Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay marxaladda dagaalka Khawaarijta

Date:

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa farriin u diray ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka, taas oo ku aadan inay sii xoojiyaan gulufka ay dhabarka uga jabinayaan argagixisada.

Mudane Xasan Sheekh ayaa ciidanka dareensiiyey inay dagaalka ka soo bilaabeen dhul boqolaal Km ka fog degmooyinka iyo deegaanada todobaadkii hore la xoreeyey, haatana Khawaarijtu ay marayaan maalmihii noloshooda ugu xumeed, ayna dhawdahay waqtigii guusha wayn laga gaari lahaa.

Waxa uu ka hadlay dagaalkii u dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Cawsaweyne ee gobolka Galgaduud, kaas oo Khawaarijtu dicaayad been ah ka samaysay, isagoo xusay in sida dhabta ah la ogaaday in 190 ka tirsan Khawaarijta dagaalkaas lagu dilay, maleeshiyaduna ay xabaal wadareed ku wada aastay, dhaawacoodiina ay dileen maadamaa aysan isbitaal u haynin, isagoo balan qaaday in dowladdu ay dib u baari doonto xawaal wadareedyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay la xisaabtanka kuwa la siiyey awood dowladeed ee masuuliyadooda khiyaamay ama ka gaabiyey inay xilkooda si hufan u gutaan.

โ€œKuwa ka shaqaynaya inay ciidanka taswiish galiyaan ogaada waa Shabaabโ€ ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Dhinaca kale madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowladda ay ka goโ€™antahay ciribtirka Khawaarijta.

โ€œDagaalku waa soconayaa ma istaagayo, meelaha aan joogno kama soo noqonayno, guusha kama dambaysta ah ee aan raadinayno aan gaaraynaaโ€ ayuu yiri madaxweyne Xasaan Sheekh.

Ugu dambayn madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo ay ciidanka ku garab istaagaan xoog iyo xoolaba, si loo dhiirrigaliyo ciidanka, loogana guuleysto cadowga ragaadiyey horumarka dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...