Home Blog Page 391

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray ciidamo katirsan xoogga Dalka

0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdinuur Daahir Fiidow ayaa dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Turk-Som tababar ugu soo xiray Ururka 12-aad ciidanka Gorgor ee CXDS kuwaas oo ku biiri doona guutada 18-aad ee Ciidanka.  Ciidamadan oo ah kuwo qaba tababar dhammeystiran ayaa ku biiri doona hawlgalada ay ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanku dalka kaga ciribtirayaan Khawaarijta AS.

Wasiiru dowlaha ayaa kaga mahad celiyay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sida ay kaga go’antahay dhismaha  ciidan qaran oo awood u leh difaaca Dalka, Wasiir cabdinur ayaa sidoo kale u mahadceliyay macalimiinta  dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo macalimiinta Soomaaliyeed ee  juhdiga ku bixiyay Ciidankan intii uu tababarka socday.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray baraha koontarol ee laga sugo Amniga Caasimadda

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu Wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa caawa kormeer ku saabsan u kuur galida sugida Amniga Caasimadda ku tagay baraha Kontorol ee ku yaala Degmooyinka xiga qeybta Bari ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa mid mid u booqday baraha Koontarool ee laga soogalo dhinaca Bari, asigoona halkaasi warbixino Amniga quseeya kaga dhageystay saraakiisha iyo ciidankii uu kula kulmay goobihii uu booqday, waxa uuna ku dhiirageliyay sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugida amniga iyo ka hortaga dhagarta cadowga.

Ra’isul Wasaare Xamse oo Doha kula kulmary saraakiil katirsan CXD oo tababar uu u socdo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar, kula kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu halkaas tababar uga soconayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay Saraakiisha rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan ee ah in ay hormuud u noqodaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Dowladda Qatar uga mahad-celiyey taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan soo saaridda saraakiil tayo sare leh oo kamid noqda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Ciidamada Xoogga Dalka oo khaarijiyay xubno katirsan Khawaarijta

0

Ciidanka qalabka sida oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa jabiyay maleeshiyo ka tirsan khawaarijta oo xalay isku dayay in ay weerar ku soo qaadaan degmada Berdaale ee gobolka Baay.

Ciidanka Xoogga oo ka warqabay damaca dhagarqabayaasha Khawaarijta ayaa halkaas ku dilay horjoogihii kooxda khawaarijta ee soo weeraray degmada iyo maleeshiyaad kale oo la socday.

Warkan oo faah-faahsan goordhaw kala soco warbaahinta Qaranka

Ciidamada Xoogga oo khawaarijta ka xoreeyay Deegaanka Ceel-lahelay iyo tuulooyin kale

Ciidamo isugu jira xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka oo dhowr deegaan ku baacsaday Khawaarijta ayaa gaaray deegaanka Bulacle oo u dhow deegaanka Ceel-lahelay oo isna shalay laga xoreeyey Khawaarijta.

Ciidankaan waxaa hoggaaminaya saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo uu kamid ahaa Jeneraal Aadan Laba-afle iyo guddooomiyaha caasimadda Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqorow, sidoo kale waxaa shalay ciidanka furimaha ku booqday Senator Cabdixakiin Macalin Axmed iyo guddoomiyaha gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganey.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay ku jiraan howlgal saf-balaaran ah oo ka socon doona deegaanka Ceelgaras ilaa degmada Ceelbuur ee bariga gobolka Galgaduud.

Wasiirka Kaluumaysiga XFS oo sheegay in la joogo waqtigii ugu danbeeyay ee Khawaarijta.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo la hadlay qaar kamid ah hoggaamiyaasha bulshada ayaa ku baaqay in loo istaago soo gabagabeynya iyo ciribtirka kooxaha khawaarijta ee weli ka dagaalamaya deegaanada Galmudug.

Wasiirka oo si gaar ah u xusay doorka culumada ayaa sheegay in masha’iikhdu ay sabab u ahaayeen in dalka laga xoreeyo gumeysiga shisheeye ee ku soo duulay dalka,wuxuuna intaa raaciyay in kooxaha nabad-diidka ah ay doonayaan dib u dhac iyo xasilooni darro guud oo ku habsada dalka Soomaaliya.

Wasiir Axmed Xassan Aadan ayaa caddeeyay in guusha ay ku xiran tahay in culumada iyo shacabku ay ku dhaqaaqaan la dagaalanka kooxaha khawaarijta,isagoo dhinaca kale ku taliyay in ay isdaba qabtaan kooxahaasi oo ay isu soo dhibaan ciidamada dowladda si ayuu yiri loo badbaadiyo naftooda.

Ballaarinta xubnaha BRICS, Afrika iyo Galbeedka ma waxay u tahay isku dheelitir awoodeed ama is jiidjiid cusub?

0

Is-balaarinta degdega ah ee wadamada ku midoobay iskaashiga dhaqaalaha ee loo soo gaabsho BRICS ee kala ah Baraasiil, Ruushka, Indiya, Shiinaha, iyo Koonfur Afrika—waxay xoojisay hadal haynta ku saabsan doorka Afrika ee nidaamka cusub ee aduunka. Taariikh ahaan, Afrika oo ah meel ay ku badantahay saameynta  reer galbeedka iyo ka’faaideysigooda kheyraadka qaaradda, ayaa xilligan waxay wajahaysaa xaalad xasaasi ah. Qoraalkan waxaan ku eegi doonaa bal in Qaaradda noqon doonto mid wado cusub u jeexda awoodaha is haya ee reer-galbeedka iyo BRICS ama waxay noqon doontaa goob ay awoodahan ku dagaalamayaan oo ay siku jii-jiidaan?

Qiimaynta taariikhiga ahi waa muhiim si loo fahmo xaaladaha siyaasadeed ee ay soo martay qaaradda. Laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19-naad, qaaraddu waxa ay bartilmaameed u ahayd imbaradooriyadda Yurub, taasi oo si weyn u qaabaysay qaab-dhismeedka dhaqan-siyaasadeed. Wadamada reer galbeedka oo ay ugu horeeyaan Maraykanka iyo quwadihii hore ee gumaystaha sida Faransiiska iyo Ingiriiska, ayaa reebay saamayn aan la qiyaasi karin, iyagoo ku soo gabanaya deeqo shisheeye iyo mashaariic horumarineed.

Si ka duwan qaababkii soo jireenka ahaa ee reer galbeedku u wajaheen qaaradda Afrika, waxay u muuqataa in isbahaysiga dhaqaale ee BRICS uu la soo shir-tagayo qaab ay ka marantahay faragelin isla markaana leh sinaan iyo horumar. Iyada oo maalgelin weyn lagu samaynayo kaabayaasha dhaqaalaha , waxbarashada, iyo tignoolajiyada, waddamada BRICS waxay higsanayaan in ay la yeeshaan Afrika xiriir faa’iido leh. In Koonfur Afrika xubin ka tahay BRICS ayaa waxay qaarada Afrika siinaysaa cod miisan leh iyo fursado gaar ah taasi oo u sahlaysa qaarada in ay la jaan qaado horumarka iyo kobaca.

Soo ifbaxa iskaashiga BRICS ayaa dhibaato ku ah wadamada reer galbeedka. Inkastoo weli reer galbeedka si buuxda gacanta ugu hayaan dibloomaasiyadda iyo dhaqaalaha qaaradda, haddana is-balaarinta BRICS waxay halis ku tahay in wax ka badasho dheelitirka awoodda. Kuwa wax naqdiya waxay tilmaamayaa in xiriirka BRICS la mid yahay “diblomaasiyadda dabinka deynta,” gaar ahaan Shiinaha, si ay ugu doodaan in ka-qaybgalka kooxda laga yaabo inaysan u noqon Afrika deeqsinimo sida muuqata.

Cabsida ayaa ah in iyadoo laga yaabo in wadamada BRICS aysan si cad ku xirin shuruudo deeqaha iyo taageerada ay bixinayaan, in haddana ay si hoose u soo rogi karaan xaalado dhaqaale oo wax u dhimaya madax banaanida Afrika. Qaaradda ayaa hadda wajahaysa fursad aan horay loo arag. Dhinac, waxa jira xiriir soo jireen ahaa oo ay qaaraddu la leedahay reer galbeedka, oo ay ka buuxaan taariikh iyo aqoon. Dhanka kale, waxaa jira isbahaysi cusub oo lala yeesho wadamada BRICS kuwaas oo ballan qaadaya koboc dhaqaale oo aan lagu xirin shuruudo siyaasadeed oo cad.

Waxa xaqiiq ah in wadamada Afrika aanan si siku mid ah loo la dhaqmi Karin, sababtoo ah heerka dhaqaale ee wadamada Afrika ayaa u baahan habab kala duwan. Laga bilaabo waddamada kheyraadka qaniga ku ah sida Nigeria iyo Angola ilaa xarumaha teknolojiyadda ee kobcaya sida Kenya iyo Rwanda. Ururka BRICS wuxuu u wajahayaa Qaaradda siyaabo kala duwan, laakiin caqabaddu waxay tahay sidii lagu ogaan lahaa iskaashiga ku habboon baahiyaha horumarineed ee dalalka Afrikaan.

Balaarinta ururka dhaqaalaha ee BRICS waxa ay siinaysaa wadamada Afrika awood ay ugala xaajoodaan heshiisyo wax tar leh ururka BRICS iyo wadamada reer galbeedka. Si kastaba ha ahaatee, waxa jirta digniin—Afrika waa in ay iska ilaalisaa in ay noqoto goob ay ku hardamaan quwadaha reer galbeedka iyo Ururka BRICS kuwaasi oo isku haya siyaasad iyo awood. Waa in si taxadar leh loo abuuraa Iskaashi istiraatijiyadeed, iyadoo la kala soocayo danaha qaranka iyo faa’iidada mustaqbalka fog.

Dhinaca kale, balaarinta lama filaanka ah ee ururkan iyo oggolaanshaha lixda xubnood ee cusub ee Sucuudiga, Iran, Itoobiya, Masar, Arjantiin iyo Imaaraadka Carabta, ayaa laga yaabaa inay saamayn ballaaran yeelato, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Mid ka mid ah su’aalaha ugu xiisaha badan ee ka dhashay ballaarintan ayaa ah in qaabka ururka BRICS wax u wajahayo ee ku salaysan iskaashiga hurumarinta dhaqaalaha laga yaabo in uu xal u noqdo khilaafaadka muddada dheer soo jiitamayay ee xubnaha cusub, sida muranka wabiga Niil ee Masar iyo Itoobiya.

Marka la eego sida ururkan diiradda u saarayo kobaca dhaqaalaha iyo maalgashiga, BRICS waxay horumarin kartaa xalal iskaashi oo faa’iido u leh labada waddan. Xaaladani waxay tijaabo u noqon kartaa awoodda ururka ee kobcinta diblomaasiyadda dhaqaale ee xubnaheeda.

Doorka Shiinaha ee dhexdhexaadinta Sucuudiga iyo Iran ayaa bixinaya aragti wanaagsan oo ku aadan sida BRICS ay u wajahdo xallinta khilaafaadka. Xiisaddii soo jireenka ahayd ee u dhaxaysay Riyadh iyo Tehraan ayaa xoogaa hoos u dhacday, waxaana mahadaasi leh Shiinaha oo adeegsaday aragtiyo istiraatijiyadeed iyo dano dhaqaale oo isugu jira.

Ugu dambeyntii waxa muuqata in Afrika iyo saaxibadda cusub eek u biiraya BRICS ay haatan haystaan fursado aan horay loo arag oo ay dib ugu qeexi karaan mustaqbalkooda. Waa dheeli tirnaan aan sugnayn, balse rajo leh oo u baahan dhaq-dhaqaaq dublamaasiyadeed oo hufan. Mar walba oo danaha leeyahay ay kordhaan, waxa sidoo kale sara u kaca  suurtagalnimada isbeddelka ee Afrika iyo guud ahaan bulshada caalamka.

W/Q: Dr Maxamed Cismaan

MACLUMAAD KU SAABSAN QORAAGA

Dr Mohamed Osman Mohamoud, waxa uu heysta shahaadada PhDga. Waa La-taliyaha Dhaqaalaha Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale waa Xubin ka tirsan Golaha Dhaqaalaha Qaranka, wuxuuna u shaqeeyaa sidii Wakiil goboleed ee Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda (UPEACE), Marka laga soo tago doorka uu ku leeyahay dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, Dr Mohamed waa aasaasihii iyo maamulaha Machadka Sadar . Waxaad kala socon kartaa qoraaga twitterka @ MohamedOsmanSom

 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Dooxa kulan muhiim ah kulan la yeeshay Dhiggiisa dalka Qatar

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane. Biixi Iimaan Cige oo ku sugan dalka Qatar ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha waxa uu kula yeeshay magaalada Dooxa dhigiisa Wasiirka Maaliyadda Qatar Mudane. Ali Bin Ahmed.

Kulankaan ay magaalada Dooxa ku yeesheen Wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Qatar ayaa intii uu socday waxa ay diiradda ku saareen arrimaha hannnaanka Deyn-Cafinta, iskaashaga horumarinta dhaqaalaha labada dal iyo xoojinta nidaamyada Maaliyadeed ee muhiimka u ah dib-u-habaynta Maaliyadda dalka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda Hey’addaha Maaliyadda iyo dhaqaalaha ee dalka Qatar.

“Waxa aan maanta magaalada Dooxa a ee xarunta Dalka Qatar kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhiggayga Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mudane Ali bin Ahmed Al-Kuwari. Waxa aan ka wadahadalnay arrimo badan oo quseeya Horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa, qorshaha dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda, xoojinta xiriirka iskaashiga dhaqaalaha labada dal iyo Arrimaha deyn-cafinta oo hada meel gabo-gaba ah maraya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo kaddib kulanka uu la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirka Maaliiyadda ayaa ka mid ah wafdiga uu hogaaminayo R/Wasaaraha ee booqada u jooga dalka Qatar. Wasiir Biixi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar, taageeradeeda ay la garab taagan tahay Dowladda Fedeeralka Soomaaliya.

 

Shirka golaha wasiiradda oo looga hadlay xaaladda amni ee dalka

0

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey shirka golaha Wasiiradda, kaasi oo laaga hadlay xaaladaha amni ee dalka, iyada oo la ansixiyey heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dowladda Soomaaliya la gashay Ethopia iyo Turkiga.

Heshiisyada goluhu ansixiyey ee ay galeen ayaa ku saabsan dhinacyada Ganacsiga, Iskaashiga Arrimaha Difaaca iyo Waxbashada Tacliinta sare.
Sido kale golaha ayaa ansixiyey soo jeedintii Wasaaradda Maaliyadda ee habraaca maamulka Guddiga Isku-dhafka Wasaaradeed ee bixinta qandaraasyadda dowladda.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana lagu xasillinayey dalka.
Golaha ayaa bogaadiyey guulaha is daba jooga ah ee ay ciidamadu ka gaarayaan furimaha dagaalka ee cadowga lagu baacsanayo, wuxuuna goluhu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay dalka u leedahay dabargoynta kooxda Khawaarijta ah in loo midoobo.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey dhiggiisa dalka Ethiopia

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey dhiggiisa dalka Ethiopia, Mudane Dekeme Mekonnen Hassan iyo wafdi oo uu hoggaaminayo.

Wafdiga ka socda dalka Itoobiya ayaa u yimid caasimadda Muqdisho sidii ay wada hadallo ku dhisan danaha labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashi dhinacyada kala duwan ee u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.