𝐑/𝐖 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 d𝐚𝐚h-𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚  𝐛𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”.

Date:

Muqdisho, Khamiis, 12 Febraayo 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika”, kaasi oo iftiiminaya dadaalladii kala dambeeyay ee lagu dhisayey dowladnimada Soomaaliya xilliyadii burburkii iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in nabadda Soomaaliya ay saameyn ku leedahay guud ahaan gobolka Geeska Afrika, isaga oo tilmaamay in kala qeybinta Soomaaliya ay halis ku tahay amniga iyo xasilloonida Gobolka, loona baahanyahay in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in Buuggan oo ku qoran luuqadda Soomaaliga uu mudnaan u leyahay bulshooyinka gobolka isaga oo boorriyey ahmiyadda ay leedahay in Gobolka Geeska Afrika la gaarsiiyo Luuqadda Soomaaliga, ayna mudnaan gaar ah siiyaan si loo ilaaliyo Dhaqanka, Afka iyo Diinteenna

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo dhiirrigalinaya Akhriska tagtadii shalay iyo taariikhihii kala duwanaa ee lasoo maray ayaa sheegay in bulshadooyinka wax akhriya ay marwalba aragti fog kasii yeeshaan waxyaabaha kusoo socda, isaga oo u mahadceliyay Qoraaga Buugga Danjire Maxamed Cabdi Afey, oo dadaal ku bixiyey uruurinta iyo curintiisa muhiimka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...