Home Blog Page 386

Ciidamada xoogga dalka oo Tiro maleyshiyaad ah ku dilay howlgal.

Ciidanka XDS oo howlgal qorsheeysan ka fuliyay degaanka Gumeeysi-diid oo 9 KM dhanka bari kaga toosan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa lagu khaarijiyay Tiro maleyshiyaad Khawaarij ah.

Ciidanka oo ka warhelay in maleeshiyaad katirsan khawaarijta ay isku uruursanayaan degaanka Gumeeysi-diid si ay u dhibaateeyaan shacabka degmada Awdheegle ayaa ku baxay deegaankaas waxaana ay ka hortageen isku daygii kooxda, iyadoo howlgalkaas lagu dilay 5 dhagarqabe oo katitsan khawaarijta tiro kalena lagu dhaawacay.

Taliyaha Guutada 14 oktoobar ee Ciidanka xoogga dalka G/le Sare Nuur Maxamed Gaaboow oo la hadlay Idaacadda Ciidamada qalabka sida ayaa xusay in howlgalku u dhacay sidii loo qorsheeyay isla markaana halkaa lagu fashiliyay isku daygii KHawaarijta.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaddey tallaabbooyin ka dhan ah musuq-maasuqa, islamarkaana ay bilaabayso qorshe qaran oo lagu ilaalinayo ammaanada shacabka.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ugu baaqey in ay tixgeliyaan rabitaanka shacabka, ayna dhageystaan talada siyaasiyiinta iyo dhaqanka deegaanka, si loo hirgeliyo hannaan siyaasadeed oo loo wada dhan yahay.
3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay ergay ka socday Golaha Sare ee dalka Suudaan Danjire Dafcallah Al-xaaji Cali ayaa mar kale ku celiyay sida Soomaaliya ay u taageersan tahay mowqifka IGAD, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee la xiriira in degdeg loo soo afjaro colaadda Sudan, khilaafka jirana wadahadal lagu xaliyo.
4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb-galay munaasabad lagu qabtey barxad ku taalla degmada Kaaraan oo kor loogu qaadayey kalsoonida shacabka ee la shaqeynta ciidammada.
5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa abaalmarino guddoonsiiyay muwaadiniin ka qeyb qaatey xasilinta caasimadda iyo ka hortagga dhagarta argagixisada.
6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa diray baaq ku aaddan xaaladda Puntland iyo xiriirka kala dhexeeya hay’adaha federaalka, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in aan la siyaasadeyn horumarka, lagana shaqeeyo danta qaranka iyo darooshooyin la isku raacsan yahay oo ka dhaca Puntland.
7- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo sheegay inay ka go’an tahay dhisidda hay’ado qaran oo wax-ku-ool ah, islamarkaana kulansaday karti iyo hufnaan. Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu ka hadlayey munaasabad lagu maamusayey Maalinta Midowga Yurub, isagoo bogaadiyay taageerada EU ee Soomaaliya.
8- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo daah-furay Madasha Iskaashiga Horumarinta Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.
9- Golaha Wasiiradda oo sheegay in 70% la wiiqay weeraradii iyo fal dembiyeedkii Khawaarijta Al Shabab ay ka geysan jireen caasimadda iyo iyo magaalooyin kale oo badan.
10- Ciidanka Nabadsugidda ayaa hawlgal qorsheysan ku fashiliyay weerar qaraxyo ah oo Al Shabab ay damacsanayeen inay ka fuliyaan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho, gacantana ku dhigay raggii maleegayay weeraradaasi iyo qaraxyada.
11- Amniga Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho oo si weyn u soo hagaagey kadib markii Ciidanka Qalabka Sida ay ku guuleysteen inay ka sifeeyaan inta badan Khawaarijta Al Shabab.
12- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkan dalka dib ugu soo celisay 230 muwaadiniin ku xayirnaa dagaalka ka socda Suudaan. Hawlaha daadgureynta ayaa weli si habsami leh u socda.
13- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa digniin iyo talabixinba la wadaagtey bulshada Soomaaliyeed si ay uga taxadaraan khataraha uga imaan kara daadad ama fatahaado ka dhalan kara roobka xilliga Gu’ga oo ka curtay qeybo ka mid ah dalka.
14- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in 27-ka May 2023 la qaadayo imtixaanka heer qaran ee dugsiyada sare ee dalka.
15- Fatahaad uu Wabiga Shabeelle ka geystay qeybo kamid ah magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle..
16- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa Khawaarijta Al Shabab kala wareegay deegaano dhaca Galbeedka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
17- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General, Mahad Cabriraxaan Aadan ayaa sheegay in askarta isticmaasha daroogada noocyadeeda kala duwan laga cayrin doono ciidanka.
18- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgalkii milateri ee dhowaan ka dhacay deegaanka Ceel-qaboobe degmada Xarardheere lagu laayay maleeshiyaad ajaanib ah, qaarna nolosha lagu qabtay.
19- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud ayaa gacanta ku dhigay sedax horjooge oo ka tirsan Khawaariijta Al Shabab, ,kuwaas oo kala ah: Shire Cabdi Maxamed,Cali Abgaalow iyo Maxamuud Calasow.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo maanta booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay dalka Sacuudiga.
Wafdiga uu hoggaaminayo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo maalmahan socdaal shaqo oo rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga ayaa galabta booqasho ku tagay xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga halkaasi oo kusoo dhaweeyay safiirka safaaradda Saalim Macow Xaaji iyo ergada kale ee safaaradda.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa kormeeray dhammaan qeybaha safaaradda, xafiisyada loogu adeego bulshada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool iyo sido kale shaqooyinka safaaradda uga wakiilka tahay dowladda Soomaaliya, waxaana warbixin kooban siiyay safiirka safaaaradda Salmaan Xaaji Macow.
Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa bogaadiyay masuuliyiinta safaaradda, waxaana uu kula dardaarmay adkeynta shaqooyinka loo haayo Qaranka.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo imtixaan u furay dad ka socda Nootaayooyinka. {SAWIRRO}

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macalin Maxmuud ayaa maanta daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda Nootaayada dufcadda sedaaxaad oo ay u fariisteen 142 sharci yaqaan oo soo buuxiyay shuruudaha imtixaanka.

Wasiirka oo caddeeyay in baahi ay bulshadu qabto loo qabanaayo imtixaanka, kana hadlay muhiimadda ay Nootaayooyinka u leeyihiin bulshada, Caddaaladda, horumarka, sharciga iyo kala dambeynta ayaa sharci yaqaannada imtixaanka u fariistay u rajeeyay guul.

Sharci yaqaannada u fariistay Imtixaanka oo ay qaadayaan guddi ka madax bannaan wasaaradda ayaa u tartamaya 20 nootaayo oo ay ku guuleysanayaan 20 qofood ee ugu buundooyinka badnaada imtixaanka maanta ay galeen.

Maamulka Degmada Baladweyne oo ka hadlay fatahaadda webiga shabeelle

Guddoomiyaha degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Cumar Cismaan Calasoow ayaa sheegay in xalay uu webiga Shabeelle ku fatahay qeybo ka mid ah afarta xaafadood ee ay magaaladu ka kooban tahay.

Guddoomiye Calasoow oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in magaalada loo sameeyay dhowr biyo xireen balse uu webigu dhaafay xaddigii laga filayay fatahaadda, isla markaana jabsaday goobo badan laga moosay biyaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan biyuhu geysan qasaara weyn balse ay jiraan xaafado iyo suuqyo ay galeen biyuhu, iyagoo ka sare maray Buundada Liiq-liiqato wax gaadiid ahna uusan isticmaalayn, maadaama laga cabsi qabi in ay waxyeello soo gaarto.

Wuxuu sheegay guddoomuhu in ay magaalada ka barakaceen boqolaal qoys haatanna ay wadaan ka maamul ahaan dedaallo la xiriira sidii loola tacaali lahaa fatahaadda webiga iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka.

Guddoomiyaha ayaa intaasi raaciyay in ay fatahaadda Webiga iyo saamayntiisa ay ka wada hadleen madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo maamulka gobolka Hiiraan, iyagoo isla gartay dadka ku go’doonsan gudaha iyo duleedka magaalada in loo gurmado.

Soomaaliya iyo Masar oo iska kaashanaya sidii wax looga qaban lahaa isbeddelka cimillada

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada XFS Marwo, Khadiijo Maxamed Makhsoumi oo howlo shaqo u joogta dalka Masar ayaa  kulan la qaadatay dhiggeeda Masar marwo, Yasmine Fouad.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimillada oo adduunka qatar ba’an ku haya, saameyn-na ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.

Intii uu kulanku socday waxay sidoo kale ka wada hadleen labada wasiir sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wasaaradood ayna isaga kaashan lahaayeen dhanka khibradaha.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Cadeeyay Mowqifkiisa Dagaalka Laas-caanood

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in arrimaha ka taagan Laascaanood  iyo Boorame aysan u baahnayn colaad iyo dhibaato hor leh ee loo baahan yahay in wixii jira  lagu xalliyo wada-hadal iyo wadajir bulsho, isla markaana ay Somaliland ka saaran tahay mas’uuliyad gaar ah xal u helidda dhibaatada taagan.

Mudane, Xamse oo ka dalayay munaasabad lagu dhiirri gelinayay ammaanka oo xalay lagu qabtay degmada Kaaraan ayaa sheegay in dowladda Federaalka mowqifkeedu ku aaddan shaqaaqada ka taagan Gobolka Sool uu yahay mid cad oo ay horay u shaacisay ku cel-celisna aan u baahnayn, isagoo tilmaamay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay dowladdu Lowya cadde illaa Raas kaambooni, dalkana ay ka jirto hal dowlad.

Wuxuu ku baaqay Ra’iisul Wasaaruhu deggenaansho, nabad gelyo iyo in wax kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal, wuxuuna intaa raaciyay in ay nabad gelyadu xil gaar ah ka saaran tahay maamulka Soomaaliland iyo Odayaasha dhaqanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in nabad gelyadii lagu soo caana maalay anan laga caajisin, isagoo ugu baaqay in aan colaadda lasii hurin, isagoo sheegay in aysan raalli ka ahayn in wiil Soomaaliyeed uu macna darro ku dhinto oo aan laysku fogaan.

“Nabad gelyada ha lagu wada noolaado, dadkuna walaalo ha noqdaan, siyaasaddana waa laga heshiinayaa, ha dowlad baannu nahay, aan taasi rumeysnaano, yaan la fogaanin, wwaa la doogiye yaan la dacaroon” ayuu yiri RW Xamse.

Wuxuu sheegay in dad is dhalay aysan u habboonayn in ay isu habra wacdaan ama colaadda sii huriyaan, wuxuuna ugu baaqay in ay xishoodaan oo aan shacabka macna darro laysaga laynin, isagoo ku baaqay in wax berry laga qoomamayn doono aan maanta lagu dhaqaaqin.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo abaalmarinno guddoonsiiyay muwaaddiniin Khawaarijta si Geesinimo leh ula dagaalamay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ay wehelinayaan Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudan Saalax Axmed Jamaac iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa ka qeyb-galay munaasabad ka qabsoomtay degmada Kaaraan oo kor loogu qaadayey kalsoonida shacabka ee la shaqeynta ciidammada, laguna dhiirri gelinayey Hay’adaha Amniga.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku ammaanay muwaadiniinta abaal marinta lagu guddoonsiiyey madasha ee ka hortagay falal amni darro, gacanna ka geystay in la soo qabto dhagar-qabeyaal u maleegayey shacabka hagardaamooyin, waxa uuna xusay in amniga Caasimadda ee la hagaajiyey ay sabab u tahay wadashaqeynta shacabka iyo dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xusay in caawa ay haystaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed fursad taariikhi ah oo ay dalkooda ku xoreeyaan, maadaama Xukuumadda ay qaadday tallaabooyin isu soo dhaweynaya Hay’adaha Amniga iyo shacabka, lana xoojiyey kalsoonida, wadashaqeynta iyo dareenka qarannimo.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku wareejiyey Ciidamada Qalabka Sida 50-neef oo geel ah oo ay jeebkooda ka iibiyeen Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

 

 

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xussen ayaa gaaray Magalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan

0

Wafdi Balaaran uuu horkacayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xussen ayaa gaaray Magalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyay shabakad ka tirsan Khawaarijta oo doonayay inay weeraraan Beerta Nabadda

0

Ciidammada ayaa gacanta ku dhigay jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu burburiyay shabakada loo diyaarinayay weerarkaan oo ka koobneyd kooxdii qaraxyada waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabadda.

NISA ayaa la socotay dhaq haaqa Khawaarijta ee diyaarinta weerarkaan, taas oo ugu danbayntii keentay in sirdoonka qaranka uu si xirfadaysan u fashiliyo weerarka ay khawaarijta damacsanaayeen.

Weerarka la fashiliyay ayay doonayeen Khawaarijtu inay ku waxyeeleeyaan dadka Soomaaliyeed ee u soo nasiinada taga goobtaas, kuna burburiyaan ganacsiga goobtaas taas oo muujinaysa cadowtooyada ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Amniga Caasimadda ayaa ku guulaystay in ay hoos u dhigaan falalkii cadowga Khawaarijta ah ay ku dhibaateyn jireen shacabka magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed ee har iyo habeenba u taagan inay la shaqeeyaan ciidammada ammaanka ee u heelan inay ilaaliyaan nafta, maalka iyo sharafta dadka Soomaaliyeed, waxaana ka go’an dowladda inay sii laban laabto dadaalada lagu cirib tirayo Khawaarijta iyo ficiladooda.