Ra”iisul wasaare Xamse: Xukuummadda Dan-qaran waxa ka go’an tayaynta Ciidanka Booliiska

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo Xalay ka qayb galay munaasabad casho ah oo Taliyaha Ciidanka Boolisku u sameeyey ka qayb galayaashii shirka Amniga Qaranka gaar ahaan Booliska, ayuu ka sheegay in Xukuumadda ka go’antahay tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyey go’aanadii ka soo baxay shirka, isagoo tilmaamay in Xukuumadda #DanQaran ay dadaal dheeraad ah galinayso tayada, Tirada, Cududda iyo qalabaynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si loo xoojiyo amniga guud ee dalka kala danbaynta, gaar ahaan deegganada laga xoreeyey Khawaariijta.

Mudane Xamsa ayaa ku bogaadiyey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sugidda amniga gaar ahaan caasimadda oo uu sheegay in isbeddel badan oo amni ka muuqdo hadda, ciidankuna si gaara uga feejigan yihiin dhagaraha Khawaariijtu la maagan yihiin shacabka, sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in hadda shacabka Soomaaliyeed si dhaw ula shaqeeyaan Ciidanka amniga taasina ay qayb muhiim ah ka qaadatay ka hor taga dhagaraha Khawaariijta.

Gabogabadii Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray ciidamada qalabka sida ee ku sugan deegaannada ay saameeyeen roobabka iyo daadadka El-nino, inay qayb ka qaataan samatabixinta dadka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in kaalin wayn ka qaataan gurmadka dowladdu wado ee dadkaasi lagu gargaarayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...