Home Blog Page 392

Qaramada M oo ka digtay in daadadka ka jira Soomaaliya ay keeni karaan cudurro.

Daadadka webiyada ee ka dhashay roobabka lixaadka leh ee ka da’aya Soomaaliya waxay keeni karaan soo ifbaxa iyo in ay dillaacaan cudurrro halis ah oo ka dhallan kara biyaha ,sidaasi waxaa digniin ku bixiyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegtay in roobabkaan ay ku soo aadeen xilli ay jireen  cudurka Daacuunka iyo shuban biyoodka oo laga soo sheegay  maamul goboleedyada Jubaland, Koonfurta Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed.

OCHA, oo soo xiganaysa tirokoob ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka, ayaa sheegtay in ugu yaraan 4,000 oo kiis oo looga shakisan yahay daacuunka iyo 17 dhimasho oo xidhiidh la leh laga soo sheegay 27 degmo tan iyo bishii Jannaayo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Xinhua.

Waxa ay intaa ku dartay in daadadka ka dhashay roobabka ay saameeyeen in ka badan 1,75,000 oo qof oo ku nool Soomaaliya tan iyo bilowgii xilli roobaadka ee bartamihii bishii March, kuwaas oo 140,000 oo ka mid ah ay barakaceen.

“Haddii roobab mahiigaan ah ay ka da’aan Soomaaliya iyo dhulka sare ee Itoobiya inta lagu jiro xilliga, waxaa la qiyaasayaa in fatahaadaha wabiyada ay saameyn karaan ilaa 1.6 milyan oo qof, iyadoo in ka badan 600,000 ay ku barakici karaan,” OCHA ayaa sidaa ku digtay.

Waxa ay sheegtay in barakaca ugu badan uu ka dhici doono deegaannada kulul ee ku teedsan webiyada Jubba iyo Shabeelle, iyo qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Banaadir, iyadoo horay fatahaado ay uga dhaceen deegaannada Galmudug, Puntland iyo Somaliland.

OCHA ayaa sheegtay in in ka badan 21 qof ay ku dhinteen daadad ka dhacay degmada Baardheere ee dowlad goboleedka Jubaland, kadib roobab xooggan oo da’ay 21-kii ilaa 24-kii bishii March.

Roobabkaan culus iyo daadadka ayaa yimid kaddib shan xilli oo abaar ah oo keenay barakaca in ka badan 1.4 milyan oo Soomaali ah iyo dhimashada 3.8 milyan oo xoolo ah tan iyo bartamihii 2021, ayay tiri hay’adda Qaramada Midoobay.

Wasiirka Amniga oo dalka Serbia tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Qaranka. {SAWIRRO}

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Magaaladda Belgrade ee dalka Serbia tababar ugu soo xiray qaar ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada iyo Madaxweynaha JFS.
Munaasabadda Xiritaanka waxaa goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia Mudane Bratislav Gasić, Danjiraha JFS u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Saraakiil ka tirsan Dugsiga Tababarka Ciidamada gaarka ah Marshal Josip Broz Tito.
Askarta Tababarka loo soo xiray ayaa gaarayay 60-Askari oo isugu jiray Saraakiil, Saraakiil xigeeno, Dabley iyo Alifley kuwaas oo qaatay Tababar heer Sare oo ku saabsan Amniga Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Dowladda Serbia uga mahadceliyay garab istaaga iyo Taageerada ay u muujisay Soomaaliya.

C/raxmaan C/shakuur oo ka qeyb galay dood la xariirta sidii xal loogu heli lahaa Sugnaanta Cuntada {SAWIRRO}

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay dood la xariirta sidii xal loogu heli lahaa Sugnaanta Cuntada, taas oo barbar socotay shirka shandlaha ah ee Kulamada Gu’ga (Spring meetings) oo ay soo qaban qaabiyeen Bangiga Adduunka (WB) iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).
Dooddaan oo ay qeyb ka ahaayeen madaxa Hey’adda Ganacsiga Adduunka (WTO), madax ka socotay Bankiga Adduunka, Wasiirrada Horumarinta Caalamiga ah ee dalalka Ingiriiska, Denmark iyo masuuliyiin kale, ayaa diiradda lagu saaray siyaabaha wax looga qaban karo sugnaan-la’aanta cuntada oo ka dhalata colaadaha, saboolnimada, xaalufinta degaanka, fatahaadaha, abaarta iyo arrimo kale.
Ergeyga ayaa kulanka la wadaagay fursadaha iyo caqabadaha is hareer yaal ee Soomaaliya ka saari kara dhibaatada cunto yaraanta iyo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye, isagoo xusay in Soomaaliya aysan kaalmo raadsi keliya ahayn ee ay miiska soo saarayso khayraad dabiici ah, bulsho ruux iyo firfircooni ganacsi leh, dal ahmiyad juqraafi siyaasadeed leh iyo dhallinyaro firfircooni, hal abuur iyo hami sarreeya leh.
Ergeyga ayaa horraanba muujiyay muhiimadda ay leedahay maalgalinta mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, ka soo kabashada iyo horumarka, sida; in Soomaaliya lagu gacansiiyo maalgashiga dhanka beeraha, xoolaha, kalluumaysiga, macdanta iyo shidaalka si ay u daboolaan baahida conto yarida, loogana kaaftoomo gurmadka degdegga ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn.
Kulamada Gu’ga (Spring meetings) oo ay sanadkaan ka dhacaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo quseeya caalamka oo ay ku jiraan, ciribtirka faqriga, horumarinta dhaqaalaha, waxtarka gargaarka iyo dhacdooyin kale oo diiradda saaraya dhaqaalaha adduunka, horumarka caalamiga ah iyo hannaanka maaliyadeed ee dunida.

RW Xamse Cabdi Barre oo guddoomiyey shir looga hadlayey dardargelinta iyo hagidda xasillinta deegaannada Khawaarijta laga xoreeyey

0

Muqdisho, Abriil 13, 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dardargelinta iyo hagidda xasillinta deegaannada Khawaarijta laga xoreeyey.

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA oo ku dhawaad 1,000 Qoys oo danyar ah maanta gargaar ugu qeybisay Deegaanka garasbaaleey

0

Waxaa  maantay deegaanka garasbaaleey ee Gobolka Banaadir gargaar loogu qeybiyey 900 oo qoys oo barakacyaal ah taas oo kamid ah Mashruuca Gurmadka Degdega ah ee lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen  waxaana si wada jir ah u fulinaya  Hay’adda maareynta Masuuboyinka Qaranka iyo Hay’adda Boqor Salmaan.

Shirka amniga gobolka Bari ayaa laga soo saaray Go’aamo adag oo amniga wax looga qabanayo.

0

Shirka amniga gobolka Bari ayaa laga soo saaray Go’aamo adag oo amniga wax looga qabanayo.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf.

Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud ee labada dal, sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah, ee ka dhexeeya labada Dal.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa hambalyo u direy ciidanka xooga dalka.   

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska sannad-guurada 63-aad ee aas-aaskooda u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xuska sannadkan uu ku soo aaday iyada oo guulo waaweyn laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, isla markaana ciidankeenna geesiyaasha ah ay gacanta ku dhigeen dhul ballaaran oo sannado badan ay ku dhibaateynayeen shacabka.

“Hambalyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xuska Sannadkan wuxuu ku soo aaday iyadoo aan u dabaal dageyno guulaha waaweyn ee aad ka soo hoyseen furimaha dagaalka, laguna jabiyey Khawaarijta”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ay barbar socotay qorshaha dib u dhiska, tayeynta iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka oo hadda meel wanaagsan maraya.

Mudane Xamse ayaa xusay in Xukuumaddisu aysan marnaba ilaawi doonin halyeeyadii naftooda u haray difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si ay cadowga Khawaarijta ah uga dulqaadi lahaayeen.

Gudoomiye sheekh aadan madoobe oo hambalyo u direy ciidanka xooga dalka

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Xoogga Dalka oo u dabbaal dagaya sanad guurada 63-aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay 12-ka April 1960-kii.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa farxada munaasabadan qiimaha badan ee aas aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed la qeybsaday saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda, xaasaskooda iyo caruurtooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku tilmaamay in ay yihiin astaan Ka turjumeysa jiritaanka Dowladnimo ee dalka, isagoona xusay inay u taagan yihiin difaaca dalka iyo guud ahaan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka, waxaana uu sheegay in ay ku suntanyihiin ilaalinta wadajirka iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed, iyagoo naftooda u hibeeyay si ay dalkooda uga xoreeyaan cadawga Khawaarijta.

Guddoomiyaha oo gunaanadka dhambaalka hambalyada CXD ku boggaadiyay guulaha ay kasoo hooyeen furimaha dagaalka iyo sida ay u wiiqeen cadoowga argagixisada ah ee baneystay dhiiga shacabka Soomaaliyeed, ayaa u rajeeyey guulo joogto ah, isagoona ku boorriyay in ay sii laba jibbaaraan dadaalka difaaca qaranka iyo la dagaallanka argagixisada.

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

0

1- President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Hassan Sheikh Mohamud held talks in Mogadishu with the Secretary General of the United Nations, Antonio Guterres. The President briefed the SG on the progress made in the war against the Kharijites Al Shabab, the general situation in the country and the challenges.

2- The Secretary General of the United Nations, Antonio Guterres, visited Baidoa in South West State where he met people who were displaced due to the problems of Kharijites Al-Shabab and the droughts.

3- The Secretary General of the United Nations, Antonio Guterres, who has completed a two-day visit to Somalia, has called on the international community to support Somalia, as the country gears towards progress and stabilization.

4- The President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Hassan Sheikh Mohamud met this week in Mogadishu with the Minister of Foreign Affairs of Finland Pekka Haavisto.

5- The President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Hassan Sheikh Mohamud, visited the Hiil Weyne Somali National Army camp in Balcad, where there are thousands of soldiers who will participate in the security operations of the capital ,Mogadishu.

6- The Cabinet has passed a law to control carrying weapons in the streets of Mogadishu. The move is part of the stabilization program of the capital.

7- The President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Hassan Sheikh Mohamud, has backed the cabinet ban of the civilian use of machine guns and other weapons in the capital, Mogadishu.

8- The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, Mr. Hamsa Abdi Barre, met with the Ambassador of Qatar to Somalia in Mogadishu to discuss strengthening the relations and cooperation between the two countries.

9- The Prime Minister of the Federal Government of Somalia Mr. Hamsa Abdi Barre met with the Chinese Ambassador to Somalia in Mogadishu.

10- Prime Minister Hamsa Abdi Barre called on businessmen to strengthen their investments in the country.

11- The Cabinet has approved the appointment of the Chief of Custodial Corps Brig. General Mahad Abdirahman Aden.

12- The envoy of the President of Somalia for Somaliland affairs Mr. Abdikarim Hussein Guled met with President Ismail Omar Guelle in Djibouti.

13- The President of Jubaland State, Ahmed Mohamed Islam, visited the areas of Aw-Kumbale, El Ad, Canjeel, Harboole and Janay-Abdalle which were recently liberated from the Kharijites Al Shabab.

14- The Somali National Army marks its 63rd anniversary today since its establishment.

15- The Somali National Army has liberated villages along the Shabelle River in the south of Beled Weyne from the Kharijites Al Shabaab.

16- The Somali National Army and the local people who are fighting the Kharijites Al Shabab have carried out operations to chase the Kharijites from areas located in Buulo Burte District in Hiiraan, while destroying some caves used as hideouts by the terrorists.

17- Somali National Army conducted an offensive against Al Shabab terrorists in Ceel Juqow village in Galmudug State.

18- A meeting attended by the countries of the Front-Line states, which discussed the coordination of the beginning of the second phase of the war against the Al Shabab, was concluded in Mogadishu.

19- The Puntland State Military Court has handed death penalties to some 14 Al Shabab convicts.

20- The Somali National Forces continue to successfully secure the capital city, and prevented many cases of attempted criminal acts intended to harm the Somali people.