Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan is-xogwareysi ah la qaatay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Xudur.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan is-xogwareysi ah la qaatay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Xudur ee Gobolka Boakool.
Guddoomiyaha ayaa Xildhibaannadda Golaha degaanka degmada Xudur ka dhageystay warbixin adeegyada bulshada ay u hayaan iyo wada shaqeynta dhexdooda ah.
Xildhibaannada ayaa Guddoomiyaha la wadaagay in dhibta ugu badan ee shacabka deegaanka heysto ay tahay go’doominta Khawaarijta, waxayna u sheegeen inay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada iyo abaabulka shacabka ee ku aaddan bilowga wajiga labaad dagaalka lagula jiro kooxda Khawaariijta, oo dhowaan ka bilaaban doono deegaanada Koonfur Galbeed.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaannada Golaha Deegaanka Degamada Xudur ku dhiirageliyay in ay laba jibbaaraan adeegyada bulshada ay u hayaan iyo in ay qeyb ka noqdaan abaabulka iyo taageerida Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...