Home Blog Page 48

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

0

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa isugu soo baxay gobolada iyo degmooyinka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Shacabka ayaa si weyn u muujiyey sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Yuhuuddu kula kacday midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed,waxay ba shacabku si weyn dunida u tuseen in ay ka go’an tahay difaaca dalkooda.

Degmooyinka Hobyo, Dhuusamarreeb iyo Guriceel ayey shacab si weyn ugu dhigeen isu soo baxyo balaadhan oo si weyn ugu muujiyeen shucuurtooda.

Degmooyinka iyo deegaanada kale ee maamul goboleedka Galmudug ayey iyagana si weyn uga socdaan banaanbaxyo waaweyn oo shacabku ku muujinayaan difaaca midnimada dalka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil

0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Baalle, ayaa si cad uga digay Israa’iil in ay ku xadgudubto madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa uu jeediyay intii uu socday fadhigii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay (QM), halkaas oo khudbaddiisa lagu caddeeyey walaaca Soomaaliya ku aaddan faragelinta Israa’iil.

Danjire Abuukar Baalle ayaa ku adkeeyey in xadgudub kasta oo lagu sameeyo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya uu yahay tallaabo ka dhan ah qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Ugu dambayn, Safiirka Soomaaliya ayaa ku baaqay in la ixtiraamo qawaaniinta caalamiga ah, madaxbannaanida dalalka, iyo midnimada Soomaaliya, isagoo mar kale xaqiijiyey taageerada joogtada ah ee Soomaaliya u heysato beesha caalamka.

Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

0

Dowladda Kuwait ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay Yahuuddu ku hayaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay mid si toos ah u dhaawacaysa madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Khudbad ay Kuwait ka jeedisay shirka degdegga ah ee Qaramada Midoobay (QM) ayaa lagu caddeeyay in ay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan tahay ilaalinta midnimadeeda, madax-bannaanideeda, iyo qaranimadeeda.

Dowladda Kuwait waxay sidoo kale ku baaqday in la ixtiraamo shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da ku saleysan madaxbannaanida dalalka, iyadoo mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.

Banaanbaxii ugu weynaa ee looga soo horjeedo xadgudubka israa’iil oo ka socda Muqdisho

0

Waxa guud ahaan ba degmooyinka gobolka Banaadir ka socda mudaharaado waaweyn oo shacabka soomaaliyeed kaga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada dhuledd ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shacabka ayaa saaka u soo baxay in ay dunida tusaan sidan doonista beenta ah ee Israa’iil u tahay mid aan marnaba dhacayn shacabka Soomaaliyeed na diyaar u yihiin in ay difaacdaan dalkooda iyo dadkooda.

Qaar ka mid ah shacabka isu soo baxay saaka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa waxa ka mid ahaa Caasho Caddow Jimcaale oo tiri “Inta ay naftu nagu jirto cidna kama aqbaleyno inay kala dhantaasho midnimada dalkeenna.”

Guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir Cabdulqaadir Maxamed xasan ayaa isna yiri “Saakay dhammaan ardayda Soomaaliyeed waxey diyaar u yihiin inay ka jawaabaan Xadgudubka YHda.”

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo la hadashay warbaahinta qaranka ayaa tiri “Dowladda Soomaaliya guulo Diblomaasiyadeed ayey ka gaartay YH-da Isra11l waana Farxad.”

Guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir ayuu hadda si toos ah uga socdaa mudaharaadka shacabka Soomaaliyeed ku muujinayaan gobanimadooda kuna difaacayaan midnimada dalka.

Golaha Ammaanka oo si buuxda u taageeray Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale si buuxda u adkeeyay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wada jirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda Khaled Khiari, oo ka hadlay kulanka Golaha Ammaanka, ayaa carrabka ku adkeeyay in mowqifka Golaha ee Soomaaliya uusan isbeddelin, isla markaana uu ku dhisan yahay sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kaasoo muujinaya taageerada joogtada ah ee caalamku u hayo midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhoweeyey Turkiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Istanbuul ee Jamhuuriyadda Turkiga, halkaas oo ay ka dhacayso munaasabad taariikhi u ah xiriirika iyo iskaashiga Labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan oo ay ka wada hadlayaan qiimeynta iyo kor u qaadidda iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

 

Dowlad goboleedyada Woqooyi Bari oo cambaareeyey iskudayga dalka lagu kala goynayo

0

Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa qaraar ka soo saaray xadgudubka Isra’il ee qaranimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

0

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka yihiin Wasiirka Wasaaradda, wasiir-ku-xigeennada iyo dhammaan howl-wadeennada Wasaaradda, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Hirshabeelle, Mudane Yaasiin Axmed Maxamuud, oo hooyadii Maryan Axmed Kulmiye ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta iyo howl-wadeennada Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle waxay Alle uga baryayaan marxuumadda in uu ku mannaysto naxariistiisa Janno; Agaasime Yaasiin iyo dhammaan ehelkana uu ka siiyo samir iyo iimaan, qalbiyadoodana uu u qaboojiyo.

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

0

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay dalal iyo hay’ado caalami ah oo si cad uga soo horjeestay tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay aqoonsiga Somaliland, oo ah qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian, oo ka jawaabayay su’aal ku saabsan go’aankii Tel Aviv toddobaadkii hore ku dhawaaqday, ayaa sheegay in Beijing ay arrintan ka walaacsan tahay isla markaana si adag uga soo horjeeddo. Wuxuu xusay in dalal iyo ururro caalami ah oo badan ay horay u diideen una cambaareeyeen tallaabadaas.

Lin Jian ayaa carrabka ku adkeeyay in Shiinuhu si buuxda u taageersan yahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana uu Somaliland u arko qayb aan laga goyn karin dalka. Wuxuu intaas ku daray in Shiinuhu ka soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedi karta kala-qaybsanaanta dhulka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in arrinta Somaliland ay tahay mid gudaha u gaar ah oo ay tahay in Soomaalidu iyagu si waafaqsan danahooda qaran u xalliyaan.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale ugu baaqay waddamada ka baxsan gobolka in ay joojiyaan faragelin kasta oo aan habboonayn, isagoo adkeeyay in aysan jirin dowlad xaq u leh taageeridda ama garab-istaagga kooxo gooni-u-goosad ah si ay u gaaraan dano gaar ah.

Sidoo kale, Lin Jian wuxuu ugu baaqay maamulka Somaliland in ay si dhab ah u fahmaan jihada ay xaaladdu u socoto, isla markaana ay joojiyaan tallaabo kasta oo gooni-u-goosad ah iyo iskaashi lala yeesho quwadaha shisheeye.

Dhankeeda, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ah in ay si buuxda u diidan tahay aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland, iyadoo ku adkaysatay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, isla markaana heshiis ama xiriir toos ah oo lala yeesho ay u aragto mid xadgudub ku ah qarannimada iyo midnimada dalka.

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

0

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer Caalami iyo mid Goboleed isugu jira ayaa diidmo adag kala hor yimid damaca Yuhuuddu ku aqoonsaneyso qeyb ka mid gobolada Dalka Soomaaliya, waxayna dhammaantood hoosta ka xariiqay qodobadan soo socda:-

1. Diidmo cad oo aan mugdi ku jirin oo ay u diidan yihiin aqoonsiga ay Israa’iil 26-kii Disembar 2025-ka u sameysay gobolka ka mid ah Soomaaliya oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama tallaabadan aan hore loo arag ay leedahay cawaaqib halis ah oo saameynaya nabadda iyo amniga Geeska Afrika, Badda Cas, isla markaana ay si guud u saameyneyso nabadda iyo amniga caalamka, kana tarjumeysa iska indha-tirid buuxda oo cad oo Israa’iil ay ku sameyneyso sharciga caalamiga ah.

2. Cambaareyn adag oo ay u cambaareynayaan aqoonsigaas, kaas oo ah ku xadgudub weyn oo ka dhan ah mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kuwaas oo si cad u faraya ilaalinta madaxbannaanida dowladaha iyo dhul-wadaaggooda, islamarkaana ka tarjumaya siyaasado fidin (ballaarin) ah oo Yuhuuddu damacsan tahay.

3. Taageero buuxda oo ay siinayaan madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo diidmo aan leex leexad laheyn oo ay u diidan yihiin tallaabo kasta oo wiiqeysa midnimada Soomaaliya, dhul-wadaaggeeda ama madaxbannaanideeda ku aaddan dhammaan dhulkeeda.

4. Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu abuurayaa tusaale halis ah, wuxuuna khatar gelinayaa nabadda iyo amniga caalamka, isla markaana ku xadgudbaya mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

5. Diidmo buuxda oo ay u diidan yihiin xiriir kasta oo suurtagal ah oo u dhaxeeya tallaabadan iyo isku day kasta oo lagu doonayo in si qasab ah dadka Falastiin looga raro dhulkooda, taas oo si mabda’ ahaan ah gebi ahaanba loo diidan yahay nooc kasta ha ahaatee.

Haddaba Dadka aadka wax u taxliiliya ayaa in Seddexdaan talaabo haddi Somaliland aysan ku guuleysan ictiraaf majiro!

Maamulka Somaliland waxa loogu sheekeyay in ictirafki 35 sanno ay sugaayen Israel laga helay, balse xaqiiqda waa in seddex talaabo idin dhiman tahay oo Israel hal dal ay tahay waxna ka badali karin qariirada iyo shuruucda Qaramada Midoobay (UN-ka).

1. Dowladda Soomaliya iyo Baarlamankeeda waa inay aqbalaan dalabka Somaliland ee ah dal madax-banaan inay noqoto.

2. Markay Soomaliya aqbasho, ayaa haddana cod la galinaya. Wadamada codka leh ee Golaha Qaramada Midoobay, kuwaasi oo ka kooban 193 dal, si aad dal madax banaan oo UN ka tirsan u noqotid waa inaad hesha 129 cod.

3. Marki aad ka soo gudubtid buundadaas, waxa ku sugayan 15-ka xubin ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waana inaad hesha 9 cod. Mid ku darso Soomaaliya waxay bisha January la wareegeysaa Shir Guddonka Golaha Ammaanka, halkaasina shaqo ayaa laga qaban doona.

Sidoo kale dhammaan 5-ta Xubin ee joogtada ah, islamarkaana leh Codka Diidmada Qayaxan (5Veto Power) waa inay haa u codeeyaan. Tusaale haddi China ama Russia midkood MAYA u codeeyo, barnaamijka oo idil halkaas ayuu ku dhammaanayaa.

Tusaale , Kosovo waa dal aqoonsi ka heysto in ka badan 100 Wadan, sidaasi oo ay tahay UN-ka waxay u aqoonsan tahay Serbia inay ka mid tahay, sababtuna waa in markii UN la keenay qadiyadoda inay diideen Shiinaha iyo Ruushka.

Maamulka gobolada Waqooyi ee uu damacu wado xaqiiqda waxay tahay in wadda dheer oo qodxo badan idin sugeeyso , Dowladda Soomaliya iyo inta la mowqifka ahna awoodooda diblomaasiyadeed ayay istacmali doonan.

“Aqoonsiga ay bixisay Israa’iil oo ah “dowlad go’doon ah” waxba uma kordhin doono Somaliland, marka laga reebo magac-xumo iyo go’doon hor leh,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Dhinaca kale dowladda Eritarea ayaa ku biirtey dalalka qaadacay aqoonsiga ay Yuhuuddu siisey Somaliland, waxayna Asmara sheegtay in qorshahani yahay mid lagu doonayo in gobolka qalalaase looga abuuro, waxayna xustay in loo baahan yahay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu qaado talaabo, waxayna dowladda Shiinaha ugu baaqday inay waajib tahay inuu qaato masuuliyad anshaxeed, maadama ay Beijing diidan tahay inay Taiwan ka go’do, si la mid ah inuu arritaan uga hor yimaado.

Waxaa kaloo in la xusid mudan in Yuhuudu ay saldhig ku leedahay Xeebta magaalada Casmara ee dalka Eretareeya, balse wax dhaqdhaqaaq ah kama sameyn karto, waayo Eretareya ayaan ogoleyn sababo jira awgood ama wax ay horey ugu heshiiyeen, sidaasi awgeed ayay doonayaan inay saldhig Militari ka sameystaan qeyb ka mid dhulka Soomaaliyeed, waase haddii ay u suurtogasho.

Dhinaca kale Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay Qaranimada Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan, Gobolka Banaadir, iyadoo Boqolaal ka tirsan shacabka caasimadda oo ka careysan tallaabada Israa’iil ayaa muujiyay taageeradooda ku aaddan difaaca madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Qaar ka mid ah dadkii dibadbaxa ka qayb-galay oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin difaaca Qaranimada Soomaaliya.

“Caawa, annaga oo ah shacabka Soomaaliyeed, waxaan muujineynaa dareenkeenna iyo xadgudubka loo geystay qarankeena,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada ka hadlay dibad baxa.