Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray taliska ciidanka xoogga ee Aadan yabaal

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray taliska ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta ee degmada Aadan Yabaal, halkaas oo si diirran ay ugu soo dhaweeyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedada safarkiisu ay tahay sidii uu u dhiirigelin lahaa geesiyaasha ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee gacanta birta ah ku ciribgoynaya inta yar ee kaga harsan kooxaha Khawaariijta Galmudug iyo Hirshabelle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kuurgeli doona isbeddellada nololeed ee ka jira deegaannadii laga sifeeyey Khawaarijta, oo ay ka mid tahay degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal, isla markaana kulamo gaar ah la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Taliska Ciidanka X.D.S ee laga hoggaamiyo dagaalka ka socda Galmudug iyo Hirshabelle ee lagu sifeynayo argagixisada.

Waa safarkii labaad ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku tago degmada Aadan Yabaal, taas oo muujineysa ahmiyadda ay Xukuumaddu siineyso xoreynta iyo sugidda amniga dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...