo qorshe cad oo lagu burburinayo awoodda Khawaarijta, si dalka looga ciribtiro kooxaha argagixisada ah ee carqaladeynaaya amniga iyo xasilloonida.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

0

Dhuusamareeb, Khamiis, 01 Janaayo 2026: —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweyne ku-xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb ka qeybgali doona Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage, oo sannadkan diiradda lagu saarayo arrimo la xiriira siyaasadda, amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulamo la yeelan doona hoggaanka Maamulka Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka dhageysan doona aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku aaddan nabadda, horumarka iyo midnimada

 

 

Wasaaradda Awqaafta XFS oo farriin u dirtay Imaamyada Masaajidyada.

0

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay wargelin rasmi ah oo lagu amray dhammaan imaamyada iyo khadiibyada masaajidda dalka, in khudbada Jimcaha ee maalinta berri ah oo ku beegan 02/01/2026, lagu wajaho mowduuc muhiim ah oo ah “Ahmiyadda Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed” iyo “Khatarta Faragelinta YH-da”.

Wasaaraddu waxay tilmaantay in mowduucaasi yahay mid muhiimad weyn u leh xilligan la joogo, iyadoo la tixraacayo xaaladaha caalamka ka taagan iyo isku day kasta oo lagu wiiqayo madax-bannaanida iyo wadajirka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ku boorisay dhammaan mas’uuliyiinta masaajidda in ay si buuxda u gutaan waajibkooda diiniga ah, ugana faa’iideeyaan khudbada Jimcaha wacyigelin qaran oo ku saabsan ilaalinta midnimada dalka.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyntii uga mahadcelisay dhammaan culimada dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan baraarujinta bulshada Soomaaliyeed.

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dib loo dhigay hirgelinta go’aankii hore ee ahaa in qof aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka uusan safri karin gudaha dalka.

War kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay in go’aankaasi oo horey loogu qorsheeyay inuu dhaqan galo 1-da Janaayo 2026, dib loo dhigay, isla markaana uu hadda dhaqan geli doono 1-da Maarso 2026, si shacabka Soomaaliyeed loo siiyo waqti dheeri ah oo ay ku diyaarsadaan qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Hay’addu waxay mar kale ku boorrisay shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan muddadan dheeraadka ah, isla markaana ay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka ka hor taariikhda cusub ee loo asteeyay hirgelinta go’aankan.

Abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada oo ka taagan gobolka Mudug.

0

Gobolka Mudug waxaa ka taagan abaar daran oo si weyn u saameysay dadka iyo duunyada ku nool deegaanka. Abaaraha socda ayaa sababay biyo-yari xooggan iyo xaalad nololeed oo liidata, iyadoo roobabkii la filayay muddooyinkii la soo dhaafay aysan ka di’in gobolka.

Deegaannada ay abaaruhu si gaar ah u saameeyeen waxaa ka mid ah degmooyinka Hobyo, Xarardheere, Wisil, Afbarwaaqo, iyo Bandiiradley. Qoysas badan oo xoolo-dhaqato ah ayaa la tacaalaya nolol adag, halka duunyada ay la daalaa-dhacayso biyo iyo baad la’aan.

Maamulka Galmudug ayaa uga digay bulshada deegaanka in ay joojiyaan jarista dhirta, taas oo sii kordhinaysa nabaad guurka iyo saameynta isbedelka cimilada. Waxaana lagu baaqay in la qaato tallaabooyin waxtar leh oo lagu xoojinayo ilaalinta deegaanka, iyadoo la dhiirrigelinayo bulshada inay ilaashadaan deeganka si loo yareeyo saameynta abaaraha.

Waxaa sidoo kale loo baahan yahay gurmad degdeg ah oo biyo, raashin, iyo daryeel caafimaad isugu jira si loo badbaadiyo dadka iyo duunyada ay abaartu saameysay.

Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM.

0

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay guddoominta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bisha Janaayo 2026. Tallaabadan ayaa ah mid taariikhi ah oo muujinaysa kororka doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo sida ay uga muuqanayso go’aannada caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa muddada bishan ah noqon doonta dalka shir-guddoonka Golaha Ammaanka, waxaana la filayaa in ay hoggaamiso kulamada muhiimka ah ee looga hadlayo nabadda iyo amniga caalamka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xilkan uu yahay fursad qaali ah oo lagu muujinayo in Soomaaliya ay diyaar u tahay hoggaan iyo kaalin muuqata oo caalami ah.

Guddoominta Golaha Ammaanka ee QM waxay si wareeg ah ugu dhacdaa waddamada xubnaha ka ah  bil kasta, iyadoo Soomaaliya ay haatan hoggaanka u hayso markii ugu horreysay muddo tobannaan sano ah. Tani waxay astaan u tahay dib-u-soo kabashada iyo horumarka laga gaaray xasilloonida iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka.