Dhalinyarada Gobolka Mudug ayaa deeq Raashina gaarsiiyay Ciidamada Deegaanka ee ku sugan Magaalada Qeydaro ee Gobolka Galgaduud.
Tirada dhimashada Xanuunka EBOLA ee gudaha Uganda oo korortay
Wasaaradda caafimaadka ee Uganda ayaa sheegtay in saddex bukaan oo kale oo Ebola ah ay dhinteen taas oo tirada guud ka dhigaysa afar ruux, tan iyo markii lagu dhawaaqay in uu cudurka dillaacay horraantii toddobaadkan.
Madaxweyne Deni oo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA)
Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 61 ee 23-da Sibteembar 2022 kuna saabsan magacaabid Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA).
Madaxweynaha JFS Oo Lakulmay Xoghyaha Guud Ee QM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Xogahayaha Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa kala hadlay gargaarka degdegga ah ee abaaraha iyo mashaariicda hormarineed ee laga fulinayo dalka.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xasilloonida dalka, waxa uuna la wadaagay Xoghayaha Qaramada Mideoobey, halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.
Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa soo dhaweeyey aragtida Madaxweynaha ee la xiriirta dib u qaabeynta mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxa uuna tilmaamay in talooyinka iyo soo-jeedinta Madaxweynaha ay ku saleynayaan qorshahooda, sidoo kalena ay dardar gelinayaan doorka Beesha Caalamka ee gurmadka abaaraha.
António Guterres ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay horumarinta hannaanka dhaqaalaha, deyn cafinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xal u helidda duruufaha soo laalaabtay oo ay ka mid tahay abaaraha iyo fataahadaha.
Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Qaranka Oo News York kala kulmay Dhiggiisa Suudaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada New York, Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdifataax Cabdiraxmaan Al-burhaan
Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Suudaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.
Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Suudaan, garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo ay wadaagaan xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo walaalnimo.
Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-burhaan ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhiggiisa Dalka Suudaan in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sidaas awgeedna ay mudnaanta siinayaan yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada Gobolka.
Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Wasiiro Cusub.
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 59 ee 23da Sibteembar 2022 kuna magacaabid Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Puntland.
Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.
Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland
Wuxuu Xeeriyey:
B Bedel
1. Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
T) Magacaabid
2. Waxaa Cabdi Faarax Juxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.
3. Waxaa Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga
4. Waxaa Maxamed Cabdiwahaab Axmed loo magacaabay Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.
5. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.
6. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
Alshabaab oo Ku Jabay Dagaal ka Dhacay Galgaduud.
Ciidamada Xoogga Dalka ee ka hawlgalaya deegaanka Sinadhaqa ee Gobalka Galguduud ayaa dilay 15 ka tirsan khawaarijta Alshabaab ka dib markii ay isku dayeen in ay dib u soo weeraraan Saldhigyo Ciidamada Qaranku ka saareen maalin ka hor.
Ciidamada xoogga oo hayay macluumaadka Khawaarijta iyaga oo ka faa’iidaysanaya sirdoonkooda iyo wadashaqaynta Shacabka deegaanka ayaa si xirfadaysan u jabiyay isku dayga argagixisada.
Dawladda Soomaaliya waxay xusuusinaysaa maleeshiyaadka ay khawaarijtu marin habaabisay in waqtigu gabaabsi ku yahay ayna sii yaraanayso fursadda ay u haystaan in ay kaga baxaan safka argagixisada.
Dawladdu waxa ay u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed oo kacdoonkoodu uu yahay Kan micnaha u yeelaya halganka xoraynta Dalka.
Dawladdu waxay kale oo ay u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee garab taagan, si gaar ah, dawladda
Madaxweynihii hore ee Galmudug Abdikirin Hussein Guled oo bogaadiyay kacdoonka shacabka ee ka bilowday qeybo ka mid ah Soomaaliya
Madaxweynihii Hore ee Galmudug Abdikirin Hussein Guled ayaa bogaadiyay kacdoonka shacabka ee ka bilowday qeybo ka mid ah Soomaaliya.
Dalkeena iyo dadkeenu waxey ku jiraan xilli aad u adag oo ay isku biirsadeen abaarro, sicir barar iyo gumaadka Al Shabaab. Waxaan sidoo kale ka nimid waqti adag oo doorasho. Marxalad walba oo adag waxey ku kacdaa qiimo gaar ah. Dad waxey bixiyan naftooda, kuwo maalkooda, qaarna waxey ku kaban duco iyo niyad wanaag dadka u taagan in caqabaddahaas la xaliyo.
Al Shabaab waa sababta caqabaddaha maanta dalkeena yaala sida amni darada, dhaqaalo xumada, sicir bararka iyo rajada xumada ka muuqata shacabka. In laga adkaado waxey daawo u tahay dhammaan caqabaddahaas. Si aan u helno Soomaaliyada aan rabno waa inaan xooggeena, xikmaddeena iyo xoolaheena isugu geyna in la tir tiro Al Shabaab. Dariiq walba oo arrintan saamixi kara waa inaan tijaabinaa.
Waxaan boggaadinaya dadweynaha deegaanada Hirshabeelle iyo Galmadug ee go’aansaday iney gunnimada iska dulqaadaan, deegaanada kale ee ayaguna abaabulka ku jira waa ku dhiiri galinayaa waana bogaadinayaa. Waxaa sidoo kale bogaadin iyo amaanba mudan ciidanka Xooga Dalka ee jiida hore ka dagaalamaya iyo madaxda labada heer maamul oo iyaguna muujinaya kaalin wax ku ool ah. Ummaddeenu intaan ka badan ma xamili karto Al Shabaab. Waa inaan aaminaa, kana dhabeyna in la joogo xilligii lasoo afjari lahaa argagixisadda.
Siyaasiyiinta waaweyn ee aan xilalka heynin, ganacsatada, aqoonyahanka, qubajoogta Soomaaliyeed iyo dhammaan qeybaha bulshada waxaan ugu baaqaya in dagaalkan loo midoobo oo aan laga dhigin masuuliyad saaran cid gaar ah. Waa lagama maarmaan ah inaan maanta muujino MIDNIMO QARAN, umaduhuna marxaladahaan oo kale waxay kaga gudbaan midnimadaas iyo isku duubnidaas.
Al Shabaab waxey diidanyihiin jiritaanka Qaran Soomaaliyeed. Qofkii diida jiritaanka Qaranimadaada wuxuu diiday qofnimadaada. Shabaab waxaa dil ugu xukuman qof walba oo Soomaaliyeed oo damiir iyo faham leh, mana jirto sabab aan u bixino fursad ay dhammaanteen nagu laayaan oo ay Dalka iyo Dowladnimada ku bur buriyan.
Qof walboow kaalintaada dagaalka ka qaado. Qori, qalin, qarash ama qeylo dhaan wixii aad awooddo.
Soomaaliya guul.
8-Sano Kadib Gaadiid Ciidan Oo Safar dhulka ah Isaga Gooshay Xamar ilaa Gobolada Dhexe.
8-sano sano kaddib ayeey markale maanta suurta gashay in Gaadiid ciidan oo Muqdisho ka baxay ay gaaraan gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Gaadiidkan oo ah kuwa culus ee ciidamada xoogga dalka ayaa loogu talo galay ciidamada qeybta 21-aad oo aan horay u heli jirin gaadiidka culus iyo kuwa gaashaaman ee ciidanka marka laga reebo Gaadiidka Cabdi Bile-yaasha oo diyaarado looga dajin jiray maadaama ay Shabaab haysteen wadada xiriirisa Muqdisho iyo gobolada dhexe.
Gaadiidkan iyo ciidanka Soomaaliyeed ee galbinaya ayaa wax ka yar 7-maalin u tagay Guriceel waxa ayna durba u gudbeen deegaanada Beriga Galguduud si ay uga qeyb qaataan baacsiga Al-shabaab.
Sanadkii 2014-kii ayaa u dambeysay in Gaadiid ciidan oo Muqdisho ka baxay ay tagaan gobolada dhexe ee dalka taasi oo muujineysa sida Al-shabaab u lumiyeen deegaanadii ay kaga dhuumaaleysan jireen wadada dheer ee Muqdisho iyo Galmudug.
Somali Government signs UPEACE Charter, opening new opportunities for Somalis
The UN University for peace marked another historical achievement following the signing of the instrument of accession by Somali President Dr Hassan Sheikh Mohamud. The move means that the Somali Government has officially endorsed the UPEACE Charter and is expected to implement it.

Reacting to the news, the University’s country representative Dr Mohamed Osman said the decision by the president is a welcome news. “This is highly welcome news, and it puts the university’s Somalia branch at the same level with the rest of the countries that have signed the charter,” said Dr Mohamed.
“The students will also benefit from various scholarships offered by the institution”, added Dr Mohamed.

Somalia’s President Dr Hassan Sheikh Mohamed signed the instrument of accession while attending the 77th UN General Assembly, making Somalia the 42nd country to sign the charter, which was born out of UN General Assembly Resolution 35/55 of 5th December 1980 which established the University for Peace with Headquarters in Costa Rica and Regional Programmes in Africa (Ethiopia), Europe (Netherlands) Asia (China), South East Asia (Philippines), and in South America (Honduras).

A few years ago, the University was welcomed in Somalia after it started offering its courses. Before that, Somali students used to travel to Costa Rica and to the neighbouring country, Ethiopia, where the University has its Africa Regional campus for the continent.
“The signing of the UPEACE Charter by the president is yet another huge step for the university and we hope it opens doors for expansion in Somalia and for many students to enroll into the courses offered by the university” said Dr. Mohamed Yusuf, UPEACE Somalia Country Director.

The establishment of the university in Costa Rica, a country in Central America, played a pivotal role in establishing the first base for the University. In Africa, the University established its Africa Regional Programme in 2002 in Addis Ababa, Ethiopia, which opened doors to thousands of African students keen on pursuing courses related to peace, security and development.
Many of the graduates are now using the knowledge gained to build peace and help support their communities. In August 2018, Upeace established its first campus in Mogadishu, Somalia University’s first batch of students for Master’s and PhD Programs.
UPEACE will be organizing its next graduation ceremony in Somalia at the end of October 2022 with more than a hundred Masters and at least 10 doctoral students expected to receive their Degrees.