Home Blog Page 420

Soomaaliya oo ku sii dhawaanaysa bar-dhammaadka deyn cafinta

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige ayaa manta kulan is-xog wareysi ah la yeeshay madaxda hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo kooxda qaabilsan hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo hada meel gabo-gaba ah maraya.

Kulanka oo lagu qabtay aaladda fogaan araga ayaa diiradda lagu saaray qodobada mudnaanta gaar ka ah leh ee haatan hor yaala wasaaradda maaliyadda oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay horumarinta maaliyadda, xoojinta dakhliga gudaha iyo ku dhaqmida nidaamka Maamulka maaliyadda guud ee Public Financial Management (PFM).

Mudane Biixi Iimaan Cige oo dhawaan la wareegay shaqada wasaaradda maaliyadda ayaa muujiyey ahmiyadda ay dalka u leedahay dar-dar galinta shaqooyinka maaliyadda oo ay ugu horeeyaan dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo daadajinta hufnaanta maamul wanaaga maaliyadda dalka.

Safaarada Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka turkiga ayaa soo saartey wargeling ku socota jaaliyada Soomaaliya

0

Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa soo saartay wargalin ku socota Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Qoraalka ka soo baxay Safaaradda ayaa lagu yiri ” Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Deggan Dalka Turkiga waxaa lagu wargelinayaa in Laga bilaabo 01 August 2023 Cusboonaysiinta Baasaboorka Lacagtiisa loo wareejiyay Bankiga,Lana Joojiyay Lacagtii Gacanta lagu qabanayay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNFPA

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNFPA oo maanta Safar shaqo kuso Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweyne Laftagareen iyo Madaxa Hay’adda UNFPA Niyi ojoulape ee Wafdiga uu Hogaaminayey ayaa ka Wada Hadlay Hormarinta Adeegyada Caafimaadka, Barashada Farsamada Gacanta, Shaqa Abuurka Dhalinyarada iyo Xoojinta Wada Shaqaynta.

Kulanka Waxaa ka qeybgalay Wasiiradda Wasaaraddaha Qorshaynta, Dhalinyarada, Caafimaadka, Dekedaha, Haweenka iyo Biyaha.

Taliyaha Ciidanka dhulka General Axmed Aadan ayaa gaaray Degmada Galcad ee Bariga Gobolka Galgaduud

0

Taliyaha Ciidanka dhulka XDS General Axmed Aadan ayaa gaaray Degmada Galcad ee Bariga Gobolka Galgaduud halkaas oo Fariinsin u ah Cutubyo Ka tirsan Ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha ayaa kormeeray fariisimaha ciidanka isagoo halkaas kula kulmay saraakiisha hogaaminaysa ciidanka xoogga waxaana uu ka dhagaystay warbixino la xidhiidha xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka iyo howlgallada Khawaarijta lagu sifeynayo.

Taliyaha ayaa Ciidanka ku amaanay guulihii ay ka gaadheen howlgaladii ugu dambeeyey ee lagu xasuuqay khawaarijta waxana u sheegay in ay u diyaar garooban wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka khawaarijta.

Maxkamada ciidamada qalabka sida  ayaa magalada baydhabo saaka ka bilowdey dhageysiga dacwad loo heysto 14 eedeysane

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda 60aad ayaa Magaalada Baydhabo saaka ka bilowday dhageysiga dacwad loo haysto 14 eedeysane oo loo haysto inay ka tirsan yihiin Kooxaha Khawaarijta.

Madaxweynaha Galmudug oo casho sharaf u sameeyay madax ka socotay Qaramada Midoobay

0

Madaxweeynaha Dowladda Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa  Aqalka Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ugu sameeyay casho sharaf madax ka socotay Qaramada Midoobay, gaar ahaan IESG oo qaabbilsan arrimaha doorashooyinka iyo dimuquraadiyeynta, kuwaas oo muddo shan maalmood ah ku sugnaa deegaannada Dowladda goboleedka Galmudug.
Madaxweeynaha ayaa dhinaciisa uga mahadceliyay wafdiga dadaalka ay ku bixinayaan arrimaha dimuquraaddiyeynta iyo horumarka degaannada dowlad goboleedka Galmudug.

Taliyaha Ciidanka Booliiska iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray Ciidanka Birmadka

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto.Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimada, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maxamed Axmed Diiriye iyo Saraakisha Birmadka iyo Hoggaanka Dhismaha Booliiska, ayaa kormeeray Ciidanka Birmadka Booliiska ee  Ilaalada Amniga Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Kormeerkan ayaa ku saabsanaa korjoogteynta Hanaanka Shaqo iyo baraarujinta Ciidanka Birmadka ee ka howlgala Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Howlgal qorsheysan oo ka dhacay Budbud oo lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

0

Howlgalka qorsheysan oo ciidamada sida gaar ah u tababaran ee kumandooska Danab ka fuliyeen shalay galinkii dambe deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in howlgalka ka dhacay Budbud iyo aagga Galcad ee gobolka Galgaduud lagu dilay Khawaarij badan oo horjoogayaal ku jiraan.

Howlgalkan ayaa lagu dilay 18 dhagarqabe oo isugu jiri horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay deegaankaas lagana war helay xogtooda.

Sargaal ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in sidoo kale caqta la mariyay goobo cadowga keyd u ahaa oo ay sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa ay u yaaleen.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo lagu beegsanayo Kooba dhagarta ka soo maleegayaan Khawaarijta kawada gobollada dalka, iyadoo dhawaan uu bilaaban doono wajiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal oo lagu wareejiyay heshiiskii madasha wadatashiga

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa waxay  Guddiga Dib u Eegista, La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ku wareejiyeen nuqulada heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran.

Guddoonka labada aqal ayaa Guddiga waxay kula dardaarmeen in ay luuqad dastuur kuso qoraan Isla markaana horkeenaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana guddiga ay guddoomeen nuqulada heshiiskii Madasha Wada-tashiga Qaran.

Muqdisho-Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu burburiyey goobo khawaarijtu ku kaydsan jireen sunta qaraxyada iyo saanad ciidan

0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha Guutada 16-aad ciidanka kumaandooska Danab XDS G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa sheegay in howlgalkan lagu burburiyay goobo ay ku kaydsan jireen khawaaeijtu sunta iyo alaadaha kale ee ay khawaarijta ka sameeyan walxaha qarxa iyo goob kale oo ku kaydsadaan hubka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada qaar kamid gobollada dalka, iyagoo khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxaana dhawaan lagu wadaa in uu bilowda wajiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada.