Home Blog Page 391

Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay+Sawirro

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa saaka Khawaarijta ka xoreeyay Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Baay.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Siraaji Sheekh Isaaq oo la socda Ciidamada ayaa soo sheegaya in deegaanada Adeegow, Dhaydhayka, Tabarow, Walak iyo Arbasale oo 45 KM dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo cadowga laga dulqaaday saaka walina lagu sii baacsanayo dhulka howdka ah.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwaa degaanka ayaa degaanno badan oo katirsan gobolada dalka kawada howlgallo ka dhan ah khawaarijta sid bulshada looga dulqaado dhibaatada ay ku hayeen muddada dheer.

 

Muqdisho-Somalia

[DAAWO] Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir oo ku bogaadiyay ciidamada qalabkasida sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin Sugida Amniga Magaalada

0

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Qaranka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaha qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska ayaa  xalay  kormeeray Degmooyinka dhaca duleedka Muqdisho.

1,200 oo Qoys oo danyar ah oo maanta gargaar loogu qeybiyey Deegaanka Gubadleey

0

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed  ee SoDMA oo gacan ka helaysa Hay’adda gargarka bin’aadanimada u qaabilsan ee dowladda sacuudiga ee Boqor salmaan ayaa Saakay 1,200 oo Qoys waxa ay Gargaar ugu qeybiyeen gudaha xarunta degaanka Gubadleey Ee Gobolka Banaadir kuwaas oo iskugu jiray dad danyar ah iyo kuwa deeganadoodii abaaro iyo colaado uga soo barakacay.

Dhagar qabayaal ka tirsanaa Khawaarijta aoo saaka Mooto Bajaaj ay qarax ku wadeen kula qaraxday degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir

0
Dhagar qabayaal ka tirsanaa Khawaarijta ayaa saaka Mooto Bajaaj ay qarax ku wadeen kula qaraxday degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir.

Qoysas dan yar oo la gaarsiiyay deeq raashiin ah

Qoysas gaaraya 1000-Qoys ayaa ka faa-iideystey deeq Raashiin ah oo Dawladda Cumaan ay gaarsiisey Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool.

Deeqdan raashiinka ah oo qeyb ka ah raashiin maalmihi ugu dambeeyey saldanada Cumaan ay ka qeybineysey qaar ka mid ah gobollada dalka ayaa waxaa ka faa-iideystey ilaa kun Qoys oo kamid ah kuwa sida aadka ah ay u saameeyeen abaaraha ku soo noqnoqdey gobollada Dalka

Boqortooyada Cumaan ayaa bil kasta oo soon qaad ah waxaa qaar kamid ah goballada Dalkeenna ay ku qeybiyaan raashiin, kaas oo ay ka faa’ideystaan dadka danta yer ee abaaraha iyo colaadaha Khawaarijta ay Hurinayaan ay saameeyeen.

 

Muqdisho-Somalia

Dagaal khasaare xoog leh uu ka dhashay oo Maleeshiyaad Khawaarijta ku dhexmaray gobollada Jubbooyinka

Dagaal u dhaxeeyo Khawaarijta ka wada tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa saddexdii cisho ee ugu dambeeyay waxa uu ka socday dhulka howdka ah ee gobollada Jubbooyinka.

Dagaalkan ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Yaaq Shabeel oo u dhaxeeya deegaannada Kaam-jaroon iyo Beerxaani, wuxuuna dagaalka oo geystay Khasaaro culus oo dhinacyada dagaallamayay soo gaaray u dhaxeeyaa maleeshiyaad ka wada tirsan Khaawarijta.

Sida xogta aan ku helnay, dagaalka ayaa ka bilowday ka dib, horjooge ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-shabaab oo lagu magacaabo Ismaaciil Boorow uu ka gadooday,islamarkaana ka soo baxsaday kooxda degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, xilli uu howdka u sii socday oo argagixisadu dhexda u galeen, halkaas oo uu dagaal kulul ku dhexmaray.

Inta la xaqiijiyay 10-ruux oo ka tirsan maleeshiyada Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku geeriyooday dagaalka saddexda cisho ee la soo dhaafay soconayay, sidoo kale, waxaa ku dhaawacmay in ka badan 20-dhagar qabe, kuwaas oo daryeel caafimaaddaro ku haysato dhulka howdka ah.

10-ka ruux ee geeriyooday oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa la kala saftay horjoogahan lagu magacaabo Ismaaciil Boorow iyo horjooge kale oo ka tirsan Al-shabaab.

Horjooge Ismaaciil Boorow oo abtirsi ahaan ka soo jeedo degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxaa la aamisan yahay inuu hasto maleeshiyaad xooggan oo u badan kuwo ku heyb ah iyo kuwo fikir ahaan isaga taageersan ,islamarkaana doonaya in ay kooxda Al-shabaab ka soo baxaan noloshooda ay u beddelaan.

Al-shabaab oo diidan ayaa doonaya in ay cadaadiyaan horjooge Ismaaciil Boorow iyo maleeshiyaad kale ee la socda. Wararku waxay sheegayaan in horjoogahan uu la baxsaday maleeshiyaad kuwaa soo hadda joogo deegaanka Kaam-jaroon, halkaas oo ay ku dhuumaleysanayaan, halka maleeshiyaad kale oo ka tirsan Khawaarijta oo doonaya in ay khaarijiyaan horjoogahan ay ka soo baxeen dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Maleeshiyaadkan ka soo baxay degmada Jilib waxay si gaar ah fikir ahaan u hoostagaan horjooge Mahad Karataay. Culeyska dagaal ee Al-shabaab ka soo fuulay Dowladda federaalka iyo dadka deegaanka ayaa ku qasbaya in ay kala firxadaan oo ay ku dagaallamaan dhulalka howdka ay ku dhuumaaleysanayaan.

Muqdisho-Somalia

Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS oo tababar u soo xiray qaar ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Magaaladda Belgrade ee dalka Serbia tababar ugu soo xiray qaar ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada iyo Madaxweynaha JFS.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha oo qeyb galay dood la xariirta sidii xal loogu heli lahaa Sugnaanta Cuntada

0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay dood la xariirta sidii xal loogu heli lahaa Sugnaanta Cuntada, taas oo barbar socotay shirka shandlaha ah ee Kulamada Gu’ga (Spring meetings) oo ay soo qaban qaabiyeen Bangiga Adduunka (WB) iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).

Xildhibaanno kormeeray xaafadaha degmada Galcad ee G/Galgaduud. {SAWIRRO}

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federaalka  Soomaaliya oo ku sugan deegaannada khawaarijta laga xoreeyay ayaa kormeeray Magaalada Galcad ee gobalka Galgaduud.

Xildhibaan Yaasiin Fareey iyo Xildhibaan Xusul oo ay wehliyaan saraakiil ciidan ayaa kormeer ku sameeyay xaafadaha Magaalada Galcad, halkaas oo ay xog wareysi kula yeesheen Shacabka Magaalada oo in muddo ah dhibbane u ahaa Khawaarijta arxanka daran.

Shacabka halkaasi ku dhaqan ayaa xildhibaannada iyo saraakiisha u sheegay inay dil, dhac, boob, afduub iyo cabburinba ku hayeen kooxda khawaarijta ah, haatanna ay dareemayaan neecow gobannimo.

Dadka halkaasi ku dhaqan ayaa dowladda ka codsaday in ay deegaannadooda ka hirgeliso adeegyadii bulshada iyo goobihii cibaadada oo ay cagta mariyeen argagixisadu, taas oo ay horay u ballan qaadday XFS.

Howlgaladii ugu dambeeyay iyo deegaano cusub oo Khawaarijta laga saaray {SAWIRRO}

Ciidanka xooga dalka ayaa cagta mariyay ku dhowaad 10 tuulo oo hoostaga Dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud 48 saacadood ee la soo dhaafay.

Taliyaha Guutada 4aad ee qaybta 27aad ee Ciidanka xooga dalka Kornayl Saneey Cabdulle oo hogaaminaya howlgalka ayaa ugu baaqay shacabka tuulooyinkaan in ay soo dhoweeyaan ciidanka iyo dowladnimada soo gaartay

Taliye Saneey Cabdulle ayaa sheegay in Khawaarijta ay ku cibaadeeysanayaan bisha Soonqaad, isagoo farriin culus u diray khawaarijta firxadka ah.

“Hadii aad ka run sheegaysaan warkiina ah janno ayaan doonaynaa hannaga cararina ee kaalaya goobta dagaalka”

Wajiga 2aad ee dagaalka Khawaarijta ayaa si rasmi ah u billowday, waxaana illaa iyo hadda lagu xoreeyay dhul farabadan, halka dhowaanna deegaanno hor leh laga xoreeyn doono haraadiga Khawaarijta.