Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii iyo natiijooyinkii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo hooysay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada Adduunka ee COP30 oo ka dhacay dalka Brazil.

Munaasabaddan, ayaa lagu soo bandhigay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan dadaallada dowladda ee ku aaddan saameynta isbeddelka cimilada, mashaariicda dib-u-soo-kabashada deegaanka, qorshayaasha yaraynta fatahaadaha iyo fursadaha maalgelinta deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey doorka firfircoon ee wafdiga Soomaaliya ay ka qaateen doodaha caalamiga ah, isaga oo xusay in Soomaaliya ay markan dunida u gashay gorgortan dhab ah oo ku aaddan helitaanka Maalgelinta Cimilada (Climate Finance) iyo magdhowga khasaaraha ka dhasha Isbeddelka Cimilada ee ay sameeyaan dalalka horumaray.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay samaysay wasaarad gaar u ah arrimaha deegaanka si xal loogu helo saamaynta abaaraha iyo isbeddelka cimilladq, taasi oo ka tarjumaysa mudnaanta ay dowladda siisay arrimaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed xilligan ay wajahayaan abaar aad u adag oo loo baahanyahay in loo kaco sidii gurmad loo gaarsiin lahaa sidii xaaladda ba’an ee ay ku jiraan bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal ugu jirtaa gurmadka dadka tabaalaysan iyada oo dowladdu ay samaysay Sanduuq lagu uruuriyo dhaqaalah loo qorsheeyay gurmadka abaaraha, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, uu la kulmay safiirrada dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay madaxda dalalka iyo hey’adaha caalamiga in ay gacan ka gaystaan arrimaha taagan.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay culimada, ganacsada iyo samafalayaasha Soomaaliyeed in ay ka qeyb-qaataan sidii ay dadka Soomaaliyeed ee duruufaha qalafsan ku jira loo gaarsiin lahaa gurmad iyo taakulo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...