Home Blog Page 48

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Xuddur ee gobolka Bakool ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ayaa maanta magaalada Xuddur si rasmi ah uga daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Bakool.

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxaa ka go’an in doorasho qof iyo cod ah laga hirgeliyo dhammaan gobollada dalka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee codbixinta, ugana qeyb qaataan go’aaminta mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

 

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha dhijitaalka nidaamka maareynta maaliyadda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka, masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, si looga hortago khasaaraha gaari lahaa shacabka degmada Balad-Xaawo. Waxaana goluhu ku ammaanay qeybaha kala duwan ee bulshada garab istaagga ay u muujiyeen dowladnimada iyo ka shaqeynta nabadda gobolka Gedo, haddana ay ka shaqeynayaan xaruumihii dowladda ee bixin jiray adeegyada.

Golaha Wasiirrada, ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka ah ay mudnaanta siineyso dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, hadafkeeduna uu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen nabad, xasillooni iyo adeeg dowladeed oo dhammaystiran, cid kasta oo ka shaqeynaysa daganaansho la’aanna ay carqaladeynayso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Dhijitaalka Nidaamka Maareynta Maaliyadda, iyo Xisaab-xirka sanadeedkii 2024.

 

Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Shirweynihii dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Laascaanood, ayaa ahayd mid muhiim ah oo ay kasoo qayb galeen marti sharaf kala duwan iyo qaybaha bulshada.

Shirkan taariikhiga ah ayaa si rasmi ah uu u soo xiray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Kooshin), isagoo ku dhawaaqay in 417 ergo ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen dastuurka iyo magaca rasmiga a:

– Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo

– Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

– Caasimad: Magaalada Laascaanood

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn u bogaadisay dadaallada nabadeed, midnimada bulshada, iyo habsami u socodka dhismaha dowlad goboleedyada si waafaqsan dastuurka dalka. Waxa ay sidoo kale dowladda ku dhiirrigelisay dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan nabadda, wadajirka iyo dowlad-dhiska.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay caddeyneysaa inay sii wadi doonto garab istaagga bulshada deegaannadaas si loo xaqiijiyo nabad waarta, maamul suuban iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka waxay sidoo kale ugu baaqeysaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada inay ku dhabar adaygaan ilaalinta midnimada dalka iyo hirgelinta nidaam dowladeed oo loo dhan yahay.

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed

Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa maanta magaalada Jabuuti lagu kala saxiixday Heshiis la xiriira Xaaladda Ciidamada Jabuuti (Status of Forces Agreement – SoFA), kaas oo saldhig u ah kordhinta ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya.

Heshiiskan waxaa kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cali Xasan Bahdoon. Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin sar-sare oo ka kala socday labada dal.

Heshiiska SoFA wuxuu hagayaa kordhinta tirada ciidamada Jabuuti ee ka howlgalaya gudaha Soomaaliya, iyadoo lagu saleeyay mabaadi’da iyo mudnaanta horey loogu heshiiyey. Sidoo kale, heshiisku wuxuu qeexayaa habraacyada faragelinta, waajibaadka labada dhinac iyo hanaanka iskaashi ee labada ciidan, iyadoo lagu saleynayo wadashaqeyn iyo is-ixtiraam.

Iskaashigan wuxuu caddeyn u yahay sida ay Jamhuuriyadda Jabuuti uga go’an tahay taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya, wuxuuna qeyb ka yahay aragti guud oo labada dal ka wadaagaan xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Munaasabadda saxiixa ayaa ku qabsoontay jawi walaaltinimo iyo kalsooni leh, taasoo markale muujisay xoogga iyo qotada dheer ee xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano, ayaa soo gaaray magaalada Xuddur, xarunta gobolka Bakool.

Wafdiga Guddoomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Xudur si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Xuddur.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Xuddur, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur, odayaasha dhaqanka, iyo saraakiisha ciidamada, si uu xog-ogaal ugu noqdo xaaladaha deegaanka iyo sidii loo xoojin lahaa dowladnimada iyo amniga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibraahima Diene, iyo ku xigeenkiisa, Mudane Mouktar Ousman Karie.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa, kadib soo dhoweyn diirran, Danjiraha la wadaagay xogta ku saabsan hawlgallada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha Khawaarijta, isagoo xusay guulo muhiim ah oo laga gaaray la-dagaallanka argagixisada. Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyey Danjiraha iyo AUSSOM doorka ay ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin sugidda amniga iyo xasilinta Soomaaliya.

Danjiraha cusub, Mudane Hadji Ibrahima, oo dhowaan la magacaabay, ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhoweynta iyo qaabilaadda. Wuxuu bogaadiyey dadaalka ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan amniga iyo dib-u-dhiska dalka, isagoo xaqiijiyey in Midowga Afrika ay si buuxda u garab taagan yihiin qorshaha kala-guurka, si ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ula wareegaan amniga dalka si buuxda.

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

0

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) iyo ururka Bangiyada Soomaaliyeed wuxuu dadweynaha ku wargelinayaa in la xoojiyey shuruudaha looga baahanyahay macaamiisha.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad oo ka qaybgalay saxiixa heshiis ay gaareen Hormuud iyo Save the Children

0

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi ayaa kaga qeybgalay munaasabadda saxiixa iskaashi dhexmaraya hay’adda Save the Children iyo Shirkadda Hormuud.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo hadal ka jeediyay munaasabadda lagu kala saxiixday iskaashiga, ayaa soo dhaweeyay heshiiska, isagoo xusay in iskaashiyada noocan oo kale ah ay yihiin kuwo muhiim u ah horumarinta bulshada, gaar ahaan badbaadinta mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa carab ku dhuftay inay Xukuumadda DanQaran dhiirigalin iyo garabistaag ay u muujiso Iskaashiga shirkadaha maxaliga ah iyo hey’adaha caalamiga, iyada oo lagu saleynayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Wasiir Alcadaala oo qaabilay lataliye sare oo ka socda safaaradda Mareykanka

0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna ku-simaha Wasiirka, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Lataliyaha La-dagaalanka Argagixisada ee Safaaradda Mareykanka, Bob Flannery.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada wacyigelinta iyo warbaahinta ee la-dagaalanka argagixisada, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa kaalinta warbaahinta dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay ee ku aaddan ciribtirka xagjirnimada.

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac, oo ay ka mid yihiin Agaasimayaasha Waaxyaha Istiraatiijiyadda Warbaahinta, Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka. Kulanka kadib, Wasiir Al-Cadaala iyo Bob Flannery ayaa booqday xarumaha Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka iyo Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay ku soo arkeen shaqada ay warbaahinta dowladda ka waddo la-dagaalanka argagixisada.

Wasiir Al-Cadaala ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, warbaahinta, iyo dagaalka ka dhanka ah afkaaraha xagjirka ah. Wuxuu si gaar ah u adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo wajaho la-dagaalanka khawaarijta, iyadoo la xoojinayo doorka warbaahinta iyo wacyigelinta dadweynaha.

Dhankiisa, Lataliye Bob Flannery ayaa sheegay in Mareykanku diyaar u yahay inuu sii xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya dowladda Soomaaliya, si gaar ahna uga taageero dadaallada la xiriira la-dagaalanka argagixisada iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah.

 

 

 

Wasiirka maaliyadda oo kulan la yeeshay madaxda ururka Bangiyada dalka

0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi imaan Cige ayaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxa uu kulan muhiim ah kula yeeshay Masuuliyiinta Ururka Bangiyada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimaha mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, maadaama Bangiyada Dalka ay qeyb weyn ka qaateen qorshaha isbaddelka dhaqaalaha dalka oo hormuud ay ka tahay Wasaaradda maaliyadda XFS.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Ururuka Bangiyada, xiriirka wada-shaqeynta Bangiyada iyo Dowladda iyo adeegooda muuqda ee ay bulshada u hayaan oo ah mid aad u sarreeya iyo maadama ay yihiin canshuur bixiye-yaal qeyb ka qaata dib-u-dhiska Dalka.