Home Blog Page 418

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ahmed Moallim Fiqi oo booqday taliska ciidanka Gorgor ee degmada Xarardheere

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo socdaal shaqo kujooga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa maanta booqday taliska Gorgor ee ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed isaga oo gaarsiiyay farriimo kala duwan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ciidamada gaarsiiyay farriimo uu ka siday hoggaanka dalka gaar ahaan madaxweyne Dr. Hassan Sheikh Mohamud, waxaa uu sidoo kale ka dhageystay diyaargarowgooda la xiriira sidii Mudug looga sifeyn lahaa haraadiga Khawaarijta.

Ugu dambeyntii, Mudane Axmed Macallim Fiqi wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya waxaa uu kala hadlay xaaladda iyo sida hoggaanka dowladda heearkeeda kala duwan uga go’an tahay dagaalka lagu soo afjarayo Khawaarijta, waxaa bogaadiyay howlaha naf hurnimada ah ee ay qaranka u hayaan isaga oo carabka ku adkeeyay in ay garab taagan yihiin oo dhirrigelinayaan ciidamada xaq u dirirka ah ee xoogga dalka.

Cali Guudlaawe:-”Nimaankaan Khawaarijta ah waa jabeen,rafashadii ugu danbeysay ayey ku jiraan”.

0

-Madaxweynaha Hirshabeelle oo Labadii cisho ee la soo dhafay kormeer ku tagay furimaha ee dagaalka gobolka Shabeellaha dhexe oo sheegay in Khwaarijta dhawaan laga saari doono deegaannada ay kaga dhuumaalaysanayaan goboladda Hirshabeelle.

”Nimaankaan Khawaarijta ah  waa jabeen,rafashadii ugu danbeysay ayey ku jiraan,waa laga adkaaday marqaati waxaad ka tihiin in xabadii looga soo bilaabay Jubbo iyo Fiyaad maantana waxaa lagula dagaalamaya Ceelbuur iyo Cowsweyne taas ayaa waxay ku tusaysaa in ay dhameystir u baahan yihiin,wixii dhimana waa la dhameystirayaa,waxaan ka mahadcelinaya sida aad u abaabulan tihiin ee aad isku diyaariseen,qofkii dhinta ilaahay ha u naxariisto kuwa dhaawacmayna ilaahay ha caafiyo balse sharaf waa in aan ku noolaano”.

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa booqdey dhacdadii xalay ee la xariirta dhisma ka kooban dhowr Dabaq oo soo dumay

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday dhacdadii xalay ka dhacday Degmada Howl Wadaag ee la xariirta dhisma ka kooban dhowr Dabaq oo soo dumay kaas oo ay ku geeriyoodeen inta la xaqiijiyay iyo Hooyo iyo caruurteeda.

Guddoomiye Madaale ayaa warbixin la xariirta dhacdadaan ka wareestay kooxda gurmadka deg dega ah, maamulka degmada Howl Wadaag, iyo saraakiisha Amniga, waxa uuna faray si deg deg ah baaritaan rasmi ah loogu sameeyo sababta ka dambeysa in dhismahaan uu soo dumo.

Taliyaha ciidan boliiska oo kormeeray ciidanka Darawiishta boliiska ee ku sugan degmada Cadale

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin oo ay wehliyaan Saraakiil kale, ayaa Maanta kormeeray Xerada Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed ee ku sugan Degmada Qadiimiga ah ee Cadale.

Kormeerka ayaa daaranaa, u kuurgelida hanaanka shaqo,Badqabka iyo Dhiirigalinta Ciidanka Daraawiishta Boliisku ayaa qeyb ka ah, Difaaca Waaxaha Qaranka, waxeyna waajibaadka difaaca la wadaagaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyaga oo qeyb libaax ka qaata howlgalada lagu cirib tirayo Khawaarijta ee Dalka ka socda.

Sidoo kale Ciidanka Daraawishta Boliiska ayaa qeyb ka ah hanaan dhimista Ciidanka ATMIS iyo kala wareegida xeryaha iyo fadhiyada la qorsheeyay.

Maraykanka oo ka digay in Woqooyiga Kuuriya ay hub ka iibiso Ruushka

0

Afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa sheegay in Maraykanku uu ka walaacsan yahay heshiisyada hubka ee dhexmari kara Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi,xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhaxeeya Pyongyang iyo Washington.

Hadalka Kirby ayaa yimid toddobaadyo uun ka dib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Kim ay isweydaarsadeen waraaqo ay ku ballanqaadayaan inay xoojiyaan xiriirka labadooda dal.

Sarkaalkaasi ayaa ka digay in Kuuriyada Waqooyi ay hub ka iibiyaan Ruushka oo latilmaamay in uu dagaal ka wado Ukraine,isagoo dhanka kale ku booriyay in la joojiyo wadahadalka hubka ee ay kula jirto Ruushka .

Ergada Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka ee ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York illaa hadda wax jawaab ah kama bixin hadalada sarkaalkaasi.

Waqooyiga Kuuriya,waxa ay barbar taagan  tahay Ruushka oo dagaal  kula jira Ukraine, iyada oo ku adkeysatay in siyaasadaha reer galbeedka ee Maraykanku hoggaamiyo ay ku qasbeen Moscow iyo Pyongyang inay qaadaan tallaabo ay ku ilaashanayaan danahooda.

 

Dad ku geeriyooday dhisme ku soo dumay magaalada Muqdisho

0

Dhismayaal iska ag-dhawaa oo ka koobnaa ilaa labo dhisme oo dhabaqayo ahaa ayaa ku soo dumay guri filo ah oo ay daganaayeen haweeney iyo carruur ay dhashay oo xiliga ay soo dumeen ku sugnaa gurigooda.

Dhismayaasha soo dhacay ayaa la sheegay in ay ahayeen labo dabaq oo iska agdhawaa kana koobna 8-deed biyaano iyo afar biyaano oo ay labaduba ay isku duldhaceen walow aan la sheegin sababta ka dabeysa waxa keenay dumida labada dabaq ee iska agdhawaa.

Qoys ku noola guri filo ah ama guryaha gaagaaban ee ku hoosyaalay dhismaha ayaa waxaa laga soo badbaadshay labo ka mid ah qoyska ,halkaa ay ku geeryoodeen haweenay iyo gabar ay dhashay oo ka mid ah qoyska guriga ku noola xilli habeenimah oo ay dhacdadaani ka dhacday degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Ciidanka dabdamiska gobolka Banaadir oo goobta garay ayaa sheegay in ay wadan gurmada lagu baadi goobayo qof ka mid ah dadka ku sugnaa guriga ay dabaqayadaani ku soo dumeen, waxayna sheegeen in ilaa iyo hadda baadi goobaya gabar 14 jir ah taaso ku sugnayd guriga marka dhimmaha ku soo dumay.

Haweeneyda iyo Gabadh ay dhashay ayaa la xaqiijiyay in ay ku nafweyeen dabaqyo kusoo dumay gurigooda oo ku yaala degmada Howlwadaag waxaana sidoo kale jira dad kale oo dhismaha lagu la’ yahay.

Wali waxaa socda gurmadka lagu baadi goobaya gabadha iyo haday jiraan dad kale haday jiraan, iyadoon wali si dhab ah loo ogeyn waxa sababay dumistsa dhismahan.

Ugu yaraan 63 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dab ka kacay magaalada Johannesburg

0

Ugu yaraan 63 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dab ka kacay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika

in ka badan 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay dhismo dhowr dabaq ah oo ku yaalla bartamaha magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha iyo shaqaalaha gurmadka.

Af-hayeenka Adeegyada Maareynta Degdegga ah ee Johannesburg, Robert Mulaudzi ayaa sheegay in dabku subaxnimadii Khamiista uu basbeelay dhismo ku yaalla bartamaha ganacsiga ee magaalada, dhimashaduna waa ay sii kordhaysaa iyada oo 63 meyd ah laga soo saaray goobta ilaa hadda.

 

 

Madaxweyne Lafta gareen oo xarigga ka jaray wejiga 1-aad dhismaha waddooyinka Magaalada Baydhabo

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir iyo wafdi Xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo ayaa magaalada Baydhabo u gaaray furitaanka mashaariic halkaas ka socota.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa xarigga ka jaray Wajiga 1-aad Dhismaha Wadooyinka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Duqa Muqdisho oo gaaray Aadan yabaal

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuussuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa gaaray taliska ciidamada Xoogga Dalka ee degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka.

Ujeeddada safarka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ah sidii uu u dhiirrigelin lahaa geesiyaasha ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee howlgallada sifeynta Khawaarijta ka wada deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug iyo Hirshabelle.

Magaalada Aadan yabaal ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Ra’iisul wasaaraha XFS, Madaxweynaha Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale, iyagoo halkaasi ka wada sidii loo dhiirri gelin lahaa Ciidanka xoogga dalka iyo bulshada halkaasi ku dhaqan, kuwaas oo u diyaarsan sidii ay u dhamaystiri lahaayeen howlgallada lagu dabar jarayo khawaarijta.

Agaasimaha guud ee Warfaafinta oo soo xiray tababar ku saabsan isku xirka Warbaahinta iyo la dagaalanka khawaarijta

0

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar ku saabsan isku xirka xiriirka Warbaahinta iyo la dagaallanka fikirka khawaarijta.

Mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in ujeedka tababarku uu ahaa xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dowladda ee dhinaca xiriirka warbaahinta iyo bulshada, si kor loogu qaado mideynta farriimaha dowladda ee ku wajahan ciribtirka kooxaha khawaarijta.

” Tababarkan waxuu muhiim u yahay isku-xirka dowladda, waxayna wasaaradda isku howshay sidii loo mideyn lahaa fariimaha loo gudbinaya shacabka Soomaaliyeed, waana mid kaalin ka qaadanaya la dagaallanka khawaarijta, dhinaca wacyi galinta Diiniga, taas oo khawaarijta ka been sheegaan” ayuu yiri Agaasime Xayir.

Agaasime Xayir oo bogaadiyay Tababarayaasha bixiyay siminaarka ayaa tilmaamay in aqoon is-weydaarsigan ka duwanaa kuwa caadiga ah, taas oo keentay in muddo dheer loo qorsheeyay si ka qeybgalayaasha u helaan waqti wanaagsan, isagoo ku boorriyay ka qeyb-galayaasha in meel looga soo wada jeesto khawaarijta lana mideeyo farriimaha.

Qaar ka mid ah ka faa’ideystayaashii tababarka ayaa ka mahad celiyey fursadda la siiyay, taas oo ay sheegeen in loo baahnaa isku xirka xiriirka Warbaahinta si qeyb wayn looga noqdo la dagaallanka fikir iyo Militari ee dalka ka socda ee ka dhanka ah khawaarijta.

Tababarkan oo socday muddo shan cisho ah ayaa waxaa ka faa’ideystay 50 xubnood oo ka kala socda hay’adaha dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo qaatay casharro xoojinayo xirfadleyda ka howl gala qeybaha kala duwan ee hay’adaha Warfaafinta dalka.