Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo furay Aqoon Isweydaarsiga Xog Uruuriyaasha Hannaanka Khariidadeynta

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi oo wehliyo Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa furay Aqoon Isweydaarsiga Xog Uruuriyaasha Hannaanka Khariidadeynta Isku Dhacyada ka dhaca Gobolka Banaadir oo ay soo Agaasimeen Maamulka Gobolka Banaadir.

Ku Simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa sheegay in khilfaadka ugu badan Gobolka Banaadir uu la xiriiro arrimaha dhulka, sidaasi darteed ay go’aansadeen in la dhiso aqoonta iyo xirfadda howlwadeennada Gobolka Banaadir ee ka shaqeeya arrimahaasi, si ay u keenaan xog waafi ah oo horseedda in xal rasmi ah looga gaaro.

Wasiir Ahmed Moallim Fiqi oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in ay lagama maarmaan noqotay in Gobol kasta laga sameeyo khariidadeynta khilaafyada ka dhaca, maadama ay kala duwanyihiin khilaafyadooda, si gobol kasta loogu dabaqo xalka ku habboon. Sidoo kale Wasiir Fiqi ayaa u mahadceliyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adda UNDP.

Ugu Dambayn, Wasiir Ahmed Moallim Fiqi ayaa ku adkeeyay ka qaybalayaasha Tababarka in ay muhiim tahay in xogta lasoo galiyo system iyo isticmaalkooda, si ay madaxda go’aan uga gaareen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...