Home Blog Page 387

Ciyaartoyda Xulka Qaranka 17jirada oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho

0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka 17jirada oo ka soo qeyb galay Tartanka Koobka 17 jirada Qaramada Afrika {AFCONU17} oo lagu qabtay dalka Algeria, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sirdoonka Qaranka oo Fashiliyay weerar loo diyaariyay Beerta Nabadda.

6-dii Bishan May Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyay shabakad ka tirsan Khawaarijta oo doonayay inay weeraraan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
Ciidammada ayaa gacanta ku dhigay jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda.
Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu burburiyay shabakada loo diyaarinayay weerarkaan oo ka koobneyd kooxdii qaraxyada waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabadda.
NISA ayaa la socotay dhaq haaqa Khawaarijta ee diyaarinta weerarkaan, taas oo ugu danbayntii keentay in sirdoonka qaranka uu si xirfadaysan u fashiliyo weerarka ay khawaarijta damacsanaayeen.
Weerarka la fashiliyay ayay doonayeen Khawaarijtu inay ku waxyeeleeyaan dadka Soomaaliyeed ee u soo nasiinada taga goobtaas, kuna burburiyaan ganacsiga goobtaas taas oo muujinaysa cadowtooyada ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed.
Ciidamada Amniga Caasimadda ayaa ku guulaystay in ay hoos u dhigaan falalkii cadowga Khawaarijta ah ay ku dhibaateyn jireen shacabka magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya waxay u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed ee har iyo habeenba u taagan inay la shaqeeyaan ciidammada ammaanka ee u heelan inay ilaaliyaan nafta, maalka iyo sharafta dadka Soomaaliyeed, waxaana ka go’an dowladda inay sii laban laabto dadaalada lagu cirib tirayo Khawaarijta iyo ficiladooda.

Wasiiru dowlaha Macdanta iyo biyaha XFS oo Ciraaq uga qeybgalay Shir looga hadlayay biyaha {SAWIRRO}

Wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta iyo Kheyraadka biyaha XFS ayaa dalka Ciraaq uga qeybgalaya Shirka caalamiga ee biyaha oo Baqdaad ka qabsoomay.
Shirkaan oo uu furay Ra’iisal wasaaraha dalka Ciraaq ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirada biyaha dalalka carabta iyo hey’adaha ka shaqeeya arrimaha deegaanka iyo biyaha.
Wasiiru-dowlaha wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saaray horumarada laga sameeyay qorshayaashii kasoo baxay shirkii hore gaar ahaan dhanka horumarada iyo caqabadaha ka heysta dalalka Carabta biyaha iyo isbadalka cimilada.
Wasiir Maxamed Cabdullaahi ayaa inta uu shirka socday kulamo doceedyo la yeeshay wasiirka Kheyraadka biyaha Ciraaq Eng. Aoun Dhiab iyo sido kale Wasiirka biyaha Suuriya Eng. Dr. Tamaam Ra,ad isagoo sidoo kale la kulmay xoghaya guud ee wasaaradda biyaha Cumaan, oo ay ka wada hadleen isdhaafsiga xogaha iyo khibrad wadaaga labada dhinac.

Ciidanka Hay’adda NISA ee Koonfur Galbeed oo gacanta ku dhigay xubin katirsan khawaarijta

Dhagarqabe katirsan khawaarijta Al-Shabaab Oo doonayey in uu si dhuumaalaysi ah ugu Safro magaalada Gaalkacyo oo uu doonayay in falal amni darro uu kasoo fuliyo ayey Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonku ku qabteen Magaalada baydhabo.

Xubintan katirsan khawaar oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cabdullaahi Jaamac oo gudaha argagixisada looga yaqaanay Fahad ayaa sheegay in Aabihiis uu ku tashkiiliyay ku biirista khawaarijta, isaga oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo, isla markaana uu tababar kusoo qaatay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Wuxuu uu sidoo kale sheegay in markii laga qabanayay Garoonka diyaaradaha Baydhabo madaxdanka sarreysa ay ku amreen in uu tago Magaalada Gaalkacyo oo uu ku dhashay si uu falal amni darro ka geysto.

Saraakiisha Ciidanka Hay’adda NISA ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Ninkaan ay xogtiisa hayeen mudana ay ku raadjoogeen, isla markaana hataan ay ku wareejin doonaan laamaha amniga Soomaaliya.

Muqdisho-Somalia

Dowladda Soomaaliya oo ku howlan soo daad gureynta muwaadiniinta kasoo carartay colaadda Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Abshir Cumar Huruuse oo ay wehliyaan Wasiirka Gaadiidka, wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda, Xoghayaha Joogtada wasaaradda Arrimaha Dibedda, iyo Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda soo galootiga ayaa xalay garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay 92 ruux oo ka mid ah muwaadiniinta dowladdu ka soo celisay dalka Sudan.

“Waxaan caawa magaalada Muqdisho ku soo dhowaynay diyaarad sidday 93 Muwaadiniin Soomaaliyeed  oo ka  soo  qaxay colaadaha dalka Sudan, kuwaasoo laga soo qaaday Caasimadda Koonfurta Suudan ee Jubba” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Cumar Haruuse.

“34 ka mid ah muwaadiniinta caawa Muqdishu ka soo degay ayaa ku wajahan gobollada dalka qaarkood, anagoo sii wadi doona caawintooda inta ay ku biirayaan   qoysaskooda, waxaa kale oo wasaaradda ka go’an inay labo jibaarto dadaalkeeda soo celinta dadkeenna, inta la xaqiijinayo in dhammaan muwaadiniinta diyaarka ah dalkooda lagu soo celiyo” ayuu raaciyay Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS.

Duulimaadkan ayaa ah kii sadexaad ee shalay dowladda ku soo celisay dalka, iyadoo labo diyaaraddood oo siday 137 muwaadin ay ka kala degeen magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, taasoo tirada guud ee dalka lagu soo celiyay ka dhigaysa 230 Muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo isugu jira arday iyo qoysas halkaas ku noolaa.

Muqdisho-Somalia

Yaa dhiira-geliya Masuq-maasuqa? (Warbixin)

Dowladda waxay siisku mid ah ula dagaallameysaa Khawaarijta oo caqabad ku ah nabadda iyo masuqmaasuqa  oo ah dilaaga horumarka.

Dhanka la dagaallanka Khawaarijtu, Dowladda waxay ku qaadday dagaal saddex weji leh. Dagaalladaas waxay keeneen guusha ah in la wiiqo awooddii Khawaarijta Al-shabaab.

Dowladda markan waxay ku dhawaaqday dagaal xoog leh oo ay ku qaadeyso masuq-maasuqa oo ah dilaaga horumarka iyo nabadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shaqsiyaadka ku kaca masuq-maasuqa dadka qaarkood ku dhiirageliyaan xatooyada uu sameynayo.

” Waxaan rabaa walaalayaal Dowladdu tallabooyin ayay qaaday, ay kula dirireyso masuq-maasuqa, kuwo waa weynna waa soo wadnaa,walaalayaalow wiil yar ama gabadh yarba aan dhaho, wiilasheysa u badan tahay ee daqliga soo galaaya la garanayo, mushaar 500-boqol, 400, ama 700-boqol ah qaadanayo ama ka yar qaato, ayaa daaro dhaa-dheer magaalada ka dhisanayo, waa ammaanan yahay nin karmeed waaye sida uu wax u qabsaday ma aragtay,xaqiiqdana waa maxay waa tuug,” ayuu yiri madaxweyne Xasan sheekh.

Cadowga muuqda ee aan leenahay waa Khawaarijta Al-shabaab, waxaase jira mid aan ka liidan oo Bulshadu ay caadi ka dhigteen.

” Shabaab marka laga reebo Khawaarijtaas, cadow ka weyn oo Soomaali leedahay masuq ma jiro,marka dhaqan buu inoo noqday, guryuhu ayuu joogaa ee aan guryaha ka soo sifeyno,” ayuu yiri RW Xamsa.

Si looga hortago masuq maasuqa, hay’adaha Dowladda oo ay ugu horeeyaan hay’adaha garsoorka waxaa ka dhex bilowday Isla xisaabtan iyo in laga fogaado xatooyo hanti dadweyne.

” Cidda kaliya ee lacag qaban karta ee qof lacag ka qaadi karta waxaa weeye waa sarkaalka waasaaradda maaliyadda u xilsaaran hadba meesha la joogo, maxkamad degmo, gobol, mid racfaan, iyo maxkamad sare,” ayuu yiri guddomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka.

Diinta Islaamku, sidee uga hadashay ammaamada, khiyaannada iyo masuq-maasuqa?.

Wasiir Mukhtaar Roobow” Ammaanada oo la khiyaano mushtamaca oo dhan ayay ku soo noqoneysaa, qof walba mas’uuliyadda uu haayo haddii uu ku dadaalo waxaa iman doonto waxaan la sheegayo in ay baaba’aan masuq-maaasuqa la sheegayo, inta ay shareecada Islaamka, Qur’aanka iyo Axaadiista Nabiga ( CSW) ay daweeyeen, masuq maasuq nidaam bini-aadam sameeyay ama Diin kale oo daweysay anigu ma maqal,”.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan sheekh Maxamuud wuxuu sheegay Caddaalad, ammaan, horumar ineysan imaan Karin haddii aan caddaalada la horgeynin shaqsiyaadka wax isdaba marinaya ama masuq-maasuqa ku kacaya.

” Dadka la daba cararayo hala dhaafo, caddaalad heli meyno, tuug iskama celin karno, dadka jeebadahooda lacagta Kuma baaqato, Dowladdana uma timaado, laakiin Dowladda uma timaado. Maxay Dowladda ku shaqeynee?. Amniga maxay ku sugee?, ninkan garsoorka ah ee caddaalad inuu falo aan rabno sidee la yeelaa?, waa lugeeyaan jidka ayay lugeeyaan nolol macno leh ma haystaan, malaayiin dollar xukun ahaa loo keennaa, waxaa la rabaa inuu ka garnaqo oo xukun caadil ah ka sameeyo, isagana saakay ilmahiisa iyagoo baahan ama isagoo dhinacyada iska fiir-fiiranayo ayuu bajaaj soo raacay oo uu xafiiska ku yimid oo uu garta ka naqayo,”.

Dagaalka ay Dowladda ku wajaheyso dadka xatooyada ku sameynaya hantida loogu adeegayo dadka iyo dalka ayaa ku soo aadaya xilli la soo xiray dad lagu eedeynayo xatooyo hanti dadweyne.

Muqdisho-Somalia

Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada

Shirka Golaha Wasiirada ayaa caawa looga hadlay Amniga, Howlgalada khawaarijta looga xoreeynayo deegaanada Hirshabeelle, Maareynta fatahaadaha Wabiga Shabeelle, Warbixin Barnaamijka xasilinta iyo heerarka ay marayaan, Barnaamijka kasoo kabashada xasaradaha (SCRP), iyo Qorshe-yaasha Caafimaadka ee Hirshabeelle gaar ahaan Cusbitaalka Jowhar.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha uga warbixyay amniga guud ee Hirshabeelle, Guulaha laga gaaray howlgalada Khawaarijta iyo diyaar garowga loogu joro wajiga 2aad ee Howlagalada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay halka uu marayo Barnaamij-ka xasilinta oo laga fulinayo deegaanada la xoreeyay si bulshada u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan shaqaaleysiinta Macalimiin isagoo xusay inay gabo-gabo marayso Imtixaanaadka lagu qaadanayo 400 boqol oo macalimiin ah.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Golaha la wadaagay xaalada Cusbitaal Goboleedka Jowhar.

Madaxweynaha ayaa u Mahadceliyay Golaha isagoo faray inay dardargaliyaan shaqooyinka adag ee horyaala.

Muqdisho-Somalia

Wasiirka Awqaafta XFS oo qaabilay Wakiilo ka socday Ururrada Bulshada Rayidka

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley xubno ka tirsan Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo uu hor kacayo Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka ee Soomaaliya Mudane Cismaan Muxyadiin Macallin (Shaatax), Duniyo Maxamed Cali iyo Maxamuud Sheekh Maxamed Rooble

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ayaa Mas,uuliyinta ka socotey Ururrada Bulshada Rayidka warbixin dheer oo dhinacyo badan taabaneysey ka siiyey hannaankii iyo habraacyadii daah furnaanta ku dheehneyd ee loo marey tartansiinta shirkadaha Soomaaliyeed ee ku tartamey adeega xajka ee sanadkan 1444/2023 oo ay ku jiraan shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya.

Sidoo kale, waxey labada dhinac kulankooda ay uga wada hadleen xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, iyadoo la dardar gelinayo barnaamijka wacyigelinta bulshada ee ku aadan la dagaallanka fikirka xagjirka ah, lana kaashanayo Culimaa’uudiinka Soomaaliyeed.

Muqdisho-Somalia

Wafdi ka socda Sudan oo soo gaaray Muqdisho. {SAWIRRO}

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xamza Aadan Xaadoow ayaa goordhow Garoonka Ku soo dhoweeyay wafdi ka socda Dalka Suudaan oo uu hogaaminayo Daf Calah Xaj Cali oo ah ergayga gaarka ah ee dalka Suudaan.
Wafdigani ayaa kulan la qaadanaya Madaxda Sare ee DFS.

Xaaladda Suudaan ayaa isbedeshay markii ay xiisado dagaalo hubeysan ay oogmeen 15-kii bishii April ee sanadkani kuwaasi oo u dhaxeeya Dowladda Militariga taasi oo keentay in ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi ay DFS bilowdo in laga soo saaro.
Xiisadaha dagaalada Suudaan ayaa waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur balse Dowladda Sacuudiga ayaa bilowday wadahadallo u dhaxeeyo dhinacyada Suudaan si loo xaliyo Xaaladda dagaalada hubeysan.
Labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan ayaa leh xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah kaasi oo taabsnaya dhinacyo badan.

Madaxweynaha Puntaland oo dhagax dhigay wadadda isku xirta Garoowe iyo Garacad

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhaggax dhigay dhismaha Wadada Garoowe-Garacad, Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimada ay Wadadan u leedahay Bulshada Puntland.

Waxaana Goob joog ka ahaa dhagax dhiga wadadaani Masuuliyiin ka Socotay laamaha Dowlada iyo Odayaasha deegaanka .

Dhanka kalama Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay deegaanka Awrculus oo ka tirsan degmada Garoowe .

Madaxweynaha oo fagaare Kula hadlay Bulshadii soo dhoweysay, ayaa ku baaqay in dadka deegaanku in ay isu diyaariyaan Doorashada Goleyaasha deegaanka ee 25-May 2023, wuxuu muujiyay in dadka oo codeeya oo madaxdooda doorta ay tahay waxa ugu weyn ee Dowladda laga sugayey, Sidaasi darteed loo baahanyahay in Bulshadu fursadan ka faa’ideystaan.

Waxgaradka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee deegaanka Awrculus, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha booqashada taariikhiga ah, horumarka Dowladdu wado, Dhismaha Wadada Garoowe iyo Garacad oo deegaanka maraysa iyo fursada ay Bulshadu ku dooranayso Madaxdooda.

Muqdisho-Somalia