Ciidamada ammaanka ayaa si buuxda ula wareegay ammaanka deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud

Date:

Ciidamada ammaanka ayaa si buuxda ula wareegay ammaanka deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud oo muddo ay isku hor fadhiyeen Maleyshiyo beeleed ka soo kala jeeda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado waxaana ay soo saareen saraakisiha ciidamadu awaamir amniga lagu adkeynayo.

Waxaa laga Mamnuucay magaalada in Hub lagu dhex qaato marka laga reebo Laamaha Ammaanka, mas’uuliyiin ka socota Maamullada labada magaalo ayaa ku sugan magaaladaas iyaga oo ka shaqeynaya in xal waara laga gaaro colaad beeleedka.

Deegaanka waxaa Ragaadiyey codaaladda muddada dheer ka jirtay waxaana ka muuqda dib u dhac weyn iyo burbur dad tiro yar ayaa ku sugan waxaana ay odayaasha deegaanku soo dhaweeyeen talaabadda dowladdu ciidamada ku geysay halkaas.

Warbixin ka hadleysa xaaladda Xananbuure ayaan idiin soo gudbin doonaa insha allaah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay hoggaamiyeyaasha Liibiya iyo Malaysiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan la qaadatay deeq bixiyayaasha Caalamka 

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumaadda Federaalka...

Duqa Caasimadda oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi  

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeer ku tagay Xarunta Guddiga Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...