Home Blog Page 393

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM Somalia)

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM Somalia) Farantz Celestin.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka oo u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee Hirshabeelle

0

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee Hirshabeelle Cabdullaahi Maxamuud Gacal uu madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen u magacaabay xilkaasi.

Diirada: Khasaare culus oo ka dhashay dagaal Khawaarijta ku dhex maray deegaan ka tirsan Galgaduud

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab ku dhexmaray deegaan hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkan oo si rasmi ah uga dhacay deegaanka Bidda-Ciise oo aad ugu dhow degmada Ceeldheer ayaa wararka halkaas laga helayo waxay sheegayaan inuu sii kordhay khasaaraha maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ka tirsan Al-shabaab ee ku geeriyooday dagaalkaas.

Inkastoo, argagixisadu deegaankaas isgaarsiintu ka xanibeen, dadkana dhaq-dhaqaaqa ay u diideen si aan xogta khasaaraha dagaalka loo helin, haddana warar lagu kalsoonaan karo oo aan deegaanka ka helnay waxay sheegayaan in khasaaraha maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku dhintay dagaalkaas ay gaarayaan labaatameeyo ruux halka dhaawacuna gaarayo afartameeyo.

Dagaalka oo markiisii hore ka bilowday in la dhammeystiro maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Khawaarijta oo iyaga oo dhaawac ah yaalay deegaankaas Bidda-ciise laguna dabiibayay markii kooxda ay aragtay in cadaadis xooggan soo fuulay ay go’aansadeen in dhaawacyada waqti ku lumin, horjoogayaalna ay soo jeediyeen in dhaawacyada la dhammeystiro si looga gudbo, maaddaama kooxdu uu ku furan yahay dagaallo jihooyin kala duwan ah,islamarkaana hadda uu ku bilowday wejigii labaad ee howlgallada Dalka guud ahaanba looga sifeynayo.

Horjoogayaal kale oo ka tirsan kooxda oo dhalasho iyo hayb ahaan ay aad isugu dhow-yihiin dhallinyarada dhaawacyada ah ee yaallo deegaankaas ayaa arrintaas ka biyo diiday iyagoona ka dagaallamay, taas oo keentay gacan ka hadal socday muddo ka badan 24-saac, Al-shabaab uu dhexmaro.

Dagaalka Bidda-Ciise ka dhacay, ku dhowaad 24-saac ay ku dagaallameen maleeshiyaad labada dhinac ah oo horjoogayaal ay kala hoggaaminayaan, ilaa shan horjooge ayaa la xaqiijiyay in dagaalkaas ay ku nafwaayeen iyagoo dhexdooda iska dilay halka maleeshiyaadka dagaalka ku dhintayna hadda labaatan ay kor u dhaafeen.

Xaaladda deegaanka Bidda-Ciise oo dagaalku uu ka dhacay oo ka tirsan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa hadda la soo sheegayaa in ay wali cakiran tahay oo maleeshiyaad Shabaab ah labada dhinac gurmadyo isaga kala yimaadeen,iyadoo hadda wararku ay xaqiijinayaan in dhinacyada halkaas ku dagaallamay qaarkood ay u suurta gashay in maleeshiyaadkii dhaawaca ahaa in la dhammeystiro marka hore dirirtu ay ka bilaabatay la dhammeystiro.

Dhowaan ayay ahayd, markii sidan oo kale, dagaallo ugu dhexmareen isla maleeshiyaad Khawaarijta ka wada tirsan deegaanno hoostaga degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug. Dagaalkan hadda ka dhacay deegaanka Bidda-Ciise ayaa ku soo beegmaya xilli kooxdan jiritaankooda ay maalmo uun ka harsan tahay oo ay ku jiraan xilliyadii ugu dambeeyay dhammaadkooda.

Muqdisho-Somalia

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kala diray Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kala diray Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Markuu arkay: Qodobka 51aad ee dastuurka Dowladda Hirshabeelle.

Markuu arkay: Warqada sumadeedu tahay DGHSH/MOJHS24/23 kuna taariikhaysan 07/04/2023, taas oo Wasiirka Cadaaladda & Arr. Garsoorka ku soo jeediyay in la kala diro Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wuxuu Madaxweynaha soo saaray xeerka

Qodobka 1aad

1- Laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu ku beegantahay 08/04/2023, waxaa la kala diray

Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

2- Xeerkan wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha, waana uu saxiixay.

Muqdisho-Somalia

Sawirro: Howlgallo ka dhan Khawaarijta oo ka socda Galbeedka Buuloburde

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo ay Khawaarijta ku baacsanayaan ka wada degaano dhaca galbeedka magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Buuloburde Xasan Maxamed Cabdi, Xildhibaan Cabdiladiif Maxamuud iyo Korneyl Cabdinaasir Sheekh Cali ayaa ka mid ah saraakiisha iyo masuuliyiinta hoggaamineysa howlgalkaas.

Ciidanka ayaa gaaray deegaanada Dhagaxyaale , Kiligubadle, Xarar iyo Boocaale oo Khawaarijtii ku dhuumaaleysa jirtay ay isaga carareen, waxayna ciidanku burburiyeen fariisimo iyo godad ay Khawaarijtu ka qodatay deegaanadaas.

May be an image of 4 people and rhinoceros

May be an image of 5 people

May be an image of 2 people

May be an image of 7 people

May be an image of 1 person

May be an image of 9 people

May be an image of 4 people

May be an image of 6 people

May be an image of 11 people

Muqdisho-Somalia

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay dib usoo celinta xiriirka Cuba

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse  oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aysan waxba ku jabnayn in ay xiriir cusub la yeelato Dowladda Cuba.

Wasiir Abshir Cumar Haruuse ayaa tilmaamay  in aanay jirin wax diidaya in Soomaaliya ay dib usoo celiso xiriirkii ay lahayd dowladda Cuba.

Waxa uu tilmaamay in  Dowladda Soomaaliya ay ku dhaqmayso siyaasad ku aadan inaysan ciddina cadow ka dhiganin sidoo kalena la hergeliyo Soomaali dunida heshiis la ah.

 

Muqdisho-Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo fursad siiyay dhallinyarada ku maqan kooxda Khawaarijta Al-shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan kooxda Khawaarijta Al-shabaab in ay ka soo noqdaan fikirka guracan ee kooxda, islamarkaana isku soo dhiibaan Dowladdooda.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada la marin habaabiyay ee qoriga loogu dhiibay si ay u daadiyaan dhiigga walaalahooda Soomaaliyeed ku dhiirageliyay in aysan ka daba lumin kuwa ogaaday in ay ka imaan karin ama ku qancay fikirkaas qaldan.

“ Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan Al-shabaab,waxaan leeyahay iyagana walaalayaal ka soo noqda, dalkan dal aan ahayn ma lihidiin, dadkan dad aan ahayna ma lihidiin, Diintan Diin aan ahayna meel idim ma taalo, dadka Soomaaliyeed ee qiimaha badan ee boqolkiiba boqol muslimka ahaa waa kuwaa taagan, Masaajida camiray dhulka jooga u soo noqo, meelaad  ka aadi kartid malahan,” ayuu yiri madaxweyne JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Haku lumin rafaadka aad ku jirtaan ma mudnid inaad ku jirtid. Sabab aad godka dhexdiisa ugu jirto aad banaanka uga soo bixiweydo oo godka ugu saxarooto oo meeshaada ku jirto maalmo dhan oo godka lagugu imaan, sabab aad ugu sii jirto malahan, ka imow adiga fursad ayaa leedahay, kuwo aan fursad lahayn oo ka imaan karin ama ogaaday ku qancay in ay ka imaan karin haku deysan haku daba lumin, ka imow waa dalkaagii, waa dadkaagii, waa dowladdaadii,  iyagana baaqaas ayaa u dirayaa waana u furan tahay, ciqaab iyo bahdil loolama diyaar ah waa la soo dhoweynayaa, waana kuwaa maanta ciidamada amniga ayay ku jiraan, xukuumaddii ayay ku jiraan, maxaa ku dhahaa baladka ayay ku ganacsadaan, waa joogaan kuwii ka soo noqday, la midaa tahay ka imow iyagana intaasaa oran lahaa aad iyo aadaa u mahadsan tihiin,”.

Dhallinyarada kooxda Khawaarijta ka tirsan ayaa wax faa’iido ah ku qabin u dagaallamida argagixisada, waana kuwo feker ahaan ah maskaxda looga qalday. Dowladda Federaalka ayaa ku guuleysatay in ay argagixisada ka ciribtirto dhul ballaaran oo ka tirsan maamulada Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana hadad socda qorshaha wejiga labaad ee dagaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka oo Khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa sidoo kale, ka hadlay go’aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee ay mas’uuliyiinta dowladda ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka iyo agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Muqdisho-Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa Somalia kula kulamy wasiirka arrimaha Dibaddaa Finland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Mudane Pekka Haavisto oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga arrimaha faa’iidada u leh labada dal.

Dowladda Finland ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarka iyo dowlad-dhiska dalkeenna.

Waxaa sidoo kale mas’uuliyiinta ka socda dowladda Finland ay kulan la qaadan doonaan qaar kamid ah wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyaga oo kawada hadli doono dhinacyada iskaashiga iyo waliba wadashaqeynta.

May be an image of 4 people

May be an image of 3 people and the Oval Office

May be an image of 4 people and the Oval Office

Muqdisho-Somalia

Madaxweynaha Jamahuuriyadda oo booqday ciidamo cusub oo ka tirsan Millatariga dalka kuwaasi oo ka qayb noqonaya sugidda amniga Muqdisho

0

Muqdisho, Maarso 07, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta kormeer ku tagay xerada Hiil-weyne oo ku taala inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad, halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo dhawaan tababar kusoo qaatay dalka Yugaandha.

[DAAWO] Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Ganacsatada uga digay ka ganacsiga agabka ciidanku leeyahay

0

Madaxweynaha JFS  mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay go’aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee ay mas’uuliyiinta dowladda ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka iyo agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta.