









Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS ayaa maanta ka furmay xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ah hadal-jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo bandhigaya warbixinta kulamadii dhacay ee guddiga joogtada ah.
Akhrinta 1-aad ee hindise sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallim Fiqi, oo safar shaqo kujooga Norway ayaa kaqeybgalay mid ka mid ah fadhiyada Madasha Oslo, oo lagu falanqeeyey “Wejiga Soomaaliya ee dadaallada dib u xorreynta kadib”.
Wasiir Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku dheeraaday hannaanka dib u xorreynta dalka, howlaha xasillinta iyo mashaariicda kala duwan ee loogu talogalay deegaannada la xoreeyay iyo kuwa la xorreynayo dhawaan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa ka mid ah wufuud caalami ah ee qeybta ka ah “Madasha Norway” tirsigeeda 20-aad, oo xoogga lagu saarayo arrimaha xallinta khilaafaadka, nabadeynyta iyo dimoqoraadiyadeynta dalka.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, Filippo Grandi, ayaa sheegay in tirada dadka ku barakacay dagaalada ka socda qeybo ka mid ah caalamka ay gaartay 110 milyan oo qof, taasi oo uu sheegay in ay sabab u tahay xaaladda dagaal ee ka taagan dalalka Ukraine, Suudaan iyo meelo kale.
UNHCR , ayaa warbixin ay soo saartay maanta oo Arbaca ah, ku sheegtay in kororka ku yimid Qaxootiga Caalamka ay ka dhigantahay inuu gaaray heerkii ugu sareeyay abid, taasi oo uu Grandi, sheegay inay ugu wacan tahay colaadda ka taagan Suudaan, Ukraine dalal kale.
Filippo Grandi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva, ayaa sheegay in asal ahaan Barakaca ay sababaan arrimo ay ka mid yahiin colaadda, cadaadisyada kala duwan, takooridda, rabshadaha joogtada ah iyo isbeddelka cimilada, balse tobankii sane ee la soo dhaafay uu korar ku yimid tirada barakaca yaasha Caalamka.
Warbixinta ayaa lagu xusay in qiyaastii kala bar tirada guud ee qaxootiga Caalamka ay ka kala yimaadeen dalalka Suuriya, Afgaanistaan, Ukraine iyo Suudaan.
Ugu danbeyntii, Grandi, ayaa walaac ka muujiyay sharciyada adag ee ka dhanka ah qaabilaadda Qaxootiga iyo dib u celinta, isagoo aan magacaabin dalal arrinkaasi ku eedeeysan.
Burcad hubeysan oo u dhashay dalka Uganda ayaa magalada Kampala ee Caasimadda dalkaasi Uganda, ayaa waxaa dil iyo dhawac loogu gestay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku noolaa halkaas.
Kooxdan Burcadda ah ayaa sida la sheegay tiro dhalinyaro Soomaali ah ku weeraray guri ay daganaayeen oo ku yaalla magalada Kampala, waxaana weerarkaas ku geeriyooday hal ruux, halka mid kalana uu ku dhaawacmay.
Shir madaxdeedka dalalka ku midaysan urur goboleedka IGAD oo dalka Jabuuti ka furmay 12-June ayaa gabangabadiisa laga soo saaray war-murtiyeed taageero siinaya dowladda Soomaaliya, kaas oo nuxurkiisu ahaa:
1. In Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD uu noqdo Soomaali ay soo magacawdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka muddo 4 sano ahna xilka loo kordhiyey Mudane Workneh Gebeyehu oo ah Xoghayaha haatan ee IGAD.
2. In dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka maamul ee dallada IGAD, iyadoo si siman ay u shir guddoomin doonaan sannad kasta mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah.
3. Madaxda IGAD ayaa bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, iyagoo sidoo kalena ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, taas oo caqabad ku ah dagaalka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab.
4. Madaxda ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lagu siiyo meelmarinta go’aammadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya.
5. IGAD ayaa dhinacyada dagaalka Laascaanood ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dirirta, iyo in wadahadal lagu xalliyo kala aragti duwan
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas, Odawaa Yuusuf Raage ayaa kulan laqaatay taliyaha ciidamada Mareeykanka ee howlgalka Africom Gen, Micheal Langley.
Sarreeye Gaas, Odawaa Yuusuf Raage iyo Gen, Micheal Langley ayaa ka wada xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya laba qeybood iyo dar-dar gelinta cirib tirka kooxaha khawaarijta.
Maxkamadda derejada koowaad ee degmada Boosaaso ayaa xukun xabsi ah ku ridday shan nin oo dhallinyaro oo loo haysto in ay ku xad-gudbeen qoys ay gurigooda ugu dheceen xilli habeen ah kana duubeen muuqaal iyaga oo handadaya, todobaadkii hore.
Maxkamadda ayaa hoggaamiyaha kooxda oo lagu magacaabo, Yuusuf Axmed Cali oo 18 jir ah ku xukuntay lix sano oo xadhig ah, halka afarta kalena lagu xukumay min shan sanno oo xarig ah.
Waxa dhammaantood sidoo kale lagu xukumay min $4,000 oo doollar oo ah magdhowga muuqaalka ay faafiyeen iyo min $1,000 doollar oo kale oo ganaax guud ah.
Maxkamaddu waxa ay sheegtay in xukunkan uu ka furan yahay racfaan muddo soddon cisho ah, kaasi oo ay qaadan karaan eedaysanayaashu.