Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan is-xogwareysi ah la qaatay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Xudur.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan is-xogwareysi ah la qaatay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Xudur ee Gobolka Boakool.
Guddoomiyaha ayaa Xildhibaannadda Golaha degaanka degmada Xudur ka dhageystay warbixin adeegyada bulshada ay u hayaan iyo wada shaqeynta dhexdooda ah.
Xildhibaannada ayaa Guddoomiyaha la wadaagay in dhibta ugu badan ee shacabka deegaanka heysto ay tahay go’doominta Khawaarijta, waxayna u sheegeen inay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada iyo abaabulka shacabka ee ku aaddan bilowga wajiga labaad dagaalka lagula jiro kooxda Khawaariijta, oo dhowaan ka bilaaban doono deegaanada Koonfur Galbeed.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaannada Golaha Deegaanka Degamada Xudur ku dhiirageliyay in ay laba jibbaaraan adeegyada bulshada ay u hayaan iyo in ay qeyb ka noqdaan abaabulka iyo taageerida Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhul gariir ka dhcay dalka Indonesia

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay...