ATMIS oo ku dhawaaqday in Soomaaliya ay ka saareyso 3,000-askari dhammaadka bisha September

Date:

Shir jiraa’id uu taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, Sarreeye Guud Som Okiding ku qabtay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay ka bixitaanka tirada 3,000 ( Saddex kun) oo askari ee ay ka baxayaan Soomaaliya qeyb ka tahay qorshaha qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dhammaadka sanadka 2024-ka, guud ahaan ciidamada ATMIS ay Soomaaliya kaga wada baxayaan.

Sugidda ammaanka dalka waxaa si buuxda ula wareegaya ciidamada qaranka, kuwaas oo hadda tayo iyo tababar xooggan leh.

” Ciidamada ATMIS waxay ku guuleysteen in ay fuliyaan howlgallo dhowr ah oo dhammaantood ay wada guuleysteen, iyagoo kaashanaya ciidamada kala duwan ee Dowladda, ciidamadu AU waxay mar walba heegan u yihiin in ay taageeraan howlgallada lagu ciribtirayo argagixisada ee ka socda Dalka, waxaan la howlgalnaa ciidamada qalabka sida, ATMIS sida aad ogtihiin waxay waddanka ku leedahay lix fariisin oo ku kala yaalla gobollada Dalka,” ayuu yiri taliyaha ciidamada ATMIS.

Bishii Juun ayay ahayd, markii 2,000 ( labo kun) oo ka mid ah ciidamada ATMIS dib loogu celiyay dalalkoodii, balse dhammaadka bisha September waxaa loo balansan yahay saddex kun oo kale, dheeraad ah dib loogu celiyo dalalkooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay ciidamada qaranka ay ku filan yihiin sugidda amniga Dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-shabaab, ugana mahadcelisay ciidamada ATMIS dadaalkoda nafhurninada iyo dhiigga ay u hureen walaalahooda Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...