Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Salaadda Jimcaha ku oogay Masjidka Madaxtooyada ee Jubaland ee Magaalada Kismaayo
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo Booqday Hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Qaahira ku booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdi Qaasim Salaad Xasan.
Guddoomiyaha BFS oo Booqday Xarunta Safaarada Soomaaliyeed ee dalka Masar
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar, waxaana ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Masar Amb. Ilyaas Sheekh Cumar iyo madaxda sare ee Safaaradda.
[DAAWO] Booliska Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay Muqdisho kuna soo qab qabtay kooxo burcad ah
Ciidamada Boliiska Soomaaliya oo xalay Howlgal balaaran oo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir oo maalmihii danbe ay ka dhacayeen falal amnidaro.
Mareykanka iyo Ruushka oo hadalo kulul is dhaafsaday
Mareykanka iyo Ruushka ayaa hadalo kulul leh isku dhaafsaday kulanka waddamada hodanka ah ee laysku yiraahdo G-20 ee ka socda Delhi, taas oo ku aaddan dullaanka Ruushka ee Ukraine.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo dalka Tunisia kaga qeyb-galay shir looga hadlayey la dagaalanka argagaxisada
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Wafdi uu hoggaaminaayay ayaa dalka Tunisia kaga qeyb-galay shirka 40-aad ee Golaha Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Carabta ee ururka Jaamacadda Carabta.
Guddoomiyaha BFS oo dhigiisa dalka masar kala hadlay sidii Masar Soomaaliya ugu caawin karto sugida amniga iyo la dagaalanka kooxaha Argagixisada
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdigiisa ayaa Xarunta Baarlamaanka Magalada Qaahira kulan laba geesood ah kula yeeshay dhigiisa dalka Masar Mudane Dr. Hanafy El Gebaly.
[DAAWO] Nin ku Eedeysan dilkii shalay ka dhacay Isgoyska Jubba oo gacanta lagu dhigay.
Taliska Booliska Soomaaliya Ayaa Caawa Gacanta ku soo dhigay Nin Hubeysan oo Shalay Darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgooyska Jubba ee Magaalada muqdisho.
Guddiga Garsoorka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta BFS oo la kulmay wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaata XFS
Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta BFS Xil Cali Xaaji Daahir ayaa guddoomiyay shir u dhexeeyay Guddiga iyo wasaaradda Diinta iyo Awqaata ajandiisuna ahaa dardargalinta howlaha hortabinta u leh Guddiga iyo wasaaradda.
Mareykanka oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray wasiir ka tirsan Israa’iil
Dowladda Mareykanka ayaa gaashaanka u daruurtay hadal uu jeediyay wasiirka midigta fog ee maaliyadda ee Israa’iil, Bezalel Smotrich, kaas oo ku baaqay in tuulada Hawara laga sifeeyo dadka Falastiiniyiinta – hadalkaas oo Washington ay ku tilmaantay “wax laga yaqyaqsiyoodo” oo “laga caroodo”.
