Home Blog Page 388

 Guddoomiyaha Aqalka Sare oo safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, Sanatarro iyo Xildhibaanno ayaa guddoomiyaha kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ciidanka ammaanka oo fashiliyey naftii halige isku soo xiray Qarax

0

Ciidanka ammaanka ayaa fashiliyey Naftii halige isku soo xiray Qarax kaas oo doonayay inuu isku Qarxiyo goob maqaaxi ah oo ku taala degmada Howlwadaag ee gobalka Banaadir.

Ciidanka ammaanka oo si wayn uga foojigan dhagarta Khawaarijta nafla caariga ah ayaa fahmay Dhagar qabaha lagu soo xiray Qarxa, waxaana suurta gashay inuu kaligiis Qarxo iyadoo ay ceyrsanayaan ciidanka ammaanku.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inuu dhaawac fudud soo gaaray kaliya hal askari oo ka mid ahaa askartii fahmay in dhagar qabahaan uu ku xiran yahay qarax.

Hay’adda SoDMA oo raashiin ka qaybisay Baydhabo

0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa maanta 400 oo qoys oo ku nool magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed gaarsiisay deeq raashin ah, kuwaas oo ay saameeyeen daadadka ElNiño ee dhowaan halkaasi ku dhuftay.

Dadka iyo qoysaska raashinka loo qeybiyay ayaa ka koobnaa kuwo danyar ah iyo dadka jilicsan sida, naafada ,haweenka , wayeello, kuwaas oo laga soo kala xulay xaafadaha iyo xerooyinka barakacayaasha ee ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo.

Qoysaskan ayaa Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka uga mahad celiayay deeqda la gaarsiiyay, waxaana qeybinta deqda goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka kala tirsan SoDMA iyo Maamulka Magaalada Baydhabo.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gaaray dalka Turkiga

0
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin oo ay wehliyaan Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/lle Sare Mahdi Cumar Muumin iyo Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada Gaashaanle Dhexe. Maxamed Cabdi Wahaab (Anwar) ayaa safar shaqo ku gaaray Magaalaxa Ankara ee Caasimada Dalka aan walaalanahay ee Turkiga.
Safarka ayaa daarnaa iskaashi iyo adkeynta xariirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Boliiska Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Taliyaha iyo waftigiisa ayaa kulan la qaatay taliyaha Boliiska dalka Turkiga Sarreeye Guuto Dr. Salmi Altinok, oo ku soo dhaweeyay Xarunta Taliska Dhexe ee Boliiska Dalka Turkiga.
Qodobada ugu waaweyn ee la gorfeeyay ayaa ah kordhinta tayeynta Xirfadaha Boliiska iyo tirada iyo Tayada Ciidanka Boliiska gaarka ah ee Haramcad kuwaas oo ay taakuleeyaan Ožil Harakat Boliiska gaarka ah ee Dalka Turkiga.

Wasiirka deegaanka XFS oo ka qayb gashay shir looga hadlaya Isbeddelka Cimillada

0

Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka Cimillada XFS, Khadiija Maxamed Almakhzuumi ayaa magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta uga qeyb gashay shir hordhac u ah kulan weynaha isbeddelka cimillada ee dabayaaqada Nofember iyo horraanta Disember ka dhici doono Dubai.

Wasiir Almakhzuumi iyo madaxdii kale ee shirka ka qayb gashay ayaa waxay ka wada xaajoodeen ajendayaasha shirka iyo siyaabaha ugu habboon ee wadajir looga shaqeyn karo yareynta dhibaatooyinka Isbeddelka Cimillada.

 

Ciidanka xoogga dalka oo howl-gallo ka fuliyay gobolka Bakool

0

Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgal ay ka sameeyeen degaanno hoos taga magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool iyagoo gacanta ku dhigay deegaanno ay Khawaarijtu shacabka ku dhibaateyn jrtay sanado badan.

Degaannada ay Ciidamada ka fuliyeen howl gallada ayaa waxaa ka mid ah Abagbeeday, dudumaale, buulo-kojoor, Ceelgaras iyo meelo kale.

Abbaanduulaha guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa hoggaaminayay howl galka ciidanku fuliyeen, waxaana tuulooyinkaas ka socda baaritaan amni xaqiijin ah.

Boliiska Soomaaliyeed oo dhex galay dadkii dhawaan ku dagaalamay gobolka shabelaha dhexe

0

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa cutub Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed ah u diray Deegaao hoos yimaada Degmada Cadale, hkaas oo ay dhawana ku dagaalameen dad walalo ah.

Ciidanka ayaa kala dhex galay maleeshiyo beeleedyo ku diriray deegaankaas hubka dhigisna ku sameeyay. Sidoo kale. Waxaa iyana goobta gaaray cutub Ciidan ah oo ka tirsan hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka (Nisa).

Taliyaha Daraawiishta Boliiska, Sareeye Guuto. Cabdulahi Mire, oo horkacayay ciidankan ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadka ku dhaqan deegaanada lagu dagaalamay gaar ahaan Ceel-muluq, Xaaji-Cali, Laba-garas, Cadow-uul, Dayfo iyo Burto-Shiikh.

Taliyaha ayaa amar cad dul dhigay oo ah in aan la aqbalikarin in wax hub ah lagu qaato deegaankaas dadkuna is dhex maraan, cidii ku xadgudubta xabad joojinta iyo dadaalada nabadeedna ay ciidamada amaanku u amranyihiin in ay gacan bir ah ku qabtaan lagana qaado talaabo sharciga waafaqsan.

Ciidanka Danab oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay Jubbada hoose

0

Ciidanka Kumandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa burburiyay goob ay khawaarijtu kaga dhuumaaleysanayay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Howlgallada ayaa si gaar ah ugu dhacay deegaanada kala ah Yaaq-xaluul, Qod-qod, Beer-xaani,Quddus iyo goobo kale, halkaas oo khawaarijta u ahaa gabbaad kuna dhibaatayn jiray shacabka Soomaaliyeed.

Gaashaanle Carab Dheeg Axmed oo howlgalka hoggaaminayay ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay Ciidanku burburiyeen fariisimo ay khawaarijtu halkaas ku lahaayeen.

 

Bolivia oo xiriirka u jartay Israa’iil iyo dalal kale oo u yeeray safiirada ka jooga dalkaasi

Dowladda Bolivia ayaa xiriirka rasmiga ah u jartay Israa’iil ,iyadoo laba dal oo kale oo Latin America ah ay u yeereen safiiradooda ka jooga Tel Aviv si ay wadatashi ula yeeshaan.

Bolivia “Waxay go’aansatay in ay jebiso xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay dawladda Israa’iil,waxaanna cambaareynay weerarka gardarrada ee ka socda Marinka Gaza,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalkaasi Freddy Mamani.

Wasiirka madaxtooyada Maria Nela Prada ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in wadanku gargaar bini’aadanimo uu u diri doono Gaza ,iyadoo dalbatay in la joojiyo weerarrada Gaza oo illaa hadda sababay dhimashada 8525 falastiiniyiin ah.

Wadamada deriska ah ee Colombia iyo Chile ayaa sidoo kale dib ugu yeeray safiiradooda si ay wadatashi uga yeeshaan weerarada Israa’iil ee ka socda Gaxa ,waxayna ku baaqeen xabad joojin.

Waxaa sii kordhaya carada ka dhalatay weerarada Israel ee ay ku heyso xerooyinka qaxootiga ee ku yaalla Marinka Qaza .

Dhinaca kale,tiro badan oo Falastiiniyiin ah oo dhaawacan ayaa loo ogolaan doonaa inay ka baxaan deegaanka la duqeeyay maanta oo Arbaca ah iyagoo sii maraya isgoyska Rafah si ay daweyn uga raadsadaan isbitaallada Masar.

 

Dibad baxyo ka socda magaalada Dhuusomareeb

0

Banaanbax bulshada Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin dilkii foosha xumaa ee xalay bartamaha suuqa weyn ee Magaalada loogu geystay Sheeekh Xasan Diirshe Cadde iyo Siciid Tahliil oo ka mid ahaa ganacsatada Magaalada ayaa ka socda Dhuusamareeb.

Maamulka iyo Shacabka magaalada ayaa socod ku maray Bartamaha magaalada waxaana ay isugu tageen Garoonka ciyaaraha ee magaalada Dhuusamareeb.

Dadka dibad baxaya ayaa ka dalbaday laamaha ammaanka in ay gacanta kusoo dhigaan kooxihii dilka ka geestay magaalada Dhuusomareeb si loo horgeeyo caddaaladda.