Ra’iisulwasaare Xamse: In ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ayaa xoolahoodii ku waayay abaarta jirta

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo xalay hadal ka jeediyey madal lagu xusayey guulaha laga gaaray ka qayb galka shirkii isbeddelka cimilada adduunka ayaa sheegay in abaarta ka jirta dalka ay saameyn ballaaran ku yeelatay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in ku dhowaad 7 milyan oo qof ay xoolahoodii ku waayeen xaaladda adag ee abaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in abaartu ay si gaar ah u saameysay bulshooyinka ku tiirsan xoolaha nool, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka iyo nolosha miyiga. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xaaladdu u baahan tahay gurmad degdeg ah oo mideysan.

“7 milyan oo Soomaali ah ayaa xoolahoodii ku waayay abaarta jirta, waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay u gurmadaan dadka dhibaataysan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ugu baaqay ganacsatada, culimada, qurba-joogta iyo hay’adaha samafalka inay kaalin mug leh ka qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saameysay, si loo yareeyo saameynta ba’an ee ka dhalatay biyo la’aanta iyo daaq la’aanta.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado dadaallo lagu xoojinayo gurmadka bani’aadannimo, isla markaana ay la shaqeynayso hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah si loo gaarsiiyo gargaar degdeg ah meelaha ay dhibaatadu sida gaarka ah u saameysay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...