Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay duubabka dhaqanka ee Gobolka Bakool.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan la qaatay duubabka dhaqanka ee Gobolka Bakool.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa duubabka dhaqanka ee Gobolka Bakool ka dhageystay warbixin ku saabsan xaalada deegaanka oo ay ugu horreeyaan amniga, waxbarashada, iyo adeegyada kale ee bulshada, iyadoo ay dhaqanku sheegeen in ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan abaabulka lagu ciribtirayo kooxdan arxan-laawayaasha ah ee Khawaariijta.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa duubabka dhaqanka Gobolka Bakool ku ammaanay sdkeysiga iyo xoojinta dadaalada ay ku doonayaan inay in kooxda nabadiidka ah isaga xorreeyaan si deeganadaan ay dib ugu soo laabtaan dhammaan adeegyada kala duwan ee dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...