Home Blog Page 420

Duqa Dagamada Galkacyo oo Tababar usoo xiray Golaha Deegaanka Galkacyo (SAWIRO).

0

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan oo uu weheliyo Agaasimaha Wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta Galmudug ayaa Maanta tababar u soo xiray xubno kamid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo Howlwadeenada Maamulka Dowladda hoose ee degmada Galkacyo kaas oo sare loogu qaadayay aqoontooda ku aadan hirgalinta mashaariicda Horumarinta ee laga fulinaayo degmada Gaalkacyo.

Tababarkan oo Mudo 3-maalmood soconayay ayaa waxaa fududeeyey wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug iyo Hay’adda UNCDF waxaana loogu talagalay in lagu xoojiyo fursadaha ka faa’iidaysiga mashaariicda Dowladaha hoose ee JPLG, kaas oo hay’adaha Qaramada Midoobay ku taageeraan qaar kamid degmooyinka Dalka.

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaana ugu danbeyntii shahaadooyin gudoon siiyay qaar ka mid ah shaqaalaha Maamulka oo dhameystay tababarka.

 

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo lakulmay Dhiggiisa Itoobiya.

0

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane, Abshir Cumar  Huruuse ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada midoobay kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibedda ahna Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Itoobiya, Demeke Mekonnen.

Labada mas’uul ayaa waxay kulankooda kaga wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii uu marwalba u ahaan lahaa mid wanaagsan.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane, Abshir Cumar Huruuse oo ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo  madaxaweyne ,Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada New York kaga qeyb galaya shirka 77-aad ee Qaramada Midoobey ayaa halkaasi kulan doceedyo kula qaatay madax badan oo ka kala yimid caalamka

Wasiirka Gaashaandhigga Iyo Taliyaha XDS oo Bali-doogle Ku Booqday Kumaadooska Danab. (SAWIRO).

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xfs Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xds Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeeray Xerada Bali-doogle ee Ciidanka kumaandooska Xds ee gobolka Shabeelaha hoose.

Wasiirka Difaaca Dalka Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuuriyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeeray Ururada 4-aad iyo 64-aad ee kumaandooska Dabab Xds iyo Guutada 7-aad Xds iyagoona kula darmaamay inay u diyaargaroobaan howlgalada Ciidanka Xds dalka kaga xoreeynayaan Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab.

Guud ahaan Dalka Waxaa Siweyn oga Socda Dhaqdhaqaaqa layskaga Xoreynayo Argagixisada Alshabaab.

Kacdoonkaan oo Bulshada Soomaaliyeed aay Doorweyn ka Qaadanayaan Ayaa Ciidamada Kala Duwan Ee Qaranku Waxay Wadaan Diyaar garow Xoogaan Halka Gobalada Qaar Uu marsii Horeysay ka Bilowday Xoreynta Deegaanada iyo Degmooyinka alshabaab Ku Sugnaayeen.

Gulufkaan Dagaal ee aay iskaashanayaan Shacabka Iyo Ciidamadu ayaa Dhabar jab weyn Ku ah alshabaab.

 

Inka Badan 500 oo Qoys oo kasoo Cararay Argagixisada Alshabaab ayaa Soo gaaray Dhuumasareeb. (SAWIRO).

Maamulka magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta ku dhawaaqey in qoysas kor u dhaafaya 500 qoys oo ay soo barakiciyeen Argagaxisada Alshabaab ay soo gaareen magaalada Dhuusamareeb kuwaa oo deegaameestay kaam dawacooleey oo ku yaala duleedka Xaafada dayax ee magaalada Dhuusamareeb.

Dadkan oo ka soo barakacey boobka iyo af duubka kooxdu ku heyso dadka dagan deegaanada ay ka joogaan argagaxisada gobolka Galgaduud ayaan wadanin agab iyo hanti kale toona, waxaana qaarkood caruurtoodu iyo xoolihiiba kala harey Argagaxisada oo isku dayaysa in ay gabad ka sii dhigtaan Shacabka.

Nuur siyaad raage oo madax ka ah kaamka qoysaskani kusoo barakaceen iyo Axmed Saciid Maxamed oo ah gudoomiyaha xaafada dayax oo ka waramay duruufaha dadkani heysta ayaa Sheegay in Dadkaan Ay Naf iyo Maalba aay Dhibaato kasoo Gaartay Kooxaha Argagixisada ah islamarkaan Aay hadda Naftooda kala Soo Baxsadeen.

Cabdixakiin Cabdulaahi Gudoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Dhuusamareeb iyo Cabdisamad salaad Aadan gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Dhuusamareeb ayaa dhankooda sheegay in ka maamul ahaan ay ku dadaalayaaa sidii wax uun looga qaban lahaa duruufaha ay wajahayaan qoysaskana, iyagoo baaq u diray hey’addaha samafalka iyo cid kasta oo wax kala qaban karta caawinta shacabkan.

Dagaalka Kacdoonka Shacabka ayaa Siweyn oga Bilowday Gobolada Mudug, Galgaduud Hiiraan Ilaa Baay iyo Bokool waxayna Tani Noqon Doonta Cirib tirka Kooxda Argagixisada Alshabaab.

 

Ciidanka Xooga Dalka Oo Alshabaab ka Saaray Deegaano Cusub oo ka Tirsan Galgaduud. (SAWIRO).

Maalinimadii shalay ayay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed si buuxda ula wareegeen degaanka Sino dhaqo.

Howlgal qorsheysan oo Ururada 6aad iyo 3aad ee Kumaandooska Gor-gor Xds ka sameeyeen degaanka Sino dhaqo oo 25 km u jiro degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.

Howlgankaan ayaa lagu qaarajiyey 10 ka tirsan xaharaadi Al-shabab iyadoo dhamaan la bur buriyey meelihii gabaadka u ahaa nabadiidka ee degaanada Sino dhaqo , Labi-dule, Ceel- guusar, iyo tuulooyin koox Argagaxisa ay ku dhibaanteyn jireen Shacabka Aoomaliyeed.

Taliyaha guutada 17aa ee Kumaandooska Gor-gor Xds Gaashaanle dhexe Dayax Cabdi Cabsule Warbaahinta C.Q.S u sheegay in ay guulo waa weyn ka gareen howlgalka.

Sidoo kole Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa howlgalo ka wada gobolada Mudug iyo Hiiraan.

127 ka mid Ah Alshabaab oo lagu Dilay Gobolka Hiiraan

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Janeraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in argagixisada laga saaray degaannada iyo degmooyinka gobolka Hiiraan intooda badan soona afjareen ciidamadu, sidoo kalena ay socdaan howlgallada degaannada gobolka Galgaduud ay ùga saarayaan argagixisada.

Taliyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay howlgaladii ka socda gobolka Hiiraan ku dileen in ka badan 127 dagaalame oo katirsan Maleeshiyada Al-Shabaab, isaga oo u mahad celiyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo guula la taaban karo ka gaaray howlgaladii argagixisada looga saaray degaanno badan oo katirsan gobolka Hiiraan

Howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada Al-Shabaab aya dhawanaha ka socday degaanada cadawga uu gacanta ku hayay ee katirsan gobolka Hiiraan,iyadoona degaladaasi ciidamada dowladda ay ka gaareen guulo

Taliya ‘Biixi’ ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ka go’antahay in meelaha kale maleeshiyada argagixisada dalka ka joogto laga xoreeyo si ay shacabku u helaan nabad iyo xasilooni.

Howlgalo ka Bilowday Deegaanka Booco oo Shalay Alshabaab laga Saaray. (SAWIRO)

Deegaanka booco oo shalay Ciidamada Dowlada iyo kuwa dib u xureynta deegaanka ay kala wareegeen Maleesshiyaadka Argagixisda Al-shabaab waxa ay saaka kawadaan howlgalo lagu xaqiijinayo gudaha xaafadaha deegaankaasi

Deegaanka booco oo Argagixisad in mudo ah ay maamuli jireen ayaa waxa ku yiilay Maxkamad beenaadyo ay dadka shacabka ay ku dhibaatayn jireen iyagoo sidoo kale lacago baad ah uga qaadi jiray

Ururka 6-aad ee guutada 16-aad kumaandoska Danab iyo ururka 8-aad ee guutada 18-aad ee gor gor ayaa si wadajir ah holwgalkaasii lagu xaqiijinayo Amniga saaka kawada nawaaxiga deegaanka booco