Home Blog Page 371

Taliyaha Hoggaanka Baarista dambiyada Boliiska Soomaaliyeed oo booqday Safaaradda JFS ee dalka Kenya.

Waxaa Safaaradda Soomaaliya Ee Dalka Kenya soo booqday Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada Ee CID-da, Gaashaanle Dhexe. Muxudiin Axmed Cusmaan
waxa uu kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya Mud, Amb. Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Diplomaasiyiinta Safaaradda oo ay ugu horeeyaan Khunsulka Safaaradda, Xoghayaha labaad ee Safaaradda iyo Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Kenya.

Taliyaha Hogaanka Baarista Dambiyada Ee CID-da iyo Safiirka Safaaradda shir ay xafiiska Safiirka ku qaateen ka dib, waxa ay isla garteen in Xarunta Safaaradda ee Magaalada Nairobi laga Furo xafiiska laga qaato warqadaha Dambi la’aanta uu Hoggaanka Baarista Dembiyada bixiyo si loola dagaalamo Dadka Dukumiintiga Been-abuurka u sameeyo Muwaadiininta Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka kenya.

Waraaqda Dembi la’aanta isla markaana loola socdo Dadka Dembiiliyaasha iyo in adeegyada kala duwan ee Hoggaanka CID-da bixiyo loogu soo dhaweeyo Shacabka Soomaaliayeed ee ku dhaqan Dalka Kenya.

Ugu dambeyn Taliye Muxudiin Axmed Cusmaan waxa uu soo Kormeeray Xafiisyada ay Safaaradda ku shaqeyso gaar ahaan Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha halkaas oo muwaadiniin Soomaaliyeed adeeg u soo doonteen si uu arko howlaha baaxada leh ay qabato Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya oo la kulmay danjiraha Hindiya

Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa la kulmay H.E. Namgya Khampa, Danjiraha Hindiya u fadhiya Kenya.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimaha laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada iyo siyaabaha loo sii xoojin karo xiriirka ka dhexeeya Somalia iyo India.

 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XAALADDA GOBOLKA KALA HADLAY ERGEYGA MIDOWGA YURUB EE GEESKA AFRIKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowyga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.
Madaxweynaha iyo Egeyga Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo doorka Midowga Yurub ee dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, iyagoo si gaar ah uga arrinsaday dagaalka ka dhanka ah argagixisa iyo tayeynta ciidamada.
Egeyga Midwoga Yurub ee Soomaaliya Marwo Annette Weber waxay adkeysay mowqifkii Midowga Yurub ee ilaalinta xasiloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyadoo xustay muhiimadda ay siinayaan in la dhowro madaxbanaanida, gobonimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey tageerada Midowga Yurub ay u muujiyeen qaranimada iyo madaxbaaninda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed difaaca dhulkooda, baddooda iyo gobanimadooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Kormeeray Wasaaradda Difaaca dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa kulamo ku saabsan xoojinta amniga iyo xoreynta dalka kula qaatay qeybaha kala duwan ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo hogaanka Ciidanka Dıfaaca Dadweynaha ee Macawisleey.
Madaxweynaha ayaa Warbixin ka dhageystay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Saraakiisha hoggaaminaya qeybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada oo guullo waxtar leh ka soo hooyay howlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada naf lacaariga ah ee Al Shabaab.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Xasan Sheekh ayaa la kulmay u Qaabilsanaha Arrimaha Ciidanka Dıfaaca Dadweynaha ee Macawisleey Mudane Cali Jeyte, waxaa uuna kala hadlay sidii loo mideyn lahaa howlgalada Ciidamada Xoogga dalka iyo Ciidamada Difaaca Dadweynaha, si loo dardargelin dagaalka dalka looga ciribtirayo Argagixisada Al shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya xaqiijinta ahmiyadda loo mideeyay Ciidamada Difaaca Dadweynaha iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku bogaadiyey U qaabilsanaha ka miro-dhalinta ujeedkii dowladda Federaalka ee ahaa in la gaaro hadaf mid ah si looga adkaado AL shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey hoggaanka Talisk Ciidanka Xoogga Dalka iyo u qaabilsanaha Macaawisleeyda in ay xoojiyaan daddaallada naf hurnimada leh ee ay ku beegsanayaan cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khadka taleefanka kula hadlay Xoghayaha guud ee Q,M

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa kala hadlay xaaladda gobolka iyo xasillooni darrada ay abuurayso damaca iyo xadgudubka Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida iyo gobanimada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la Wadaagay aragtida iyo siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is ixtiraam, taas oo ay barbar socoto in dadka iyo dowladda Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda.

Guddiga qaban qaabada Banaanbaxa Berri oo war soo saaray.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare, ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga qabanqaabada Banaan baxa Difaaca Gobonimada Dalka ka dib damacii Itoobiya ee doonista Baddeena.
Guddiga oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, Wasiir Dowlaha Amniga ahna ku simaha Wasiirka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale, ayaa looga arrinsanayay Banaan baxyo waa weyn oo ka dhici doona Guud ahaan dalka gaar ahaan Magalada Muqdisho ee Caasimada Dalka berri 11 Jan 2024.
Ujeedka Banaan baxaan ayaa ah diidmada gardarada Dowladda Itoobiya oo heshiis is afgarad xaaraan ah lagashay Maamulka Soomaaliland kaasi oo ah damac baalmarsan Gobonimada iyo Midnimada dhuleed ee Jahmhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Qaraarada Gobolka iyo Qaanuunka caalamiga ah.

Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo ku soo dhacday deegaan Khawaarijtu maamusho.

Diyaarad kuwa qumaatiga u kaca (helicopter) oo ay leedahay Qaramada Midoobay, loona adeegsado dhanka gurmadka degdegga ah oo caawineysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhacdey goob ku taalla Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay ka taliyaan Khawaarijta.
Wararka hordhaca ayaa sheegaya in diyaaradda ay la soo gudboonaatey cillad farsamo, kadibna ay halkaasi ku dhacdey.
Waxaa diyaaradda saarnaa 8 shaqaale ah oo isugu jiray ajnabi iyo Soomaali. Iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ay ku guda jiraan badbaadinta shaqaalihii saarnaa diyaaradda, ayaa waxan idin idin la soo wadaagi doonnaa hadba waxa ku soo kordha dhacdadan.

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Muqdisho ku qabatay kulan looga soo horjeedo damaca liita ee Itoobiya

0

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Muqdisho ku qabatay Kulan weyne looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya.

Kulankan oo lagu qabtay xarunta Tiyaatarka qaranka ayaa waxa ka hadlay Madaxda kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska iyagoo ku dheeraaday in Wasaaraddu markasta safka koowaad kaga jirto difaaca dalka iyo ilaalinta gobanimada dadka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdillaahi Xayir Ducaale oo khudbad dheer ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in ay door weyn ka qaadanayaan Mudaharaad weyn oo looga soo horjeedo damaca Gurracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid dh dhulka iyo Badda Soomaaliyeed,Mudaharaadkan ayaa maalinta khamiista ka dhici doona Magaaladda Muqdisho.

Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka ayaa waxa ka socda Mudaharaado waaweyn oo looga soo horjeedo damaca liita ee Itoobiya.

Madaxweynaha JFS oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Casuumad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Masar mudane, Abdel Fattah el-Sisi.

Marti-qaadka ayaa waxa dowladda Soomaaliya soo gaarsiiyey wafdi sare oo ka socday dawladda Masar oo 7-dii bishan booqasho ku yimid Muqdisho iyaga oo kulan la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar garab istaagga buuxa ee ay u muujisay Dowladda Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masar gaari doona maalmaha inagu soo aaddan, halkaas oo uu kulan kula qaadan doono dhiggiisa Masar, iyagoo diiradda saari doono xiriirka taariikhiga iyo walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal, waxaa sidoo kale looga hadli doonaan xaaladda gobolka ka soo cusboonaatay ee la xiriira damaca liita ee dowladda Itoobiya.

Dawladda Masar ayaa safka hore kaga jirta dalalka sida weyn uga hor yimid damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah dhulka iyo Badda Soomaaliya, iyadoo dowladda Masar adkaysay in ay waajib tahay in la ilaaliyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo la kulmay safiirka Maraykanka ee dalkaas

Safiirka dowladda FS u fadhiya dalka Kenya danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan la qaatay danjiraha dowladda Maraykanka ee Kenya Margaret Whitman, iyagoo ka wada hadlay ka faa’iideysiga xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta wadahadal la yeeshay Danjire Margaret Whitman, Safiirka Mareykanka u jooga dalka Kenya, iyadoo aan wadahadalka diiradda ku saarnay nabadda iyo amniga gobolka” ayuu yiri danjire Jibriil.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen xaaladaha siyaasadeed ee ka jira gobolka geeska Afrika, iyadoo loo marayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood ka dhexeeya.